Dr. C/qaasim : C/llaahi Yuusuf anigaa ku wareejiyay xilka is

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

Dr. C/qaasim : C/llaahi Yuusuf anigaa ku wareejiyay xilka is

Post by Hiiraan boy »

Dr. C/qaasim : C/llaahi Yuusuf anigaa ku wareejiyay xilka iskuma aanaan ogeyn inuu ciidamo deris ah dalka ku qabsado: Wareysi dheer

Madaxweynihii hore ee dalka somalia Dr. C.qaasim Salaad Xasan oo ka hadlay arrimaha dalka Somalia iyo shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ee ay iclaamisay dowladda federaalka KMG ayaa rajo xumo tii ugu weyneyd ka muujiyay xaaladan isagoo cadeeyey in dalka Somalia uu haatan gacanta ugu jiro caddow shisheeye oo ku soo duulay.

Madaxweynaha oo u waramayay idaacadda codka Mareykanka ee VOA_da qeybeeda ku baxda afka Soomaaliga ayaa ka shanqariyay in gudaha dalka Somalia aanu ka dhici karin shir dib u heshiisiineed maadama buu yiri gacanta ugu jiro caddow, gaar ahaana dalka Itoobiya : Xaaladda Somalia hadal badan ma lahan wadanka waa la heystaa caddow ku soo duulay baana heysta, caddowgaas ayaana maamusha, waxaana ka dambeeya dowladdii adduunka ugu weyneyd ee Mareykanka sida ay sheegteen iyagu ama adduunka oo dhan laga ogyahay, waana Yaab yaabkiis maxaa yeelay shacabka Mareykanka iyo Shacabka Somalia waxaa ka dhaxeeyey xiriir wanaagsan oo soo jireen ah, waxaana ugu yeereynaa Mareykanka ummadda Soomaaliyeedna ugu yeereysaa inay nimanka kan dalkoodii dib ugu celiyaan Q/midoobayna inay yimaadaan oo dalka ku soo celiyaan nabaddii iyo kala dambeyntii, oo dadka Soomaaliyeed inta wada hadlo oo shirkooda qabsado ay markaas kadib doortaan cidii ay doonayaan oo hogaamineysa, waana Dimuqraadiyadda ay sheegaan weligood ayna leeyihiin waa mabda'a Mareykanka: ayuu yiri C/qaasim Salaad oo intaasi ku daray Qaranimadii dalka aaney maqneyn balse haatan aysan ka muuqanin caalamka sidii hore.

: C/llaahi Yuusuf anigaa si xor ah ugu wareejiyay xilka si aan u lumin Calankii iyo Qaranimadii dalka Somalia, laakiin caddow soo hogaamintiis ma aheyn wixii aanu fileynay, iyo in somalia lagu soo hogaamiyo dal deris ah oo aysan weli heshiinin laguna qabsado: ayuu sidoo kale yiri C/qaasim, iyadoo mar la weydiiyay inay tahay dad dowladda diidan oo loo soo kaxeystay ciidamadan Ajnabiga ah ee aaney aheyn in dalkii lagu soo duulay, wuxuuna kaga jawaabay.

:Maya dadka Soomaaliyeed dowlad ma diidin dowladeydiina ma diidiin oo boqolaalkun ayaa isugu soo baxday garoonka ugu weyn Muqdisho illaa Afgooyena wey i soo dhoweynayeen ee waxaa diiday, Rabitaanka dadkuna sidaasbuu ahaa ee waxaa jiray qabqablayaal dagaal, oo nin walbaaba goostay qeyb ka mid ah Xamar, dowladnimo iyo dowlad midna rabin, oo iyagu qabiil walba ka tirsanaa qaasatan qabiilada Xamar dega ee Waqooyiga iyo Koonfurta, iyagana waxaan ku talo galnay dagaal dambe inaanaan hurin, halkaasna uu ka sii ambaqaado C/llaahi Yuusuf, sidaas ayaana u sheegnay C/llaahi Yuusuf iyo raggiisa markii yimaadeen: ayuu yiri C/qaasim oo xusay in sidoo kale uu kula taliyay Corneyl Yuusuf in loo baahan yahay haddii ciidan la keenayo ciidan heshiis lagu yahay oo aysan ummadda Soomaaliyeed waxba ka qabin kana socda Q/midoobay.

Sidoo kale, C/qaasim ayaa ka hadlay sida uu arko qabsoomida shirka dib u heshiisiinta isagoo sheegay in shirkaasi xal looga gaari karo oo kaliya haddii uu noqdo shirka shir siyaasadeed isla markaana ay ka baxaan dalka ciidamada shisheeye oo la gaaro heer ay cid kasta cidna ka baqaneyn.

: Shirkana waa inay ka soo qeyb galaan nimankii golihii maxaakiimta, Aqoonyahanka Soomaaliyeed, Haweenka, culumaa'udiinka, Siyaasiyiinta Soomaaliyeed, Dhaqanka Soomaaliyeed iyo dhamaan qeybaha Soomaalida, markaasna ay ka soo baxaan wax Soomaalida inta bada raali ka tahay waaba la ogyahay Soomaali oo dhan raali kama noqoneysee:.

Gabogabadiina C/qaasim oo ka hadlay falalka qaraxyada ee ka dhaca mar kasta Muqdisho ayaa sheegay in uusan weligiis raali ka aheyn kana soo horjeedi doono in wax la qarxiyo isla markaana dad la dhibaateeyo maadaama buu yiri Qaraxyadan ay salfadaan nolosha dad rayid ah wuxuuna ugu baaqay kooxaha wada inay ka tanaasulaan.

Dhawaqa adag ee ka soo yeeray Dr. C/qaasim Salaad Xasan ayaa ah midkii ugu adkaa ee uu ku hadlo siyaasi Mansabkan sare leh oo kale, wuxuuna ku soo beegmayaa xilli dhowaan ay ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ay baaritaano xoogan iyo fatashaad ku sameeyeen guriga uu C/qaasim ka degan yahay magaalada Muqdisho gaar ahaana degmada Hodon, kaasoo ay ka qaateen hub fara badan iyo qalab kale, inkastoo markii dambe ay ka raali geilyeen madaxda dowladda meel ka dhacaasi.

Xafiiska wararka ee Muqdisho, Somalia
dayniilecom@hotmail.com

News Update in English www.dayniileone.com
Mrs Musika man
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 621
Joined: Thu Jun 14, 2007 2:53 pm
Location: XAMAR cadey - Musika-Sultan-of-Banadiir, Majerteen-Abgaal Capitalistic Alliance (MACA)

Re: Dr. C/qaasim : C/llaahi Yuusuf anigaa ku wareejiyay xilka is

Post by Mrs Musika man »

Dr. C/qaasim??? Laughing When the hell did he get the title doctor? Laughing


He has a bachelors degree, thats it.
User avatar
Karbaash_killa
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3672
Joined: Thu Mar 10, 2005 3:10 pm
Location: Wisil, Galmudug State of Somalia

Re: Dr. C/qaasim : C/llaahi Yuusuf anigaa ku wareejiyay xilka is

Post by Karbaash_killa »

thats only after he got raided by a Ethiopians... NIn walkba markii gurugiisa lagala baxo ayuu qeel qeeliyaa!
User avatar
halfoshalfom-614
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1218
Joined: Fri May 18, 2007 3:05 pm
Location: king of majeertenia.

Re: Dr. C/qaasim : C/llaahi Yuusuf anigaa ku wareejiyay xilka is

Post by halfoshalfom-614 »

who is abdi nasir.......? just asking
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”