XISBIGA CUSUB EE SOMALILAND (XISBIGA BADBAADO)

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

XISBIGA CUSUB EE SOMALILAND (XISBIGA BADBAADO)

Post by LiQaaye_TDH »

Xubno ka mid ah ururkii ASAD oo Burco kaga dhawaaqay urur cusub
Somaliland.Org — Burao, Somaliland — 28 June, 2007
--------------------------------------------------------------------------------


Burco (Somaliland.org) – Xubno ka tirsan ururkii ASAD oo ka mid ahaa Lixdii urur-siyaasadeed ee Somaliland, balse, ku biiray xisbiga talada haya ee UDUB ayaa maanta magaalada Burco kaga dhawaaqay urur siyaasadeed cusub oo ay ugu yeedheen BADBAADO. Warsaxaafadeed ay galabta ka soo saareen magaalada Burco 7 xubnood oo isku magacaabay guddida qabanqaabada shirweynaha ururka ayaa lagu sheegay ku dhawaaqista ururkaas cusub. Xubanaha warsaxaafadeedka ku saxeexay ayaa dhammaantood ah taageerayaashii Burco ee ururkii ASAD ee uu hoggaamin jirey Guddoomiyaha Guurtida, mudane Saleebaan Maxamuud Aadan; kuwaas oo markii ururkaasi dhacayna kula biiray xisbiga UDUB. Warsaxaafadeedka xubnahaasi soo saareen oo ay ku faahfaahinayaan ujeedada ay u sameeyeen ururkaas iyo go'aamadooda, wuxuu u qoran yahay sidan: "

1: Sida lawada og yahay,(17) Sanadood ayaa ka soo wareegay mudadii lagu dhawaaqay goosigii Somaliland ee Taariikhdu ahayd, 10/05/1991. iyadoo weli hanashadeedii sinaba loo dhamaystirin.

2: Marka aynu tixraacno qodobada mabaadi'da guud ee dastuurka sida muwaadin kasta ay u furan tahay inuu fuliyo iyado sugayo jiritaanka Somaliland, oo aan maanta raad raac, hiyidoon, iyo qorshe siyaasadeed oo lagu haybinaayo meelna lagu ogeyn isla markaana aanu u muuqan murano siyaasadeed oo isku dhaleelaya asbaabaha hakiyey xero gelinta Somaliland arimahaasina dhamaan tilmaamayaan in muwaadiniinta dalka baal martay dastuurkii, oo ay ugu horeeyaan xukuumada iyo xisbiyada Sadexda ah.

3: Marka aynu jeedaalino duruufaha siyaasadeed malqaxan ee ku xeeran geeska Africa, oo aan maareyn Siyaasadeed oo lagaga hortegayo shirqoolada Somaliland loo maleegaayo, talo mideysana loogu maqnayn.

4: Marka la eego colaadaha ku dhex oogan isirada Soomaaliyeed, dhinaca Somaliland u soo hulaaqaya. Oo ay lagama maarmaan tahay in si nabad gelyo iyo sinaan walaaltinimo iyo heshiis lagu xaliyo. Taasoo ka mudan wada hadalka dawlada Imbagaati ee dhawaaqeeda laga sanqadhinaayo iyado Somaliland isu dhamayn taas la,aanteeda ku qiimaysan tahay dhaxal xumo ay mutaystaan isiradii u dhashay Somaliland oo aan iyagu kala soocidoonin.

5: Marka la eego muranada sharciga ka dhex oogan Golayaasha Qaranka oo aan u adeegayn sidii looga bixi lahaa dhibaatooyinka siyaasadeed ee muuqda ama soo wajahan.

6: Marka la ,eego in aanay asxaabta siyaasadeed ee dalka ka muuqan ujeedo looga mideysan yahay xerro gelinta Somaliland balse ay ku heelan yihiin isu diyaarinta doorashada labaad ee aan dalku u dhamayn.

Go'AAN Ø

Haddaba anagoo ka mid ah muwaadiniinta Reer Somaliland, ee xaqa u leh inay ka taliyaan aayahooda cidhib danbeed sida ugu haboon u hanaaniyaan

Ø Markaanu hadaba aragnay in aan xisbiyada Siyaasadooda farqi lagu kala doorto lahayn marka ay tahay jiritaanka Somaliland.

Ø Markaanu aragnay in muwaadiniin naga horeysay oo iyaba saluugtay hogaamiyaha siyaasadeed ee dalka, ay furteen xisbi Siyaasadeed (Qaran) ka dib markay si xeel dheer u arkeen Dastuurka dalka, aqoonsadeena sharci u leeyihiin isu abaabulaan urur siyaasiya kuna mahadsan yihiin

Ø Markaanu aragnay xisbiyada siyaasedeed ee jirey af iyo adinkaba ku jideeyeen in awooda dastuur loo siman yahay sameyntiisa.

Ø Markii aanu dastuurka ujeedadiisu qabyada tahay, dul mar daraasadeed, nuxur hubinta ujeedada ugu nasanay isla markaana ku qanacnay anagoo hadaba tixraacayna arimaha kor ku xusan waxaanu bulshada u soo bandhigaynaa in aanu furnay Xisbi la magic Baxay BADBAADO manta oo ay taariikhdu tahay 27/06/2007 saacaduna tahay 7:00 fiidnimo iyadoo Soomalidu tidhaahdo laba talaabo dhexdood bay talo ka dhalataa.

Ø Waxaa shirweynaha soo socda ee Xisbiga lagu dooran doonaa, Gudoomiyaha Xisbiga, iyo Madaxda sare ee Xisbiga GUDIDA QABANQAABADA IYO QORAALADA

1: Maxamuud Axmed Cali

2: C/raxmaan Cismaan C/le (Farjar)

3: Jamaal Maxamed Warsame (Xiin Waal)

4: Cismaan C/laahi Muuse

5: Cismaan Cabdi Jiir

6: Salaad Jaamac Diiriye

7: Saleebaan Cabdi Ducaale

8: C/kariim Xaaji Maxamed Biixi
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”