Page 1 of 1

is Afbiijo really behind this?

Posted: Wed Jun 27, 2007 10:50 pm
by Sadaam_Mariixmaan
Xildhibaan Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale )oo ka mid ah xildhibaanada dowladda federalka soomaaliya oo maanta ka bad baaday qarax lala beegsaday gaarigiisa oo marayay duleedka degmada Baardheere ayaa caawa iiga warbixiyay xaaladiisa caafimaad iyo waliba sida ay wax u gaareen.

Xildhibaanka oo xaaladiisa caafimaad ay aad u wanaagsanayd ayaa sheegay in haatan uu dareemayo xasilooni, uuna fiicanyahay kaddib qaraxii maanta. Dhinaca kale xildhibaanka oo waraysi dheer aan la yeeshay ayaa ka warbixiyay sida ay wax u dhaceen isagoo sheegay in qaraxa miinadaasi ay ahayd mid si weyn loo soo qorsheeyay isla mar ahaantaasina uu ka dambeeyo Madaxweynaha DFKG ah ee Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

Xildhibaanka oo hadalkiisa aad ugu dheeraaday ayaa tilmaamay in ay arrimahaasi la xiriiraan dagaalada jubbooyinka soo cusboonaaday taasoo uu ku tilmaamay wax muddo dheer soo jiday. Barre Hiiraale oo aan wax ka waydiiyay cadaymaha ay u hayaan in qaraxa uu ku lug lahaa Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf oo isaguba dowladaasi uu xildhibaan ka yahay ayaa carabka ku adkeeyay in arrimahaasi uu madaxweynaha lu lug leeyahay, asaguna uu soo abaabulay qaraxaasi.

Dhinaca kale, xildhibaanka oo aan waydiiyay in xitaa ayba suurto gal tahay in qaar kamid ah beesha loo adeegsaday si ay falkaasi u fuliyaan ayaa hadalkiisa ku soo koobay in xitaa haddii ay jiraan dad noocaasi ah la soo adeegsaday, waa la ogaan doonaa, waana ay soo bixi doonaa. Ugu dambayntii Xildhibaan Barre Hiiraale ayaa sheegay in dagaalada kismaayo iyo nawaaxigeeda looga gun gaari karo in dadka degaankaasi ay tashtaan oo ay heshiiyaan ayaga dhexdooda taasoo uu ku sheegay in ay tahay wadiiqada ugu haboon.

Qaraxaan miinada ah oo maanta lala beegsaday kolonyo uu ka mid ahaa mudanayaasha dowladda ayaa waxaa ku naf waayay hal qof iyadoo labo kalena dhaawac soo gaaray oo uu ka mid ahaa Barre Aadan Shire Hiiraale. Qaraxaan miinada ayaa lagu aasay goob biyo mareen ah iyadoo xubnahan ay ku sii jeedeen deegaanka uu magaalada ka dagan yahay ee Muuri halkaas oo ay ka ambabaxeen
goob ay shir ku hayeen saakay.

Goortii qaraxaan saakay ka dhacay goobta oo u dhaxaysay deegaanka uu xidhibaanku ka dagan yahay magaalada 5km ka jirta dhinaca galbeed ayaa waxa dhamaan magaalada laga maqlayey shanqarta dhawaqaasi iyadoo dadka deegaankuna ay sheegeen inay maqlayeen qaraxaasi.

Maxamed G Aadan-GEDO-NN-Baardheere

Re: is Afbiijo really behind this?

Posted: Wed Jun 27, 2007 11:03 pm
by DANGIRL
Oh dear. Poor Barre. Sad Laughing Laughing Laughing Laughing Laughing

Re: is Afbiijo really behind this?

Posted: Wed Jun 27, 2007 11:06 pm
by Sadaam_Mariixmaan
Adeer Islamic Turkey is 6 ft under

Laughing Laughing Laughing

Re: is Afbiijo really behind this?

Posted: Wed Jun 27, 2007 11:17 pm
by DANGIRL
You know there have been rumors before that -- many times before, frankly, he's still ALIVE. Smile Laughing

Re: is Afbiijo really behind this?

Posted: Wed Jun 27, 2007 11:22 pm
by Sadaam_Mariixmaan
his dead i blv the rumors Laughing Laughing Laughing

Re: is Afbiijo really behind this?

Posted: Wed Jun 27, 2007 11:46 pm
by DANGIRL
Again its just a rumor, and are meant to get people like you talking and get all exciting about it. Sad Laughing Laughing

Re: is Afbiijo really behind this?

Posted: Thu Jun 28, 2007 5:12 am
by kkk47
Noooooooo,,, barre hirraale is too paranoid, the bom could be

there for many years coz the location is former milatary base

and only Marexaan degaan.