Duqa Magaalada Balidhiig oo Ka War Bixiyey Xaalada Degmada
Gudoomiyaha Degmada Balidhiig (Xaaji Xasan Geele) Saleebaan Cabdi C/laahi (Tuways) oo kormeer shaqo ku joog Magaalada Burco ayaa waxaa u waramay Wariyaha Shabakada Wararka Golisnews Siciid Axmed Raage.
Gudoomiyaha Degmada Balidhiig Saleebaan wuxuu ka hadlay dhinacyada Waxbarashada, Caafimaadka, Nabad gelyada, Horumarka Degmada, iyo Dhakhliga Degmada Miisaaniyada, Ururinta Cashuuraha Degmada.
Salebaan Hadaladiis waxaa ka mid ahayd intii aan joogey Maamulka Degmada waxaa noo qabsoomay Samaynta Gudi hoosaadyada tuulooyinka Degmada Waxay Xukuntaa oo hoos yimaada 16 tuulo taas oo aan lahayn isku xidh wada shaqaynayd laakiin imika waanu wada shaqaynaa dhamaan gudiyada Degmada, Mayorka, Balidhiig mar uu ka hadlay dhinaca waxbarashada Dugsiga Magaalada waxaa lagu jiraa waqtigii fasaxa waxbarashadiina waxay u socotaa sidii loogu talo galay inkastoo ay u baahan tahay dhisitaanka Fasalo Cusub oo lagu soo kordhiy Dugsiga
Adeega Caafimaadka Degmada Balidhiig waxaa ka furan Xarun Caafimaad oo ay keenaan daawada Wasaarada Caafimaadka iyo Hayada Samafalka Wadaniga ah, Guud Ahaan Nabad Gelyada Degmada aad ayey u wanaagsan Tahay Waxaan Ilaahay ka rajaynayaa in uu noo sii Siyaadiyo Aamiin,.Degmada Waxaa ka hawl gala Ciidanka Bilayska oo tiradooda gaadhaysa 21 Askari t oo ay Taageerada wada shaqaynayd ka dhaxayso Cuqaasha iyo Odoyaasha Degmada.
Horumarka Degmada waxaa Degmada Balidhiig joogta oo hawl balaadhan ka wada Hayada Miinada ee Hello Trust oo ka baadhaysa Miinooyinka Khatarka ku ah Dadka iyo Xoolaha, oo miino badani lagu aasay waqtigii Dawladii Milarariga ee Maxamed Siyaad Barre. Hello Trust waa hayad miinada baadha waana Hayad ka socota Wadanka Britian meelo badan Somaliland ahna ka soo shaqaysay.
Ganacsiga Magaalada wuxuu u badan yahay iibsiga Xoolaha Nool, Degmada waxay xidhiidh Ganacsi la leedahay Ethiopia oo ay ka timaado Khudrada taas oo laga qaado Gaadiidka wada Mara Canshuur, Xukuumada dhexe waxay Degmada Siisaa Kabka Miisaaniyada oo aan iskaga Bixino Kharashka Mushahaarooyinka iyo Adeegyada Xafiiska.
Guud ahaan Degmada Waqtigan way rooban tahay waana Barwaaqo intii aan xilka hayey waxaa ila soo xidhiidhay Hay'ado Badan oo Wadaniya inkastoo aanay waxba nagu soo celin hadana waxaan ka sugaynaa in uu noo furmo iskaashi iyo wax wada qabsi.
Magaalada Ballidhiig ee Gobolka Togdheer
Moderators: Moderators, Junior Moderators
- LiQaaye_TDH
- SomaliNet Super

- Posts: 15857
- Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
- Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 4 Replies
- 1073 Views
-
Last post by LiQaaye_TDH
-
- 40 Replies
- 3936 Views
-
Last post by original dervish
-
- 1 Replies
- 440 Views
-
Last post by Suldaan_JC
-
- 0 Replies
- 455 Views
-
Last post by KingWaslawi
-
- 0 Replies
- 554 Views
-
Last post by Reer Burao
-
- 0 Replies
- 430 Views
-
Last post by Adan_1
-
- 0 Replies
- 387 Views
-
Last post by gobdoon
-
- 3 Replies
- 563 Views
-
Last post by hargaysaay
-
- 12 Replies
- 1289 Views
-
Last post by hargaysaay