Page 1 of 1

Dagaalo Faraha Laysula Tegey Oo Xalay Ka Dhacay Meelo Kamida

Posted: Tue Jun 26, 2007 3:47 am
by Hiiraan boy
Dagaalo Faraha Laysula Tegey Oo Xalay Ka Dhacay Meelo Kamida ah Magalada Muqdisho
Warkii 26-Jun-2007 iyo Qormadii: faytin yare

Dagaalo ka fool kafool ah iyo ayaa habeenkii xalay ahaa ka dhacay meelo kamida caasimada muqdisho iyadoo laysu adeegsaday hubka noocydiisa kala duwan.

Dagaaladan ayaa u dhexeeyey kooxaha kacdoonka wada oo si aad ah u hubaysan iyo weliba ciidamada xukuumada Ethiopia iyo kuwa dowlada KMG ah oo isgarabsanaya ,dagaalkan oo ahaa mid xoogan oo fool-ka-fool ah ayaa fiidnimadii xalay halmar ka qarxay Agagaarka Warshadii Baastada, Ex-control Balcad, SOS ilaa Suuqa Xoolaha.

Sidoo kale dagaalka ayaa argagax iyo cabsi ku abuuray shacabka ku dhaqan caasimada xili ay habeenkii sadexaad magaaladu ku sugan tahay bandow ayaa waxaa daryanka Madaafiicda si weyn looga maqlayey qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho, iyadoo Madfac habow ah uu ku habsaday guri ku yaala Degmada Huriwaa halkaasi oo ay ku dhinteen 2-qof islamrkaana ay ku dhaawacmeen tiro kale oo dhaawac ah oo isku qoys kasoo wada jeeda.

Xaalada magalada caasimada ah ee muqdisho ayaa marba marka kasii dambaysa kasoo daraysa iyadoo Iska hor-imaadyo ku dhufoo ka dhaqaaq ah ay ka dhacaan islamrkaana ay habeenkii xalay ahaana agagaarka Shiirkole ex-wasaradii gaashaandhiga iyo qeybo kale oo ka mid ah caasimada ay khal khal geliyeen rasaasta habowga ah iyo madaafiicda lays weydarsanayo.

Deegaanadii xalay ay weeraradu ka dhaceen ayaa saaka laga dareemayaa xaalad nabad gelyo xumo aad u kacsan,taasoo badanaaba ay meelaha ay habeenimadii weeraradu ka dhacaan maalinkii marka aysoo galaan ciidamada xabshida ee ku sugan caasimadu ay ku xasuuqaan dadka deegankas ama ay xabsiga dhigaan

Sidoo kale waxaa maanta taagan gadiidkii isaga kala gooshi jiray deeganada suuqa xoolaha iyo bakaaraha iyadoo ay wadadaas gooyeen ciidamada xukumada ethiopia iyo kuwa dowlada KMG ahi islamrkaana aysan jirin wax isaga gudbaya oo gadiid iyo dad ahba xafadahaas. .

yaasiin maxamed cali (faytin)

yaasiinfaytin@hotmail.com

info@afnugaal.com