26 JUNE INDEPENDENT STATE OF SOMALILAND
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.

- The_Emperior5
- SomaliNet Super

- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
26 JUNE INDEPENDENT STATE OF SOMALILAND
lets debate history again
xornimmoo free at last
xornimmoo free at last
- The_Emperior5
- SomaliNet Super

- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
Re: 26 JUNE INDEPENDENT STATE OF SOMALILAND
26ka Juun Waa Maalin Mudan Maamuus iyo Damaashaad by, Ahmed Arwo
26kii Juun 1960, waa dharaartii aynu gobanimada helnay, waa ayaantii aynu noqonay dal xor ah oo ka mid ah dalalka adduun weynaha, waa maalintii ay ina aqoonsadeen dalal ka badan 30. Waa ayaantii abwaan iyo hoobal tooni aanu wax la hadhin. Waa dharaartii Alle ha u naxariistee Cabdillahi Suldaan Timacadde iyo Cabdi Iidaan tiriyeen gabayada taariikhiga ah een doogoobin. 26kii Juun 1960, waxay ahayd maalin in badan la saadaalinaayey. Waxay ahayd maalin rag iyo dumar, ciroole iyo caruur loo ciyaaray, loo soo jeeday, loo xaragooday.
Waxay ahayd maalin dhalinyaro badani ku beegeen arooskooda. Waxay ahayd maalin wiil iyo gabadhii dhalatay lagu tilmaamay cawo dhalad. Waxay ahayd maalin xisbiyada qaran, mucaarad iyo muxaafid ay gacmaha is qabsadeen. Maalin hadal macaan iyo weji furan leysku salaamay. Maalin miskiinka taakulintiisa la kala boobay. Maalin Soomaali madax kor u qaaday. Maalin kii shalay ku gumeysanaayey uu magan kuu noqday.
Waxay ahayd maalintii u horeysay ee 5ta Soomaali dhammaan wada ciiday. Waa dharartii u horeysay ee dal xor ah oo Soomaaliyeed dhashay. Haddaba waxa dadka qaar isku qaldaan maalintan qaayaha leh ee la odhan karo waa tan ugu mudan ummadda Soomaaliyeed, iyo dhibaatadii, burburkii iyo dilkii ka dambeeyey ee dhaliyey inay burburto hilowgii iyo himiladii weyneed ee midnimada shanta Soomaaliyeed. Halgamayaashii ay horseedka u ahaayeen xisbiyadii NUF, USP iyo SNL, waxay ahaayeen qaar niyad wanaagii ay u hayeen midnimada Soomaaliyeed si shuruud la,aan ah oo weliba qayb xuma ah ula mataanooba Konfurta. Lagama helin dhankooda xaqsoor wacan iyo maamul rumeyn kara hadafkii weynaa ee israaca. Waxay noqdeen laba shuraakoobay oon si cadaalad ah dheefta ay wadajirka ku heleen u sinayn. Waa cadaalad darada lagala kulmay Koonfur tan ay ka dhalatay taariikhda madow ee israaca inaga soo gaadhay ee ma aha mid loo nisbayn karo 26ka Juun iyo maalinta gobannimada Somaliland.
Bal u fiirso waxa la ciyimay in shanta Soomaaliyeed shan maalmood oo isku xigta loo diyaariyo. Waxa la gartay in Somaliland oo u horreysaa qaadato 26ka Juun, Xamarna 30ka Juun, Kowda Juulayna noqoto maalinta israaca oo marba cidda xorowdaa ay kuwa xorta ah ku soo biirto. Waxa loo daayey 27, 28, iyo 29ka Juun seddexdii aan weli xoroobin. Waxa soo raacday Jabuuti oo sidii loo qorsheeyey qaadatay 27kii Juun, waxa weli aan xoroobin Soomali Galbeed iyo NFD oo ay sugayaan labada Maalmood ee 28ka iyo 29ka Juun.
