Page 1 of 1

Israsaaseyn ka dhacday magaalada Baydhabo

Posted: Sat Jun 30, 2007 8:20 am
by Hiiraan boy
Israsaaseyn ka dhacday magaalada Baydhabo

Click here to find this article in English

Baydhabo 30, June.07 ( Sh.M.Network) 3 ruux ayaa ku dhaawacmay israsaaseyn ka dhacday maanta magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, xilli maalmihii la soo dhaafay amaanka magaaladaasi laga deyrinayay.

Israsaaseyntaan oo u dhaxeysay ilaalada wasiirka maaliyadda dowladda KMG ah, Shaati Gaduud iyo ciidamada Militariga ah ayaa waxa ay timid ka dib markii ay isku dhaceen labo gaari oo mid ka mid ah uu ahaa Lancrusser ah iyo UD ay saarnaayeen ciidamada Militariga.

Mid ka mid ah dadka dhaawacmay tacshiiraddaan ayaa waxa uu ahaa ciidamada Militariga halka labada kalene ay ahaayeen dadkii shacabka ahaa ee halkaasi ku dhowaa, kuwaasi oo la dhigay Isbitalka magaalada Baydhabo.

Israsaaseyntaan oo socotey daqiiqado ayaa waxa ay ka dhacday gagaarka Bankiga magaalada Baydhabo, iyadoo goobta iska horimaadka uu ka dhacay ay isku gadaameen ciidamada maamulka gobolka Baay.

Xaaladda ayaa hatan dagan, iyadoo isku socodka dadka iyo gaadiidka uu dib u bilowday.

Click here to find this article in English

C/qaadir Barre Macalin.

Shabelle Media Network Somalia
Contact us info@shabelle.net