Page 1 of 1

Xaalada Caafimaad ee Max'ed Dheere oo aad looga deyrinayo

Posted: Wed Jun 27, 2007 6:55 am
by Hiiraan boy
Xaalada Caafimaad ee Max'ed Dheere oo aad looga deyrinayo
Warar aanu helnay ayaa sheegaya in Gudoomiyaha gobolka Banaadir Mudane Max'ed Cumar Xabeeb Max'ed Dheere ay ka jiisoobeen lug iyo gacan,isla markaana arrimo daawo uu dalka uga maqan yahay.

Shacbiga magaalada Muqdisho ayaa aad isugu dhex wado wararkaasi iyagoo sheegaya in gudoomiyaha gobolka Banaadir dhibaato ay kasoo gaareen lugta Bidix iyo gacanta bidix,iyagoona sheegaya in ay kusoo kaceen xanuuno dhanka lafaha ah ee uu qabay.

Mid kamid ah haweenka ku dhaw dhaw Max'ed Dheere ayaanu kasoo xiganay in xanuunkaasi uu hayo,isla markaana uu yahay mid fududu oo daawadiisa la helayo mararka qaarna uu kusoo kaco.

Shacabka Muqdisho ayaa dhinaca kale sheegaya in Max'ed Dheere uu ku dhacay habaarka Wadaad Tabliiq ah oo la sheegay markii lasoo xiray in uu haraatiyeeyay isla markaana dhibaato gaarsiiyay.

Si kasta oo ay ahaataba dowladda FS ayaan wax hadal ah kaso saarin caafimaadka Gudoomiyaha gobolka,waxaana wararka dhanka dowladda kaliya ay sheegayaan in uu soo laaban doono goor dhaw.

Xigasho: Markacadey.net

Re: Xaalada Caafimaad ee Max'ed Dheere oo aad looga deyrinayo

Posted: Wed Jun 27, 2007 7:12 am
by eyes-only
Laughing

weey ku macdahay.

istaahil