Waa Kuma Ninka Soomaalida 90% ay ugu Necebtahay Afrika maxayse ku Neceb yihiin
Dailypuntland News-(DP-Maqaal)-Qoraa soomaaliyeed ayaa waxaa uu yiri Melez Zenawi waa Ninka ay soomaalida 90% ay ugu Neceb tahay Africa,Mid kale ayaa waxaa uu yiri Melez Zenawi soomaalidu waxay ay u necebtahay siyaasadiisa Qalafsan ee uu kula dhaqmo soomaalida iyo Muslimiinta,Qoraa kela ayaa qoraal ciwaan waxaa uu uga dhigay Zenawi oo kaliya afrika oo dhan maxaa ay soomaalidu u necebtahay?
Qormadaani waxaaanu ku soo qaadanayaa Melez Zenawi Taariikh Nololeedkiisa iyo Tan Maamulkiisa oo kooban.
Melez Zenawi Raisuul Wasaaraha Dalka Ethiopia waxaa uu ka soo jeedaa Qabiilka Tigreega oo lagu tiriyo inuu ka mid yahay qabaa'ilka ugu tirada yar dalkaasi Ethiopia waxaa uu dhashay Zenawi 9 May Sanadkii 1955 xorayadii soomaaliya 5 sano ka hor, waxaa uu ku dhashay gobolka waqooyiga ee dhul ahaan uu ka soo jeedo ee Tigreega magaalada Cadwa, waxaa dhalay Melez Zenawi haweenay u dhaltay dalka Ereitea ee dariska la ah gobolka Tigreega, waxay qaraabo yihiin Madax waynaha Dalka Ereitea Asias Afwerke ee uu dalkiisa ku weeraray marar badan.
Waxaa uu soo dhigtay Dugsiga sare ee magaalada Adis Ababa, 1970-nadii iyadoo dadkii la dhigan jiray xilgaasi ay ku tilmaamaan inuu ahaa nin aan sidaa u maskax fiicnayn ama damiin ahaa xilgii wax barashadiisa ,sanadkii 1972 ayaa waxaa uu ku biiray Zenawi kulyada caafimaadka ee Adis Ababa balse in yar ka dib waa uu ka tagay, waxaana uu tagay oo kale ,Jaamacada Haile Selassie University sanakii 1974,laakiin kuma nagaadin sida caadada u ahayd Zenawi ee waa uu ka tagay jaamacadiina
Waxaa uu bilaabay 1974 siyaasada isagoo ku biiray Jabhahadii Qabyaalada ku dhisnayd ee ay lahaayeen qabiilkiisa isgoo siyaasada ka bilaabay Cunsuryada qabiilka waxaana uu xubin ka noqday (Tigrayan Peoles' Liberation Fron( TPLF) Jabhada Xoranta Qabiilka Tigreega.
Jabhadaasi Qabyaalada ku dhisnayd ee (TPLF)ayaa waxaa loo sameeyay in talada Dalkaasi la waydaariyo Mengistu Xalaymariyan, 1979 Melez Zenawi ayaa waxaa laga dhigay gudoomiyaha (TPLF).1983 ayaa sidoo kale waxaa uu noqday Zenawi Gudoomiyaha Jabhada kacdoonka Shacabka Ethiopia( Ethiopian People's Revolutionary Democratic EPRDF).
1980-dii ayaa Melez Zenawi waxaa uu ku sugnaa dalka soomaaliga gaar ahaan magalada Caasimada u ah ee Muqdisho halkaasi oo uu ka kobcin jiray siyaasadii ku dhisnayd Khiyaanada,isagoo ku soo jeestay dalkii siyaaada lagu baray iyo jabhadnimada taas oo ay ku tilaameen qoraayaasha soomaaliyeed in ay la mid ahayd soomaaliya xiligii Melez Zenawi dalkeeda ku haysay,nin gurigiisa cuno ku siin jiray xayawaan dadqaad ah markii uu helay awood iyo xoog ka dib ku soo jeestay bulshadii iyo dawladii ka taageeri jirtay gaarista jagada iyo xilka uu afgabinga qabyaalada ku salaysan ku qabsaday,sanadkii 1991 iydoo uu gacan wayn ka helay dawlado reer galbeed ah sida Maraynkanka iyo kuwa kale.
Waxaa lagu tilmaamaa in xukunkiisu yahay mid ah Dektaariyad Qabyaalad ku dhisan, waxaana laga dareemi karaa gobolada ay dagan yihiin soomaalida Ethiopianka ku dhex jira iyo Oromada iyo dadka kale ee islaamka ah sida Canfarta,waxaana gobolada dadkaasi ka dhaca xasuuq ay gaystaan taliska Melez Zenawi ee qabyaalada ku salaysan,maadaama uu ka dhashay qabiil yar oo laakiin isleh inta goori goor tahay ka faa'iidaysta xukunka mar ayaa lagaa qaadi doonaaye, waxaana ay ku wada dhagan yihiin Qaacidada uu horay u bixiyay Xayle Salaase oo ah ( Gabi ahaan Wada Xukun) dhamaan wada maamul taasi oo ay ka muuqato iminkaba siyaasada Melez ee uu ku doonayo iska daa Soomaali Galbeed inoo xukumo Soomaaliya oo dhan.
