how will you celebrate?

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
eyes-only
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5652
Joined: Sun Apr 30, 2006 2:30 pm
Location: ** Xamar-Caddey**

how will you celebrate?

Post by eyes-only »

1da Luulyo? here is one person who won't be celebrating it............

Meydka nin si xun loo soo jirdilay ayaa saaka laga helay agagaarka Warshadii Hore ee Baastada, halkaasoo fariisin u ah Ciidamada Ethiopia.

Ninkan oo da'diisu lagu qiyaasay 30sano jir ayaa rasaas fara badan kaga taalay qeybo ka mid ah jirkiisa, iyadoo si xun loo soo jirdilay.

Dadka Deegaanka ayaa sheegaya in Ninkan Xalay Fiidkii la dilay, balse aysan cadeyn karin cida rasmi ahaan u dishay, iyagoo sheegay in ay maqlayeen rasaas dhaceysay.

Fariisimaha Ciidamada Ethiopia ayaa inta badan xilliyada habeenkii waxaa ka dhaca dilal iyo tacadi ay u geysanayaan dadka ka ag dhow, iyadoo dhowaan ay dilal ceynkan oo kale ah ay u geysteen dad rayid ah oo aan waxba galabsan, kuwaasoo ay si xun u jirdileen, deetana ay rasaas huwiyeen.

Dhanka Kale waxaa xalay Magaalada Muqdisho ka dhacay weeraro iyo qaraxyo u muuqday in lagu soo dhoweynayay Munaasabada 1-da Luulyo, waxaana Magaalada xalay rasaas socotay dhowr iyo toban daqiiqo ay ka dhaceen Degmooyinka Hodan iyo H/wadaag.

Kooxo aan la garaneyn ayaa weerar ku qaaday saldhiga Degmada H/wadaag iyo Isgoyska KPP, iyadoo qaraxyo iyo iska hor imaadyo xoogan ay ka dhaceen halkaas oo fariisimo ah Ciidamo ka tirsan Dowladda Kmg ah.

Gantaalaha garbaha laga tuuro iyo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa si weyn leysu adeegsaday, iyadoo dadka deegaanka xalay u aheyd habeen naxdin iyo argagax laheyd.

Lama soo sheegin wax qasaaro ah oo ka dhashay weeraradii iyo qaraxyadii xalay ka dhacay Magaalada, iyadoo ay ku soo beegmeyso, xilli xalay Magaalada laga xusay Munaasabada 1-da Luulyo.


Ilaahey ha u naxariisto Sad
User avatar
Advocatar
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9940
Joined: Sat Sep 09, 2006 9:35 pm
Location: Chilling In SANAAG, Makhiir State Of SOMALI, enjoying TUNA fish

Re: how will you celebrate?

Post by Advocatar »

Ilaahey ha'una xariisto, cidiisana ha ugargaaro waa hadal naxdin leh.


Lakinse I will be checking out plays, songs, dances and stuff at the local somali community gathering that will host the celebration, I wont be wilding out though.
*Arabman
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2297
Joined: Fri May 04, 2007 2:17 pm

Re: how will you celebrate?

Post by *Arabman »

[Ilaahey ha u naxariisto Sad]

Aamiin.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”