photos of 3 walaalo oo xabashiga xasuuqay

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

photos of 3 walaalo oo xabashiga xasuuqay

Post by Hiiraan boy »

http://www.dalkanews.com/images/wiilasha_la_dilay.jpg

Sad Sad Sad Sad Sad Sad Sad Sad Sad Sad Sad Sad Sad Sad


(26-06-2007) Aabaha dhalay saddaxdii wiil ee ay ciidamada Ethiopia ku dileen Muqdisho oo codsaday in maxkamad la soo taago askartii dishay wiilashiisa.



Aabe Ibraahim Diiriye oo dhalay saddax wiil oo dhowaan ciidamada Ethiopia ee si naxariis darro ah ugu dileen agagaarka Wasaaraddii hore ee Gaashaandhigga ayaa beesha caalamka ka dalbaday in Maxkamadda danbiyada dagaalka caalamiga la soo taago askartii ka danbeysay dilka wiilashiisa.


Wiilasha La dilay Sawiradooda.

Ibraahin Diiriye waxa uu ka codsaday hay’adaha Xaquuqda Aadamiga iyo beesha caalamkaba inay sameeyaan guddi gaar ah oo baaritaan ku sameeya sababta ka danbeysa dilka wiilashiisa oo si bareer ah ay askarta Ethiopia rasaas arxan darro ah ula dheceen.



Aabahani waxa uu sheegay in caruuriisa uu ka samri lahaa haddii ay ahaan lahaayeen dadka falalka qaraxyada u gaystay ciidamada Ethiopian-ka ah.



Waxa uu intaas ku daray inay ahaayeen arday iskuulaad ka dhigata Muqdisho islamarkaana aan qaangaarin.



Hooyada dhashay caruurtaas la laayay oo la yiraahdo Ruun Max’ed Caalin ayaa xaaladeedu ay aad u liidataa waxaanay ka go’day cuno iyo jiifba.



Wiilashan oo ciidamada Ethiopian–ku ay ku dileen agagaarka wasaaraddii hore ee Gaashaandhigga xilli halkaas lagu qarxiyay gaari ural ah oo ay wateen ayaa kala ah:-



1. C/qaadir Ibraahin Diiriye oo ahaa 17 jir


2.Sharma’arke Ibraahin Diiriye oo ahaa 16 jir


3. Jaamac Ibraahin Diiriye oo ahaa 14 jir.




Dalkanews.com, Muqdisho
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”