caasho yusuf sais dadka degan kismaayo waa dawladdiid

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

caasho yusuf sais dadka degan kismaayo waa dawladdiid

Post by Hiiraan boy »

C/lahi Yusuf: "Kismayo waxaa dagan dad dowlada diid ah"
29 Jun 29, 2007 - 2:06:15 PM

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Ahmed ayaa maanta ka hadlay arrimo fara badan oo ay ugu horeyso shirka dib u heshiisiinta iyo xaaladda magaalada Kismaayo, isagoo sheegay in magaalada Kismaayo ay dowladda KMG xoog ugu saartay kooxihii maxakiimta, kadibna dowladdu ay u dhistay maamul kaasoo ay ka horyimaadeen dad dowlad diid.


Madaxwrynaha Somalia Cabdulai Yusuf
“Kismaayo waxaa degan dad Dowladda diid ah, dhibaatada ka dhaceysana waxaa hoggaaminaya dad dowlad diid ah, sidaas darteed dowladda ma dooneyso in dagaal lagu xaliyo arintas, hadii wada hadal lagu guleysan wayo kama fursaneyso in dowladdu qaato tallaabo” ayuu yiri Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

Mar uu ka hadlayey Madaxweynaha shirka dib u heshiisiinta ayaa waxaa uu sheegay in dhamaan beelaha Soomaaliyeed ay ka soo qeybgali doonaan isagoo tilmaamay in shirka aysan ka soo qeybgeli doonin kooxaha lagu tuhmayo argagixisada iyo xisbiyada siyaasadeed.

“Dhamaan beelaha Soomaaliyeed iyo cid kasta waa ay ka soo qeybgalayaan shirka oo qaab beeleed ayey u imaanayaan, balse ururo siyaasadeed iyo maxaakiimta iyo kuwa xiriirka la leh marna kama soo qeybgalayaan” ayuu yiri Madaxweynaha oo intaa ku daray hadalkiisa in natiijo wanaagsan ay ka rajeynayaan mira dhalka shirka.

Cali Muxayadiin Cali,Muqdisho
User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

Re: caasho yusuf sais dadka degan kismaayo waa dawladdiid

Post by Hiiraan boy »

VIVA XOOGAGA KACDOONKA EE KISMAAYO
User avatar
adanboy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1184
Joined: Thu Mar 22, 2007 12:28 pm
Location: Struggle

Re: caasho yusuf sais dadka degan kismaayo waa dawladdiid

Post by adanboy »

Yey waa u dhamaatay Laughing Laughing Laughing Laughing Laughing
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”