KULMIYE SOMALILAND XISB SUPPORT XABASHI OCCUPATION

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

KULMIYE SOMALILAND XISB SUPPORT XABASHI OCCUPATION

Post by Hiiraan boy »

HARGEYSA: Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ee Somaliland oo taageeray Joogitaanka Ethiopia ee gudaha dalka Soomaaliya
Posted to the Web Jun 26, 13:20

Hargeysa (PP) – Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE oo ka jira dowladda isku magcowday Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa difaacay joogitaanka Ciidammada Ethiopia ee gudaha dalka Soomaaliya.



Mudane Siilaanyo oo ka hadlayay munaasabadda 26-ka June oo ku beegay 47-sano guuradii kasoo wareegtay markii ay Soomaaliya ka xorowyday Gumeystayaashii Reer Yurub, gaar ahaan Gobollada Waqooyi ee la baxay Somaliland ay iska rideen heeryadii gumeysiga ee Ingiriiska ayuu sheegay in Ethiopia joogitaankeeda Koonfurta Soomaaliya uu yahay mid xaq ah oo loo baahan yahay.



"Waxaan qabaa in Ethiopia ay ku saxsan tahay in Soomaaliya ay gasho, waayo waxay iska difaacaysaa kooxo liddi ku ah Qarannimadeeda iyo jiritaankeeda" ayuu yiri Siilaanyo oo intaa ku daray: "Waa xaq in dowladi ay difaacato jirtaankeeda".



Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ee maamulka isku magacaabay Somaliland ayaa sheegay in Dowladda Somaliland ay qabto in dowladaha dariska ah la nabadgeliyo, haddii kale ay dhacayso in gudaha dalka Soomaaliya ay soo galayaan iyagoo iska difaacaya kooxaha ay u arkaan inay yihiin kuwo khatar ah jiritaankooda.



Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa sheegay in haddii la damaanacqaadayo inaan la faragelin jirtaanka Dowladda Ethiopia ay qasab ku noqonayso xukuumadda Ethiopia inay kala baxayso gudahad dalka Soomaaliya.


Waa markii ugu horreysay oo mas'uul ka tirsan Mas'uuliyiinta Dowladda isku magacowday Somaliland uu taageero joogitaanka ciidammada Ethiopia ee gudaha dalka Soomaaliya.
User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

Re: KULMIYE SOMALILAND XISB SUPPORT XABASHI OCCUPATION

Post by Hiiraan boy »

FUK Si.ilaanyo
Executive
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13911
Joined: Wed Jun 21, 2006 6:08 pm

Re: KULMIYE SOMALILAND XISB SUPPORT XABASHI OCCUPATION

Post by Executive »

Nothing new, Sad you got the Hawiyes in Xamar supporting them let alone Sland....

Somalis are to stupid to realize their own enemy
User avatar
Ina Baxar
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10796
Joined: Mon Dec 13, 2004 12:54 pm
Location: Arabsiyo, Somaliland

Re: KULMIYE SOMALILAND XISB SUPPORT XABASHI OCCUPATION

Post by Ina Baxar »

Laughing , muxuu sidaa u yidhi tolow, he is now on that subject in the same league as Riyaale .
northeast
Posts: 110
Joined: Mon Apr 24, 2006 5:42 am
Location: NEAR YOU

Re: KULMIYE SOMALILAND XISB SUPPORT XABASHI OCCUPATION

Post by northeast »

Seelaanyo waa ka soo horjeedaa tigreyga xamar jooga waa kii bbcda ka sheegay iska cawaan baad tihiin wax walba rumeysanyee
User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Re: KULMIYE SOMALILAND XISB SUPPORT XABASHI OCCUPATION

Post by LiQaaye_TDH »

[quote="northeast"]Seelaanyo waa ka soo horjeedaa tigreyga xamar jooga waa kii bbcda ka sheegay iska cawaan baad tihiin wax walba rumeysanyee[/quote]

Miyaad La Yaabeysa Laughing War dadkani waa wada Xoolo Laughing
User avatar
Ina Baxar
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10796
Joined: Mon Dec 13, 2004 12:54 pm
Location: Arabsiyo, Somaliland

Re: KULMIYE SOMALILAND XISB SUPPORT XABASHI OCCUPATION

Post by Ina Baxar »

Haa ma been baa, waayahay Laughing
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”