Taasi waxay ina tusaysaa in israacu ahaa mid lagu doonaayey in lagu helo shanta dale e Soomaaliyeed ee aanu ahayn mid ku kooban labadii mataanoobay. 26ka Juun waa maalin rajo wanaag iyo saadaal suuban la kowsatay ee waa in la mariyaa maamuuska ay leedahay oon hoos loo dhigin. Waa inay noqotaa mid qalin dahab ah lagu qoro, lana soo ban dhigo qiimaha xoriyaddu leedahay. Tani wax xidhiidha lama laha dhibaatooyinkii ka dhashay is-raaca oy sababteedu ahayd arrin inagaga timid meel aan la filayn.Yaan leysku xidhin gumeysi erigii iyo khasaarihii lagala kulmay israaca.
Haddaba bal aan xusuusano 47 sano, aynu gumeysigii Ingiriska xoriyadda ka qaadanay. Waxa ay u kala kacayaan 9 sano oo habka xisbiyada badan dalka ka jireen 12 ( waa intaynaan SNM samayn, oynaan dagaal qaadin) sano oo xukun militari dalka ka jiray iyo 10 sano oynu dagaal kula jiray taliskaa macangaga ahaa. Waxa taas soo raacda 16 sano oynu xoriyaddii la soo noqonay. Waxa aan sidan ugu qaybiyey in la arko inayna yareen mudada aynu dib u dhalinay jumhuuriyadda Somaliland.
Ina Barre markuu dalka cadaalad darro iyo maamul xumo ka dayn waayey, waxaynu sugnay 12 sano, kolkaasaynu qaadnay dagaal aynu ku guulaysanay, maantana waxa ka soo wareegay 16 sano intii aynu xukunka la soo noqonay. Waxaana fiican in leys weydiiyo waxa inoo qabsoomay iyo inaynu mudadan wax intaas ka badan gaadhi lahayn. Gaabiska muuqda maxaa dhaliyey? Yaa hawshooda gabay? Maxay sheegan kartaa dawladdan maamulkeedu ragaaday? UDUB se ma yahay xisbi ka turjuma himmilada ciddii u fooday, mise waa mid durbaanka la daba jooga ninka ay kursiga ku fadhiisiyeen. Waxaad jaleecdaa in 9kii sano ee dawladihii madaniga ahaa jireen waa 1960 ilaa 1969, aynu kala bedelnay 3 Raiisul Wasaare iyo 2 Madaxweyne. Maanta se waxaynu nahay dad iyo dawladba gaabis aan qiimayn wacan siinin waqtiga.
Dawladahaasi wax weyn mey qaban, waxaa se jiray sharci iyo hab maamul-suuban oo soo cagaaraayey. Waxa jiray waajibaadka iyo xaq muwaadinka oo lagu barto dugsiyada. Waxa jiray ururo bulsho oo inta danwadaag ihiba gole yeelato, sida Ururkii Ardayda, kii Macalimiinta. Kuwaas oo u soo jeeday danta guud iyo horumarka bulsho, lana dagaalama qabiilka. Waxa jiray in danta guud isku si loo arko, oo marka laga cabanaayo waxbarashada, caafimaadka iyo maamul xumada, aan lookala bixin beelo iyo xisbiyo. Lixdanaadkii waxa dhici jiray mudahaarado xaqa lagu raadiyo, iyadoo dhammaan xisbiyadu ka soo qayb qaataan. Weliba xisbiga talada hayey ee SYL waxuu lahaa in badan oo ka soo horjeeda dawladda.Waxa laga horeysiin jiray danta guud tan xisbiga. Ma lihi qabiil ma jirin, mana lihi musuq ma jirin, bal se waxa barbar socday nidaam bulsho oo horumarka iyo dhismaha hab-maamul-wanaaga u taagan, itaal kasta ha lahaadee.
Haddaba iyadoon caddaalad daradii ay la kowsatay israaci la hagaajin ayaa intii rajada ahaydna sii burburtay markii taliskii askartu hogaanka qabatay. Ina Barre waxuu ooda u jiiday hab-dimuquraadiyeedkii dalka oo la waayey urur nooc kasta ha ahaadee, mid xisbi iyo mid bulshaba.Waxa xidhmay xoriyaddii jaraaidka, waxaan bilaabmay odhaahdii ahayd "Car juuq dhe", waxana ku soo biiray habkii dawladda, ciidamo gaar ah oo loo qortay inay muwaadinka cagaha hoos gashaan, kuwaas oo ahaa NSS iyo maxkamado la hal maala ciidankan oo ah Maxkamadda Badbaadada Dalka… oo runtii ahayd Maxkamadda Madax-jabinta Muwaadinka. Waxa ayaan darro ah in maanta weli raadkoodi taagan yahay. Waxa weli dalkeena ka dhisan Guddigii Nabadgelyada ee maxkamad la’aanta muwaadinka xabsiga u taxaabta. Waxa jeelasha ku jira muwaadiniin sharci daradaas lagu xabisay. Waa arrin uurkutaale leh, una baahan in si degdeg ah loo afjaro.
