Page 1 of 1

Barre Hiiraale oo lagu wado in uu soo gaaro Magaalada Kismaa

Posted: Sun Jun 24, 2007 5:39 am
by Hiiraan boy
Barre Hiiraale oo lagu wado in uu soo gaaro Magaalada Kismaayo

Wararka ka imaanaya Degmada Baardheere waxay sheegayaan in Xildhibaan Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale) lagu wado in uu saacadaha soo socda gaaro Magaalada Kismaayo.

Xildhibaanka ayaa waxaa la sheegay in uu halkaasi u tagayo waan waan uu labada dhinac ka dhex dhaliyo, halka warar kale ay sheegayan in Xildhibaanku Kismaayo u gaarayo sidii uu dhex dhexaadin u dhex dhigi lahaa labo beelood oo ku dagaalamay deegaanka Beerxaano.

Dhawaan ayay ahayd markii Xildhibaanku uu ku soo guuleystay inuu waan waan dhex dhigo labo beelood oo ku dagaalantay deegaanka Faxfaxdhuun.

Barre Hiiraale sanadkii hore ayay ahayd markii ciidamo ka tirsan Maxaakiimtii Islaamiga ay ka saareen Magaalada Kismaayo, isagoo xiligaasi ku sugnaa Magaalada Baydhabo, kadibna waxa uu ka mid noqday saraakiishii hogaamineysay ciidamada Itoobiya ee qabsadaty Magaalada Kismaayo, kaibna Barre Hiiraale waxaa lagu amray inuu soo galo Muqdisho, dhawaan ayaana xilkii Wasiirka Gaashaandhiga laga qaaday, iyadoo loo magacaabay C/risaaq Isaaq Biixi