Dr Gaboose oo faro madhaan kaga soo laabtay Ceerigaabo isla markaasna diiday in uu booqdo fadhiisimada ciidanka qaranka ee gobolka Sanaag
Dr Gaboose oo ayaamahii ina soo dhaafayba ku sugnaa magaalo madaxda gobolka Sanaag ee Ceerigaabo ayaa dib ugu laabatay dhanka magaalada Hargaysa ee casimada Somaliland.
Gaboose oo tan iyo intii uu joogay magaalada Ceerigaabo kulamo gooni gooni ah la lahaa beelaha wada daga gobolka, ayaan la odhan karin waxa ka soo baxay wax weyn oo wax ku ool ah, waloo meel kasta oo ama beel kasta oo uu la kulmaa ay ku lahaayeen madaxweyne, hadana Gaboose waxa uu ku guuldaraystay in uu dadweynaha kala gadisan ka dhaadhaciyo ololihiisa siyaasadeed ee uu wato taasi oo dood dheer ka abuurtay meel kasta oo ka mid ah gobolka iyo guud ahaan dalka oo dhan taasi oo la waydiinaayay isaga sidee ayaad madaxweyne u noqon kartaa , madaama oo aan xisbi ahaan la idiin aqoonsanayn iyo iyada oo aan ururkiinu cadaynin musharaxooda iyo cida hogaan rasmi ah u noqon doonta ururkoodas.
Hadaba doodo dhaadheer iyo hdalo qalafsan oo Dr Gaboose xagasi kala kulmay waxa la odhan karaa waxa la soo diray wax la'aan iyo rajo laan marka laga reebo madax salaax la siiyay, taasi oo la iskaga soo dhaqaajiyay waanu kula soconaa madaxweyne, taasi oo Gaboose ka dhoola cadaysiisay.
Hase ahaatee su'aalihii ugu kululaa ee la waydiiyay Dr Gaboose ee uu ka jawaabi kari waayay waxa ay ahayd. Waxa aad sheegaty dhawaan in aan cidna wadan aan la aqoosan lacag ta ay xukumada Somaliland sheegtay aanay cidna iska galinaynin oo aan warshado laga dhisaynin. Adigu hadaad madaxweyne noqoto xagee ayad ka keenaysaa dad dalkeena maalgashada, se maaad dadka niyada uga jabinaysaa hadii rajo wanaagsan shicibka loo sheegay?
Runtii Gaboose ma ay jirin wax uu kaga jawaabay su'aalahaasi iyo kuwo kale oo badnaa, oo aan ahayn cayda iyo aflagaadaynta xukumada hada jirta, taasi oo dadweyne farobadan ka jeedisay quluubtoodii iyo taageeradoodiiba, waloo ay jiriraan dad ka mid ah gobolka qaarkod oo aad ugu riyaaqay hadaladiisaasi waloo ayna badnayn.
Dhanka kalena waxa magaalada sheki weyn ku abuuray iyo guud ahaan dalkaba kulankii uu gaboose habaynkii salaasadii la qaatay dad la sheegay in ay ka yimaadeen xaga maamul goboleedka Puntland, dadkaasi oo agu tilmaamay in ay ahaayen dad cadaw ku ah jiritaanka Somaliland isla markaasna ay isku olole yihiin Dr Gaboose iyo qaar ka mid ah ururkiisani uu hada jeebada kala soo baxay.
Dhanka kalena Dr Gaboose oo suxufi madaxbanaani uu waydiiyay in uu booqan doono fadhiisimada ciidamada qaranka ee gobolka Sanaag oo ay hada ku suganyihiin ciidamo aad u tiro badan'? Ayaa waxa uu Gaboose sheegay in uuna booqan doonin ciidamda qaranka isla markaasna uu sheegay in ay isaga qorshahiisa tahay in ciidamada qaranka dib loogu celiyo xeryahoodii iyo fadhiisimadoodii ay hore ugu jiri jireen ee laga soo qaaday. Gobolka sanaag ayaa waxa ku sugan ciidan aad u laxaad weyn isla markaasna waxa jooga ciidamo kumaan kun ah oo xerooyin waaweyn ku leh xagaasi.
QARAN
Dr Gaboose return to Hargeisa from Ceerigaabo
Moderator: Moderators
- XidigtaJSL
- SomaliNet Heavyweight

- Posts: 2428
- Joined: Wed Dec 24, 2003 7:00 pm
- Location: Erigavo, Sanaag
- XidigtaJSL
- SomaliNet Heavyweight