Waa in la xusaa ragii u soo halgamay xoriyadda abwaano, siyaasiin, odayaal iyo culumaba. Sidoo kale waa in la xusaa xisbiyadii jiray iyo giraanta taariikhda oo lagu xidhiidhiyo halgankii SNM, lana maamuuso ciddii ku dhimmatay, kuwa ku agoonoomay iyo inta nool oo la qadariyo. Waa in ubadka loo qoraa taariikhda. Ogow cidda aan aqoon waxay shallayto ahayd ma garan karto waxay noqon berito.
Haddaba xukunkii faqashtu waxa uu keenay cadaalad darro, eex iyo ku tumasho xuquuqda aadmiga, waana arrimahan kuwa aynu ka dagaalanay. Illahay mahadii weynu ku guulaysanay, balse waxaad moodaa in talaabada aynu ku soconaa tahay tii diinka. 16 sano waxaad moodaa in loo arko 16 bilood. Waa muddo aad u dheer oo wax badan la qaban lahaa. Weli ma sugna himilada qudha ee dadweynaha qancinaysa, ahna mid aad u sahalan haddii la helo madax u heelan inay hirgeliyaan barnaamaj qorsheysan oo lagu gaadhaayo…waa CADDAALAD…CADDAALAD…..WAA CADDAALAD SHARCIGA LOO SINAADO.
Waxa ayaan darro ah in si hawl yar loo dacaayadiiyo ciddii ummadan u hurtay naftooda. Waxa la marayaa heer aflagaado iyo xaqiraad lagu dhoobo intii ugu mudnayd halkankii dhowaa een weli midhihiisa la goosan, waa kii SNM, markaas yaa xusuusan kara raggii lixdanka soo halgamay. Ninka naftiisa u huray kor u qaadka nolasha dadkiisa, maxaa ka dhigay in lagu tilmaamo dayday, maxaa u diiday in loo arko nin mudan inuu hogaamiye noqdo. Yaa kaga habboon inuu reerka u raro meel baad iyo biyo leh. Ogow isagaa naftiisa u huray inuu taas gaadhsiiyo, waa nin mari kara dariiq taas lagu gaadho. Ma lehi iyagaa keli xaq u leh taas, waxaan se leeyahay ha ku helaan dhibco (points) dagaalka ay soo galeen.
Iska daa dhibco ay helaan, ee waxa ay ku noqotay canbaar dhabanka kaga taal. Intaad maqashay….SNM xiligeedi dhammaa, dagaal iyo dirir looma baahna.. Waxa dhab ah in ninka xiliga dagaalka naftiisa dalka u huraa yahay kan ugu jecel dhismehiisa. Muwaadin ogsoonow in SNM dhashay Somaliland, in madaxda talada haysaa meesha timaadeen SNM la,aanteed. Maanta waa maalin koligeen inaga dhexaysa, sidoo kale ayeyno mustaqbalka u wadaagnaa. Dawlad aan muwaadinku xaqiisa iyo waajibaadkiisa gudani ma waarto, mana gaadho horumar.
26ka Juun waxa dhaliyey muwaadiniin gacmaha is haysta, kala xisbi ah, kala beel ah, oo wadaninimo walaalaysay. Waxaan la iloobayn kaalinta ay ka qaateen abwaanada Barkhad Cas, Cabdillahi Qarshe, Guduudo, Cali Sugule iyo dhammaan Walaalo Hargeysa. Sidoo kale siyaasiinta iyo odayada ay ka midka ahaayeen Suldan Cabdillahi, Suldaan Cabdirahmaan, Garad Ali , Goodaad, Cigaal, Axmed Xasan, Michael Mariono iyo dhammaan intii halganka dheer u soo martay xoriyadda dalkeena hooyo.
Aan jaleeco macaanka gobannimadu leedahay. Bal dhuux, ereyada macaan ee ku jirta heesaha caanka ah..Dharaarta aan waxyeelada dhaqdhaqay..Waa dharar farxad iyo damaashaad mudan..ee aan maalno hasheen maandeeq..
Guul Alle iyo Gobannimo.
Ahmed Arwo
Cardiff, U.K.
samotalis@gmail.com

