





Qaraxii Maanta waxaa kadanbeeyey Cabdulaahi Yuusuf madaxtooyadana caawa waxaa ka socda dabaal deg.
Iyadoo maanta la qarxiyey gaari uu saarnaa xildhibaan Bare Hiiraale iyo Xubna kale ayaa eeda Qaraxa Bare Hiiraale ku eedeyey in uu ka danbeeyey Madaxweynah DFKMG Cabdulaahi Yuusuf Axmed isagoona Bare sheegay in cadaawad uu u qaaday madaxweynah ay tahay dagaalada ka jira Kismaanyo kuwaas oo soo jitamaayey laba Bilood .
Bare hiiraale oo yiri aniga dhaawaceyga waa fudud yahay waxna ima gaarin wax yar ayaa isha iga soo gaaray lakiin waxaa igu maqaala in caawa madaxtooyada ay ka jirto dabaal deg loo dabaal dagayo qaraxeyga .
Eeda Bare uu ku edeyey in uu qarax ka danbeyey Madaxweynaha ayaa u muuqato in ay sii kala fogeyneysa DFKMG oo xiligaan isku diyaarineysa shir dib u heshisiin ah oo loo qabanaayo dhamaan shacabka Soomaaliyeed