Howl-gallo burcad sifeyn ah oo laga fuliyay gobolada Hiiraan iyo J/hoose
Click here to find this article English
Kismaayo 09, July 07 ( Sh.M.Network)- Ciidamada gacanta ku haya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay gacanta ku soo dhigeen in ka badan 10 dableey ah oo isbaarooyin u yiilay dhinaca waqooyi ee magaaladaasi.
Col. Cabdi Xuseen Warsame oo ah taliye K/xigeenka ciidamada amaanka magaalada Kismaayo oo shabelle u waramay ayaa sheegay in howl-gallo ay ka sameeyeen duleedka magaalada Kismaayo ay ku soo qabteen ilaa 15 maleeshiyooyin hubeysan oo lacago baad ah ka qaadan jirey gaadiidka, dhibaatana ku ahaa dadka rayidka ah.
" Waanu sii wadi doonaa howl-gallada aanu ku soo qabqabaneyno kooxaha dadka baada, isla markaana ay horkeeni doonaan cadaaladda" ayuu yiri Taliye K/xigeenka.
Waxa uu sheegay in howl-galkooda uu ka dambeeyay ka dib markii cabashooyin badan ay ka yimaadeen gaadiidka ku safra duleedka waqooyi ee magaalada Kismaayo.
Dhinaca kale ciidamada nabadgalyada gobolka Hiiraan ayaa howl-gal ay sameeyeen waxa ay ku soo qabteen kooxo dableey ah oo jidgooyo u tiilay qeybo ka mid ah gobolkaasi.
Howl-galadaan lagu qabqabanayo kooxaha dadka dhibaateeya oo galay maalintii labaad ayaa ciidamada dowladda waxa ay ka fuliyeen inta u dhaxeysa tuulada Halgan iyo degmada Buulo Burde, iyadoo halkaasi lagu qabqabtay ilaa 3 dabley ah sida uu ku soo waramay wariyaha shabelle ee gobolka Hiiraan, Cumar Kiyoow
Howl-gallo burcad sifeyn ah oo laga fuliyay Hiiraan iyo J/ho
Moderator: Moderators
- Hiiraan boy
- SomaliNet Heavyweight

- Posts: 4756
- Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
- Location: California
- BABYGIRL123
- SomaliNet Super

- Posts: 5273
- Joined: Mon Jul 09, 2007 12:09 am
Re: Howl-gallo burcad sifeyn ah oo laga fuliyay Hiiraan iyo J/ho
is this the person i voted for what a proud a cheivement you made on your award. 
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 3 Replies
- 562 Views
-
Last post by Executive
-
- 28 Replies
- 1892 Views
-
Last post by original dervish
-
- 5 Replies
- 329 Views
-
Last post by SAIFULLAH_1
-
- 1 Replies
- 225 Views
-
Last post by Hyperactive
-
- 0 Replies
- 529 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 0 Replies
- 399 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 11 Replies
- 825 Views
-
Last post by zidane88
-
- 0 Replies
- 431 Views
-
Last post by sahal80
-
- 16 Replies
- 1628 Views
-
Last post by Caesar
-
- 1 Replies
- 611 Views
-
Last post by salafi_student