- LiQaaye_TDH
- SomaliNet Super

- Posts: 15857
- Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
- Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...
-
Dhaga Bacayl
- SomaliNet Super

- Posts: 8363
- Joined: Tue Dec 23, 2003 7:00 pm
- Location: H-Town in Somaliland
Re: 26 JUNE INDEPENDENT STATE OF SOMALILAND
Not that sagnificant any more but historic day it is!
-
Dhaga Bacayl
- SomaliNet Super

- Posts: 8363
- Joined: Tue Dec 23, 2003 7:00 pm
- Location: H-Town in Somaliland
- Enemy_Of_Mad_Mullah
- SomaliNet Super

- Posts: 20796
- Joined: Fri Mar 10, 2006 6:27 pm
- Location: In the plains out in hawdka im'a tell ya, mess with the reer and a vest could'nt help ya
Re: 26 JUNE INDEPENDENT STATE OF SOMALILAND
[quote="LiQaaye_TDH"]:roll:[/quote]
nacasssssssssssss
- LiQaaye_TDH
- SomaliNet Super

- Posts: 15857
- Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
- Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...
Re: 26 JUNE INDEPENDENT STATE OF SOMALILAND
Enemy: Waayo?
Re: 26 JUNE INDEPENDENT STATE OF SOMALILAND
26 of June is a very important day in Somaliland calendar.
It symbolises the day our nation got her full independence becoming one of the first African countries to gain freedom and enjoy their soveriegnty.

paidmonk
- SomaliNet Super

- Posts: 11989
- Joined: Wed Dec 31, 1969 7:00 pm
- Location: http://majerteen.blogspot.com/
Re: 26 JUNE INDEPENDENT STATE OF SOMALILAND
The days of slavery were better. 
- DR-YALAXOOW
- SomaliNet Super

- Posts: 13996
- Joined: Wed Dec 15, 2004 1:26 am
Re: 26 JUNE INDEPENDENT STATE OF SOMALILAND
26 juun waa maalintii ay dhalatey SOMALI REPUBLIC whit the blue flag.
26 juun waa maalintii la aasey magaciii ingriiska u bixiyey gobolada waqooyi ee aahaa(somaliland) a english name
26 juun waa maalintii calanka buluuga koonfurta ka surnaa from 12 oktoobar 1956 xukunkii daaqiliga ahaa ay reer koonfureed hargeysa geeyeen halkaa ka sureen calanka buluuga.
magacii jamhuuriyadii cusbeyd maalintaa dhalateyna wuxuu ahaa SOMALI REPUBLIC=jamhuuriyada somalida waxayna sugeysa 4 maalinti ka dib in somali republic ay kaamil noqoto waa 1da july.
maxay ku dhacdey calan reer koonfureed ay sameeysteen oo xamar ka taagnaa from 1956 dawladii abdulaahi ciise daaqiliga aheeyd calan ay dad kale lee yihiin laga taago hargeysa 26 juun 1960.
taa waxay ku tuseysaa unity of somali nation inay markeedii horeba lahaayeen reer koonfureed people.
dad baddan ayaa mooda 26 juun in wadankii ingriiska ka kacey magacii loo bixiyey uu ahaa(somali+land) sidaa maaha maalintii sidii GHANA oo kale ingriiska u bixiyey GOLDEN COAST ay magacaa u badashey habeenkii xuriyada qaadatey ayna ula baxdey ghana ayaaa former british-somaliland habeenkaa 26 juuun waxaa lagu dhawaaqey inay dhalatey SOMALI REPUBLIC WHIT THE BLUE FLAG . iyadoo markaaba la ogaa 4 maalmood ka dib inay jamhuuriyada qeybteedii kale koonfur ay ku darsami dooonto.

