WASIIRKA GAASHANDHIGA SOMALIYEED OO KORMEEER KU AADY KISMAYO
Posted: Sat Jul 07, 2007 11:54 am
WASIIRKA GAASHANDHIGA SOMALIYEED OO KORMEEER KU AADY KISMAYO IYO CUTUBYO CIIDAMADA QARRANKA AH OO UU HORKACAAYO JENERAL CABDI CIGAAL JAAMAC OO GALLABTA U RUQSADAY MAGAALADA KISMAYO .
July 7 2007 Radiofreesomalia.com
Wasiirka wasaaradda gaashandhiga Somali cabdi risaaq isaaq biixi iyo saraakiil ka tirsan taliska guud ee ciidanka Qarranka Somaliyeed oo ay horkacayaan guutooyin ka tirsan Ciidanka Qarranka Jamhuuriyadda Somaliyeed ayaa la sheegaya inay gallabta u kicitimeen magaalada kismayo ..
Dhaqdhaqaaqa Ciidanka Qarranka Somaliyeed Oo Kululaya Deegaanka kismayo
Weriye ka tirsan rfs oo aanu goor dhawayd khadka telefoonka gacanta kula xidhiidhnay isagoo la socda cutubyada ciidanka Qarranka somaliyeed ee hadda ku sugan deegaanka baraawe ayaa noo xaqiijiyey in ciidanka Qarranka Somaliyeed ay howl galo balaaran ka bilaabi doonaan baraawe ilaa kismaayo inta u dhaxeeysa , iyo dhamaan koonfurta dalka , iyo gaar ahaan magaalada kismayo , cabsi weyn oo laga qabo dagaalo qadhaadh oo ka dhex qarxa iyagoo dadweynaha iyo odayaasha magaalada kismayo hadii ay maleeshoo yinka hada gacanta ku hayaa ka waan toobin ka hor imaadka dowlada kumeelgaarka ah ,JENERAL CABDI CIGAAL JAMAC oo kowdii luuliyo loo magacaabay taliyaha ciidabada qaybta koonfureed ahna taliyaha ciidamada jubboyinka ayaa ka dalbaday maleeshiyaadka hada gacanta ku haya Maamulka magaalada ay ku xereedan xeryaha ciidamada dowlada iskaga baxaan magaalada magaalada kismayo sida ugu dhaqsaha badan .
dhinaca kalana Wasiirka wasaaradda gaashaandhiga Mudane Maxamuud c\risaaq isaaq biixi iyo wefdi uu hogaaminaayo oo iskugu jira xildhibaano iyo golaha wasiiirada ayaa ku sii jeeda magaalda kismayo maalita jimcaha ah .
Wixii ku soo kordha xaaladda Deegaanka kismayo iyo weliba wufuudda wasiiradda iyo masuuliyiinta somaliyeed kala soco shabakadda radiofreesomalia.com oo heegan kuugu ah