- Posts: 2428
- Joined: Wed Dec 24, 2003 7:00 pm
- Location: Erigavo, Sanaag
Re: Dr Gaboose return to Hargeisa from Ceerigaabo
The Galkacyo born Gaboose held a meeting with faqash from Bugland and talked on the phone with Cabdilaahi Yusuf, he is not credible to Somalilanders anymore, his Qaran group is asking for trouble and they will get it
Dr Gaboose oo kulan qarsoodi ah kula yeeshay Hotel Sanaag ee magaalada Ceerigaabo wafti ka socda Kooxda Imbigaati
Dr-Gabboose oo ayaamahii ina soo dhaafayba ku suganaa magaalada Ceerigaabo wuxu kulammo la yeeshay maalintii salaasadii guddiyada qaar ka mid ah beelaha dega Ceerigaabo, sidoo kalena inkasta oo xubno uu kamid yahay maayarka Ceerigaabo Md.Ismaaciil Xaaji Nuur iyo madax-dhaqameedyo kaleba oo iyagu degaan ahaan, guurti ahaan, iyo maammul ahaanba aad muhiim ugu ahi in muddo ahba ay ku sugan yihiin xagga caasimadda (Hargeysa), haddana waxa uu Dr Gaboose kulamo goonni-gooni ah la yeeshay guurtida beelaha dega gobolka Sanaag.
Sidoo kale isla habaynimadii Salaasadii waxa uu Dr Gaboose kulan qarsoodi ah la yeeshay 3nin iyo ruux dumar ah oo ka yimid dhinaca maamul goboleedka Puntland, kulankaasi oo qaatay mudo laba saacadood ah waxa uu ka dhacay Hotel Sanaag oo ah goobta uu daganyahay Dr Gaboose, ilaa hada lama garan karo waxa uu ahaa kulankaasi iyo waxa uu ku saabsanaa, hase yeeshee mid ka mid ah shaqaalaha Hotel-ka Sanaag oo ka gaabsaday in uu magaciisa sheego ayaa sheegay in 4 ruux oo uu Gaboose aad ugu heelanaa isla markaasna uu aad u sugaayay ay u cod eekaayeen dadweynaha reer Gaalkacayo, dhanka kalena Gaboose ayaa shaqaalaha ku wargaliyay in uu kulan la qaadan doono dad eheladiisa ah oo ku soo booqan doona Hotelka isla markaasna ay tahay in lala socdo oo marka ay yimaadaan la soo ogaysiiyo, sidaasina ay ku yimaadeen oo kulankoodu uu sidaasi ku dhacay kuna kala dhamaadeen.
Dhanka kalena mar aanu dabagal ku samynay dadkaasi la kulmay Gaboose oo la odhan karo waa dadka ugu mihiimsanaa socdaalkiisa magaalada Ceerigaabo, waxa ay noo sheegeen in dadkaasi ay mudo sadxe cisho ah ka soo horeeyeen Dr Gaboose oo kulankoodii hore uu ka dhacay subaxanimadii 26 Jun fagaaraha beerta Xoriyada oo ay ka wada qayb galeen dabaaladagii maalintii calanka, sidoo kale waxa aanu ogaanay in 4 qof ay dib ugu laabteen dhanka maamul goboleedka Puntland ay wateena gaadhi noca loo yaqaano xaajiyda oo laba shidhley ah.
Hadaba arintan ayaa waxa ay walaac ka muujinaysaa siyaasada mustaqablka ee Dr Gaboose oo ayaamahii la soo dhaafayba lagu xamnaayay in uu gacan saar la leeyahay madaxweynaha kooxda Imbigaati oo la sheegay in ay tirba 5 jeer khadaka Telefoonka ku wada hadleen, taasi oo shaki weyn kala dhex dhigtay mudooyinkii ugu danbeeyay isaga iyo Ing. Maxamed Xaashi oo ah ninka la sameeyay ururkan ay ku bahoobeen. Dhanka kalena dadweynaha reer Somaliland ayaa waxa ay shaki weyn ka muujiyeen diidmada uu diiday in la rumaysto dhisida warshadaha sadexda ah ee uu madaxweyne Rayaale uu dhagax dhigay dhawaan magaalada Berbera taasi oo uu isagu ku tilmaamay mid been ah oo aan waxba ka jirin, isga oo niyada kaga ciyaaray kumaan kun qof oo iyagu aad ugu riyaaqaayay hadalada iyo dhagax dhiga madaxweyne Rayaale uu dhagax dhigay warshadahaasi taasi oo Gaboose ka muujiyay dareen naxdin leh, taasi oo muujinaysa qorshaha dahsoon ee cadawnimada Dr Gaboose.
Isku soo wada duuboo Dr Gaboose waxa hubaal ah in uu ka dab qaadnaayo wiilasha uuu kula soo kacaamay Gaalkacayo iyo Koonfurta Somaliya oo la odhan karo waxa uu si toos ah ugu xidhanyahay C/laahi Yusuf oo ay hada aad u wada hayaan siyaasada gobolka iyo sidii qas iyo fadqalalo looga abuuri lahaa Somaliland sidaa awgeed waa in ay umada reer Somaliland isha iskaga haysaa wax kasta oo ka suurto gali kara dabinada dahsoon ee cadawga Somaliland ay inoo maleegayaan.
Maxamed H. Xashi
QARAN
Ceerigaabo

-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 4 Replies
- 708 Views
-
Last post by hotstockpicks
-
- 19 Replies
- 3468 Views
-
Last post by SuldaanOfSanaag
-
- 0 Replies
- 1480 Views
-
Last post by XidigtaJSL
-
- 14 Replies
- 1618 Views
-
Last post by BigBreak
-
- 12 Replies
- 1370 Views
-
Last post by SummerRain
-
- 38 Replies
- 2330 Views
-
Last post by Siciid85
-
- 10 Replies
- 876 Views
-
Last post by Elmi_Dheere
-
- 10 Replies
- 867 Views
-
Last post by JSLBerbera
-
- 2 Replies
- 483 Views
-
Last post by siciid harti