- DawladSade
- SomaliNet Super

- Posts: 13940
- Joined: Fri Apr 22, 2005 9:38 pm
- Location: Xornimo
Re: 26 JUNE INDEPENDENT STATE OF SOMALILAND
VIVA SOMALIA.
Kana siib kana saar ku tuura.
Kana siib kana saar ku tuura.
- The_Emperior5
- SomaliNet Super

- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
Re: 26 JUNE INDEPENDENT STATE OF SOMALILAND
sxb somaliland was recognized bye 34 states including 4 members of the security council
today na somaliland ba jirta masshallah
the first flag ever raisd in a free land of somaliland was beertii xorriyadu
and the south was under ocupation

*lady_ice_4u2nv*
- SomaliNet Super

- Posts: 12183
- Joined: Tue May 23, 2006 3:53 am
- Location: TO DA LEFT
Re: 26 JUNE INDEPENDENT STATE OF SOMALILAND
efryday WAAX cusuub
Re: 26 JUNE INDEPENDENT STATE OF SOMALILAND
I want proof that 34 States,including 4 Security Council members, were able to send a diplomatic mission to a country scheduled to disappear in three days time.
Poney it up boys.
Poney it up boys.
- DR-YALAXOOW
- SomaliNet Super

- Posts: 13996
- Joined: Wed Dec 15, 2004 1:26 am
Re: 26 JUNE INDEPENDENT STATE OF SOMALILAND
The_Emperior5 26 juun wadankii dhashey magaciiisa wuxuu ahaa sxb SOMALI republick NOT sida ay reer waqooyi baddan u maleeyaan wax la yiraah(somaliland)
The_Emperior5 WAXAAN ku weydiinayaa wadan cusub markuu dhalanayo wuxuu leeyahay calan isaga u gaar ah maxay ku dhacdey in calanka buluuga xidigta cad oo xamar ka taagnaa from 12 oktoobar 1954 dawladiii daaqliga aheeyd ee cabdulaahi ciise.
in calankaa waqooyi la geeyo habeenkaa 26 juun 1960 halkaa laga taago.
taa waxay ku tuseysaa wadankiii cusbaa ee dhashey 26 juun inuu ahaa magacii loo bixiyey SOMALI REPUBLIC not (somaliland)
HADDII ay former british-somaliland habeenkii noqotey wadan gaar ah waxa ugu horeeya ee habeenkaa 26 juun la suri lahaa CALAN iyada u gaaar ah.
not calan ay reer koonfureed leeyihiin.
26 juuun somali republic calanka buluuga markii habeenkaa la surey waa la ogaa in 4 maalmood ka dib ay somali republic qeybteedii kale koonfur ku soo darsami doonto.
wadamo isku darsamey sida YEMEN SOUTH AND YEMEN NORTH qeyb waliba calan u gaar ah ayey laheeyd.
zanzibar and tanganika iyaguba intii ay noqon TANZANIA qeyb waliba calan u gaar ah ayey laheeyd.
laakiiin 26 juun 1960 waqooyi waxaaba laga taagey calan koonfur lagu sameeyey kana taagnaa 6 sanadood ka hor 1960.
taa ayaa ku tuseysa magacii wadankii cusbaa ee habeenkaa dhashey inuu ahaa SOMALI REPUBLIC not somaliland .

- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 110 Replies
- 5468 Views
-
Last post by Voltage
-
- 99 Replies
- 329 Views
-
Last post by Ducaysane_87
-
- 15 Replies
- 1408 Views
-
Last post by LeJusticier
-
- 43 Replies
- 5371 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 5 Replies
- 586 Views
-
Last post by Kanada
-
- 2 Replies
- 928 Views
-
Last post by GalliumerianSlayer
-
- 0 Replies
- 478 Views
-
Last post by newsbot
-
- 0 Replies
- 425 Views
-
Last post by Adan_1