Qabiilka Tigreega iyo Deegaankiisa
Gobolka Tigeegu waxaa weeye gobolka labaad ee ugu yar dalka Ethiopia waxaana uu ku yaalaa gobolkoodu dhanka waqooyi ee dalka itoobiya waxaana dhanka waqooyi waxaa ka xiga dalka erteria,dhanka galbeed waxaa ka xiga dalka Sudan dhanka bariga waxaa ka xiga deegaanka Canfarta koonfurta waa Axmaarada,
Tirada Qabiilkaasi waxaa lagu sheegaa in ay tahay 4 millyon oo kaliya waxayna isugu jiraan Masiixiyiin Xag jir ah (Orthodex) kuwaasi oo qabiilka u badan oo uu ka mid yahayba Raisuul wasaaraha waxayna intooda badan ku xiran yihiin '( Ethiopian Orthodox Tewahedo Church') 65%.waa Orthodex.
Dhanka kale Musliinta ma ka barna qabiilkaasi maadaama dadka markii la abuurayay EEBE u kala abuuray dad wanaagsan iyo kuwa lid ku ah islaamku ma yara waana mahad eebe inoo yahay mid sii kobcayo waxayna gaaraysaa 35% Muslimiin Alahu suna ah.
Gobolka Soomaalida ee Ethiopianku Xukumaan.
Gobolka Soomaalida ee Ethiopa waxaa oo ka mid ahaa maamulka Federalka Ethiopia mudu 10sano ku siman ilaa wakhtigii Melez Zenawi xukunkaasi soo rogay, gobolkaasi mudada 10ka sano ah ee uu ka mid yahay Maamulka Federaalka ayaa waxaa soo maray 7 madax wayne mudu ka 10 sano ah taas ayaa waxay cadaynaysaa in laga hortagaagan yahay shacabka iyo madaxdoda soomaalida ah in ay horumar gaaraan mudada Madaxwaynayaashu xilka hayaan waa 1.5 (hal sano iyo Bar) taas oo aan lagu dhamaystiri karin hawlaha siyaasada iyo maamulka hormarinta deegaanada tabaalaysan.
Masar Iyo itoobiya
Sidii Dawladihii hore ee Itooiya,Meles wuxuu doonayaa inuu qayb libaax ka helo Webiga Nile,isagoo doorbidaya inuu soo afjaro ku tiirsanaanta Itoobiya ee Gargaara dalalka Dibeda siiyaan,,waxaana Itoobiya ku nool Maaliyiin Qofo oo faqri ah,mana awoodo inay isticmaasho Webiga Nile,iyadoo 85% Biyaha Nile maraan Itoobiya.
Inkastoo, heshiis dhexmaray Masar iyo Ingriiska sanadkii 1929kii xiligaan weli lagu dhaqo,kaasoo ka mamnuucaya Itoobiya inay isticmaasho biyaha Nile,hadana Melez wuxuu isku dayayaa inuu xal ku dhameeyo muranka ku salaysan Nile,waxayna Masar rumaysan tahay in hadii wax laga isticmaalo Webiga Nile dadkeeda soo wajahi doonto faqri xun iyo Gaajo waayo waxay ku tiirsan yihiin Biyaha Nile.
Eretiya iyo itoobiya
Melez Senawi waxa uu maamulkiisa aaminsanaa inay Itoobiya mid tahay,islamarkaasna ku jirto dalka Eritereeya,taasoo ay qabeen Ragii ka horreeyey ee Haile Selassie iyo Mengistu Haile Mariam,,waxayna xornimada Asmara ku timid Jabhadii xorreynta ee Eriteeriya,taasoo si toos ah calankeeda u la soo laabatay sanadkii 1991,wuxuuna Isaias Afewerki noqday Madaweynaha Eriteeriya,isagoo markaas ahaa Madaxweynaha ugu dhalinta yar ee Qarumaha Afrika May 24, 1993 , Isaias Afewerki . waxaana dhex maray labada dhinac sanadkii 1998 dagaalkii ugu darnaa e dhex mara labada dhinac iyadoo ay ilaa iminka is hor fadhiyaan.
Maxamed Cabdi Maxamed Bootaan
Nairobi, Kenya ,
Botaan1@hotmail.com
Dailypuntland News
info@dailypuntland.com
http://www.dailypuntland.com/bootaan-maqaal1.htm
Waa Kuma Ninka Soomaalida 90% ay ugu Necebtahay Afrika
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
-
Mrs Musika man
- SomaliNetizen

- Posts: 621
- Joined: Thu Jun 14, 2007 2:53 pm
- Location: XAMAR cadey - Musika-Sultan-of-Banadiir, Majerteen-Abgaal Capitalistic Alliance (MACA)
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 182 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 1 Replies
- 693 Views
-
Last post by ciyaal_warta
-
- 0 Replies
- 421 Views
-
Last post by bashe19
-
- 0 Replies
- 279 Views
-
Last post by grandpakhalif
-
- 0 Replies
- 363 Views
-
Last post by PanSomaliNationalist
-
- 3 Replies
- 404 Views
-
Last post by kambuli
-
- 33 Replies
- 4408 Views
-
Last post by TheGrumpyGeeljire
-
- 6 Replies
- 448 Views
-
Last post by udun
-
- 3 Replies
- 537 Views
-
Last post by CRAZY_FUGITIVE
-
- 9 Replies
- 728 Views
-
Last post by Turbulence