Ethiopia and TFG got karbashed last night
Posted: Mon Jul 02, 2007 10:59 am
Weeraro iyo qaraxyo xalay lagu qaaday Ciidamada Cadowga Itoobiya iyo Kuwa Dowlada KMG ah
Dailypuntland News-02-07-2007(DP-Muqdisho)-Weeraro la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan iyo qaraxyo aad u culus ayaa xalay lagu qaaday baro kala gadisan oo ciidamada cadowga Itoobiya iyo kuwa dowlada KMG ah ee u adeegta ka degan yihiin magaalada Muqdisho.
Fariisimada xalay lagu galay ciidamada cadowga ayaa waxaa ka mid ah xuruntii ciidamada ee Horseed, Isgoyska Kaasabalbalaare, xuruntii Gaashandhiga, nawaaxiga Stadium Mogadishu iyi Warshadii Ifka Xalan.
Waxaa adag in la ogaado qasaaraha dhabta ah ee gaaray ciidamada is-huwan ee cadowga, sidoo kale waxaan weli la shaacin dad rayid ah oo ay wax ku gaareen weerarada iyo qaraxyadii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho.
Magaalada Muqdisho waxaa aad uga soo xoogaysanaya dagaalka tooska ah ee xoogaga xornimo u dirirku kula jiraan ciidamada cadowga Itoobiya iyo kuwa dowlada KMG ah oo dhibaato ba'an ku haya shacabka Soomaaliyeed ee duulaanka lagu qabsaday dalkooda.
Ax'ed Ciise Nuur Godane
Dailypuntland News Station
info@dailypuntland.com
http://www.dailypuntland.com/02-07-07-News134.htm