Guddoomiye Ku Xigeenkii Degmada Heliwaa Oo Xalay La Dilay

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
Executive
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13911
Joined: Wed Jun 21, 2006 6:08 pm

Guddoomiye Ku Xigeenkii Degmada Heliwaa Oo Xalay La Dilay

Post by Executive »

First Gudoomiyha was killed and now Gudoomiya kuxigeenka Shocked

Guddoomiye Ku Xigeenkii Degmada Heliwaa Oo Xalay La Dilay


Jul 03, 2007 By:
Muqdisho(jidbaale.com):-waxaa xalay magaalada muqdisho lagu dilay ala hawnaxariistee gudoomiya ku xigeenkii degmada heliwaa,waxaana la sheegayaa in ay dil kaasi geysteen kooxo hubaysan oo aan haybtooda aan la garanaynin,markiidanbana baxsaday,



Gudoomiya kuxigeenka la dilay oo lagu magacaabi jiray axmed cusmaan ayaa wuxuu ahaa masuul aad uga soo horjeeday kooxaha dhibka iyo qudhgooyada ka wada magaalada muqdisho,.

Marxuumkaas ayaa waxaa lagu dilay isaga oo maraya xaafada waxara-cade oo ka tirsan gobolka banaadir. dilalka noocan oo kale ah ayaa waxay caadi ama joogto ka noqdeen magaalada muqdisho taas oo dilal farabadan loogu geystey masuuliyiin farabadan oo ka tirsan dawlada fedraalka iyo ciidamada dawlada iyo xataa dad rayid ah, kuwa dilalka geysta marka ay qudha ka jaraan dadkay rabeen sida caadada u ah way baxsadaan mana jirto cid ka dabatagta oo soo qabata,hawshaas oo ay u taalay dawlada fedraalka ayaanba jirin wax soo qabta ama hadiiba gacanta lagu dhigo aanay jirin ciqaab la mariyo wixii dhacdadaas geysta,

Sida laga warqabo dawladu waxay ku faantaa wixii falkaas geystey waanu qabanay ama wixii dilkaas geystey gacanta ayaa lagu soo dhigay mana jirto xukun lagu qaadayo dembiilaha dilka geystay,taas oo geesinimo badan gelisay qolooyinka falalka amnidarada ka wada magaalada muqdisho oo si badheedh ah ama maalin cad madaxda ku ugaadhsada iyo ciidamada dawlada badhtamaha magaalada muqdisho.

BY M_ J
jidbaale.com

RadioSSC News
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”