Beesha SADE UK welcomes Garaad GUUD ee Beesha Dhulobahante
Posted: Sun Jul 08, 2007 6:49 pm
Beesha SADE-LONDON Oo Qadosharaf U Sameeyey Garaad Jaamac Garaad Cali
Jul 07,2007
by London-GEDO-NN
Xaflad qado sharaf lagu maamuusayey Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Jaamac oo ka dhacday hoyga siyaasiga Cabdi Xoosh Ashkir uu ka deggan yahay magaalada London ayaa waxaa ka soo qeybgalay odayaal, aqoonyahanno iyo siyaasiin ka kale yimid wadamo kale duwan.
Qadosharaftaan oo si weyn loo agaasimay ayaa waxaa hadallo soo dhoweyn ah halkaasi ka jeediyey siyaasiga Cabdi Xoosh Ashkir iyo prof.Cabdullahi Qodobeey Maax. Siyaasiintiintaan ayaa ka warbixiyey xaaladda guud ee wadanka Soomaliya, gaar ahaanna colaadaha dhowaan ka dhacay gobollada jubbooyinka iyo sidii xal waara loogu heli lahaa oo lasoo afjari lahaa dagaaladaasi, lana baajiyo dhiig dambe oo ka daata gobolladaasi. Siyaasiintu waxaa ay ka codsadeen in Garaad Jaamac Garaad Cali inuu u istaago colaadaha ka taagan soomaliya, gaar ahaanna kan ka taagan gobalka Jubbada hoose.
Garaad Jaamac oo hadallo kooban oo wacyi gelin iyo duco isugu jira ka jeediyey qadosharaftii ayaa waxaa cabiray dareenkiisa ku aadan dagaalada sokeeye ka dhacayey wadanka Soomaliya 17kii sano ee ugu dambeeyey, kuwaasoo ku tilmaamay in loo baahanayn in dib loogu noqdo, si wadajirahna loogu wadoistaago sidii loo soo afjari lahaa colaadaha dhan meelkasta oo ay Soomaliya ka jiraan. Garaad Jaamac ayaa ugu dambeyntii sheegay inuu wadotashiyo la yeelan doono Boqoradda, garaadyada, ugaasyada iyo hogaamiye dhaqamadeeydada dhamaantood ku jira gudaha Soomaliya si loogaaro xal waara, gaar ahaanna colaadaha ka jira gobollada jubbooyinka.
GEDO-NN-London