Ciidamada Ethiopia ayaa la wareegay Guriceyl ee gobolka Galg

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

Ciidamada Ethiopia ayaa la wareegay Guriceyl ee gobolka Galg

Post by Hiiraan boy »

Ciidamada Ethiopia ayaa la wareegay gacan ku haynta deegaanka Guriceyl ee gobolka Galguduud.
Posted to the Web Jun 26, 15:36


Guriceel:-Ciidamo Ethiopian ah oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ayaa la wareegay gacan ku haynta deegaanka Guuriceyl ee gobolka Galguaduud ka dib markii sida la sheeg ay ciidamadaasi ay maanta gaareen deegaankaasi, lamana garanayo ujeedka ciidamadaasi.

Waa markii 2aad oo ciidamo Ethiopian ay tagaan deegaanka Guuraceyl, daba yaaqadii bishii december ayay ahayd markii ciidamada Ethiopia ay tageen deegaankaasi kadib markii ay dagaal la galeen ciidamadii MMI ee gacanta ku hayay gobollada dhexe.

Goob joogayaal ku sugan deegaanka Guuraceyl ayaa xaqiijiyay in ciidamada Ethiopia ay gaareen deegaankaasi ayagoo xusay in ay la shireen odayaasha deegaanka si ay uga dhaadhiciyaan qorshaha ay u tageen deegaanka.

Goob joogayaasha ayaa intaa ku daray in saraakiisha hogaaminaysa ciidamada Ethiopa ay ku war geliyeen odayaasha deeganka in ay hormuud u yihiin masuuliyiinta DFKM oo lagu wado in ay ka hawl galaan degmooyinka gobolka Galgaduud.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay masuuliyiinta DFKM oo ku saabsan ciidamada Ethiopianka ee tagay deegaanka Guriceyl ee gobolka Galguduud, hayeeshee waxaa la rajaxayaa in u jeedka ciidamada Ethiopia uu yahay sidii ay hub uruurin ugu sameyn lahaayeen deegaanka oo lagu tuhmayo hub fara badan
iyo iyadoo wax taageero ah looga hayn DFKM.
User avatar
SummerRain
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 17320
Joined: Tue May 08, 2007 11:41 am

Re: Ciidamada Ethiopia ayaa la wareegay Guriceyl ee gobolka Galg

Post by SummerRain »

We are offically under occupation..........................................*Reality check, we have been under occupation* Sad
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”