Garbahareey's airport has been renovated.

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
DawladSade
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13940
Joined: Fri Apr 22, 2005 9:38 pm
Location: Xornimo

Garbahareey's airport has been renovated.

Post by DawladSade »

http://www.gedonet.com/files/garbair2.gif

Gudoomiye K/Xigeenka Labaad Ee G/Gedo iyo Maamulka Degmada G/haarrey Oo Maanta Shir Jaraa’id Kaga Dhawaaqay In Dib Loo Furay Garoonka Diyaaradaha Ee G/haarrey
Jul 02,2007
byGarbahaarey- GEDO-NN

Shir jaraa’id oo ay maanta ku qabteen gegida diyaaradaha ee degmada G/haarrey, ayay gudoomiye ku xigeenka labaad ee G/Gedo mudane Aadan Kaalmoy iyo gudoomiyaha degmada G/haarrey Mr. Axmed Cabdille waxay kaga dhawaaqeen in si rasmi ah loo furay airport-ka G/haarrey oo muddo dhowr bilood ah xirnaa.

Masuuliinta ayaa shirkooda jaraa’id ku sheegay in si kama danbays ah loo xalliyay caqabadihii horseeday xirnaanshaha gegida diyaaradaha ee G/haarrey, kuwaas oo ay ugu weynayd falal amaan darra ah, goodi iyo cago juglayn ka dhan ah hay’adaha samafalka ah ee ay diyaaradahoodu ku dagi jireen airport-ka degmada G/haarrey, falalkaas oo ugu danbayntii horseeday xannibaad xaga duulimaadyada hawada ah oo ay hay’adaha gargaarku ku soo rogeen gegidani haatan la furay.

Goob joogayaasha jir-ka jaraa’id ee ay qabteen masuuliinta gobalka Gedo iyo degmada G/haarrey ayaa waxaa ka mid ahaa madaxa hay’ada SRCS Mr. Faarax Sh. Muxumed, kaaliyaha maxkamada sare ee gobalka Mrs. Shankaroon Sheekh Bile, masuuliin ka socotay ururada bulshada iyo qaybo ka tirsan shacabka degmada. Gudoomiyaha Degmada G/haarrey ayaa isagu sheegay in ay wixi hadda ka danbeeyo si buuxdo u damaanad qaadayan amaanka garoonka iyo hay’adaha gargaarka isaga oo muujiyay kalsooni buuxdo oo ku aadan in uu ka soo dhalaalayo ballan qaadka culus ee uu haatan gudoonsaday, waxana uu intaa ku daray in la qursheeyay ciidan gaar ah oo ka hawlgali doono gobo muhiim ah oo uu ka mid yahay garoonka diyaaradaha ee degmada G/haarrey.

Garoonka diyaaradaha ee degmada G/haarrey waxaa la asaasay sanadii 1986, wuxuna ku fadhiyaa masaaxa dhan 1.3 km asaga oo ka samaysan jay si haboon loo goglay badka gegida, waxana dayactir lagu sameeyay dabayaaqadii 2006 ayada oo loo sameeyay xafiisyo heer koobaad ah islamarkaana lagu gidaamay deyr loogu tala galay in uu noolaha ka xannibo ku tagri falka dhabada dayuuradaha.

Ma ahan markii koobaad ee uu xirmo garoonka diyaarada ee G/haarrey, laga soo billaabo sanadii 1994, waxuu garoonku la kulmayay dhacdooyin xasilooni darra ah oo in badan horseeday xayiraado kala duwan oo garoonka kaga yimid dhinaca hay’adaha gargaarka oo ayagu lahaa duulimaadyada koobaad ee isticmaalo garoonka Garbo.

Markii la eego hawl-qaybsiga u yaallo hay’adaha UN-ka, waxaa go’aanka kama danbaysta ah ee uu garoonku ku furmi karo laga sugayaa qaybta hay’adaha UN-ka u qaabilsan xaga amaanka, waxase iminka soo baxayo warar tibaaxayo in uu maamulka haatan ku dhawaaqay xasiloonida garoonka G/haarrey uu dhag-baarsaday xogo cusub oo soo xiganayo in ay iminka hay’adaha UN-ku si wayn u danaynayaan dib u furidda garoonka, wuxuna shirkani jaraa’id ee maanta la qabtay noqonayaa mid looga faa’iidaysanayo fursadani muhiimka ah.

Axmed Maxamed Caafi,
Gedo News Network,
Gedo, Soomaaliya.
User avatar
Sadaam_Mariixmaan
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13484
Joined: Sat Feb 03, 2007 8:50 pm
Location: Villa SADAAM, Jamuriyada Sadaamalia
Contact:

Re: Garbahareey's airport has been renovated.

Post by Sadaam_Mariixmaan »

Mash'allah

when we are at our best, TRUE Brotherhood

Ilhay please never divide us again

AMIIN!!!
Last edited by Sadaam_Mariixmaan on Mon Jul 02, 2007 10:20 pm, edited 1 time in total.
User avatar
Gedo_Boy
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9918
Joined: Sun Jan 29, 2006 12:49 am

Re: Garbahareey's airport has been renovated.

Post by Gedo_Boy »

[quote="Sadaam_Mariixmaan"]Mash'allah
Ilhay please never defend us again
AMIIN!!![/quote]


war maxaa ku ducaysanaysaa?
User avatar
Sadaam_Mariixmaan
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13484
Joined: Sat Feb 03, 2007 8:50 pm
Location: Villa SADAAM, Jamuriyada Sadaamalia
Contact:

Re: Garbahareey's airport has been renovated.

Post by Sadaam_Mariixmaan »

look at it this way, we could of built Gedo iyo Jubboyinka in 90's we were so divided, i hope we stay united for our own good Ina Adeer
User avatar
Sadaam_Mariixmaan
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13484
Joined: Sat Feb 03, 2007 8:50 pm
Location: Villa SADAAM, Jamuriyada Sadaamalia
Contact:

Re: Garbahareey's airport has been renovated.

Post by Sadaam_Mariixmaan »

Gedoboy,

i edited it

Laughing Laughing Laughing
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”