BREAKING NEWS AMERICAN PLANES SHOT IN KISMAAYO + WAR
Posted: Mon Jun 25, 2007 12:36 pm
Dagaal maanta ka dhacay Deeganka Canjeel ee duleedka Magaalada Kismaayo
Posted to the Web Jun 25, 19:01
Kismaaya:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa sheegay in maanta uu dagaal dhexmaraya Ciidanka gacanata ku haya Magaalada kismaayo iyo Ciidan kale oo ku sugan Deeganka Canjeel.
Dagaalka ayaa dhacay ka dib markii Ciidan ka baxay Magaalada Kismaayo ay wadada u galeen Ciidan kale oo la sheegay inay ka tirsan yihiin guutda1aad oo maalin dhaweyd dagaal uu ku dhexmaray Tuulada Buulogaduud.
Wariyaha Shababkada wararka Halgan.net ee magaalada Kismaayo Cabdi yare ayaa xiriir la sameeyey Tuulooyin ka ag dhow tuulada uu dagaalku ka dhacay isagoo ay u sheegeen dad goob googayaal in dagaalku dhacay.
Oday ku sugan Tuulada Canjeel oo ka gaabsadey in magciisa la xuso ayaa u sheegay Shabakada wararka ee Halgan.net in Ciidamadii ka soo baxay Magaa lada Kismaayo dib loo soo riixay loona sheegay in laga gubay 2 gaari 3 kalana laga qabsadey wali ma cada qasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ee labada dhinac.
Dagaalkaan ayaan ilaa hadda aysan ka hadlin xaqiiqdiisa Ciidamada Guutada 3aad ee ku sugan magaalada Kismaayo.
Gudoomiyaha gobolka J/hoose, gudoomiyaha degmada Kismaayo ,Col.Afgaduud ayaa intabada ilaa hadda ku sugan Tuulada Janaa Cabdale oo Magaalada Kismaayo uga beegan Waqooyiga una jirta ilaa 60 km iyagoo ka wada abaabul dagaal.
Sidoo kale saaka ayaa waxaa magaalada ku waabariisatay diyaarad dul wareegaya Magaalada iaydoo ciidanka ku sugan Magaalada Kismaayo ay ku rideen hubka lidka diyaaradaha ee loo yaqaan Zooga.
Magaalada kismaayo ayaa weli laga soo sheegayaa in dad rayid ah laga qaatey hantidoodii ay sida gaarka ah u lahaayeen.
Odayaasha Beesha Sade ayaa shalay go'aano ka soo saaray magaalada kismaayo iyagoo sheegay in aragti lagu toogan doono cidii lagu qabto inay wax dhacayaan.
Dagaalada beelaha Soomaalida dhex mara ayaa ah mid ay aad isku laayaan Dagaalka ayaa odayaasha qabiilka waxaa ay u adeegsadaan dhalinyaro da'yar kuwaa oo ku dhamaada Dagaal aan wax faa'iido lahayn laguna mutaysanayo naar iyo ilaahay ka fogaasho.
Halgan.net
Cabdi Yare
Kismaayo