Casho Bijo wants to Divide Somaliland.. East SL and West SL

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Casho Bijo wants to Divide Somaliland.. East SL and West SL

Post by LiQaaye_TDH »

Inta aanan faahfaahin Dulucda uu Qoraalkan iyo warkan hoos ku qorani xambaarsanyahay
ayey ila haboonaatay in aan waxoogaa hordhac ah soo hor mariyo.

Waxa jirta oo aan xasuustay Hees caan ah oo uu sameeyey Abaawnka caanka
ah.......Magacii ha Raagee, Hassan Cabdillahi Ganay, heesta oo ay darandooriyaan ama
wada qaadaan Hassan Adan Samater iyo Fanaanada la yidhaahdo Shankaroon. ayaa waxa la
yidhaahdaa * Is-moog......Aqalkii ayey goglaysaa...... Ismana oga......Uunsigii ayey
shidaysaa.......Ismana oga.

Heestan kor ku xusan iyo waliba Maahmaadan tidhaahda *Lax dhukani Abaar Moog* waxa
ay ku jahaysanyihiin Xukuumada Somaliland, Golaha Wakiilada, Golaha Guurtida,
Xisbiyada Qaranka Mucaarid iyo Muxaafid-ba kuwaas oo ku mashquulay Is-jiidjiidkoodii
iyo Is-qabqabsigoodii, waa wax laga xumaadaa in Madaxdii dalku ku heshiin waayaan
soo xulida dhawr qof oo loo magaacaabo komisionka Doorashda. Waxa aan ku
baraarujinayaa Madaxda Somaliland iyo Dadweynaha-ba oo aan leeyahay *inta aa
isku-maqantihiin Cadawgiinuna wuu idin ku soo maqanyey*.

Waxa daahu ka rogmay oo si toos u soo Ifbaxay Siyaasada Cabdillahi Yussuf iyo
Maamulkiisu ay doonayaan in ay ku dhabar-jabiyaan, kuna minjaxaabiyaan Qaranimada
Somaliland. Shalay oo ay taariikhdu tahay 07.07.2007 ayaa Universal TV oo ku baxa
Afka Somaaliga ayaa waxa laga soo daayey Barnaamij lagu waraystay ku-magacaabanaha
Wasiiraka Dib-u-heshiisiinta iyo Jaaliyadaha Debeda ee Maamulka Imbagaatii Mudane
Mohamed Abdi Xayir *Maareeye*

Waraysiga TV-gu la yeeshay Mr.Xayir waxa uu ku saabsanaa shirka loogu magac daray
Dib-u-heshiisiinta Somaalida ee la doonaaya in xamar lagu qabto bishan july
15-keeda, markii waraysigii socday muddo 30 daqiiqadooda ah ayaa wariyihii
waraysanaayey Mudane Xayir waxa uu weydiiyey suaasha ah.

Somaliland oo ah Degaanka aad ka soo jeedo, sheegtana in ay tahay dal ka madaxbanaan
Somalia ma ka soo qaybgalaysaa shirkan Dib-u-heshiisiinta?
Xayir oo aan ka fiirsan jawaabtii uu bixinaayey ayaa si deg ah u yidhi.....Haa
marrkaas ayuu wariyihii ku celiyey suaal kale oo uu yidhi sidee ayey Somaliland
shirkan uga soo qaybgalaysaa, sowdiga og in Xukuumada Somaliland, golaha wakiiladu
iyo golaha guuritdu ay goaanka cad ka soo saareen oo sheegaaya in shirkaasi aanu
khusayn Somalilan iyd dadkeeda.

Mudane Xayir oo ay ku balaadhatay suaashii ayaa isku dayey in uu wariyihii iyo
dadkii barnaamijka daawanaayey qanciyo oo wax ka tilmaamo dhismaha Qarnimada
Somaliland iyo sida uu ku yimi.

Hadalkii ayuu ku bilaabay Somaliland wax ay ku timi burburkii iyo xasuuqii uu gastay
kacaankii uu hogaaminaayey Siyaad Bare. Masuulka oo muuqday in uu yahay in aan waxba
kala socon taariikhda Somaliland horayso iyo danbayso midnaba ayaa runtii ku
fashilay Qancintii uu doonaayey in uu gaadhsiiyo dadka dhegaysanaaya ee daawanaaya
barnaamijka.

Mr.Xayir oo sii wata hadalkiisii ayaa si toos ah u Iftiimiyey Qorshaha Maamulka
Cabdillahi Yussuf ee Somaliland ku jahaysan isaga oo yidhi, waxa aan qorshaynay in
Somaliland loo qaybiyo laba *STATE* oo hoos yimaada Dawlada ku-meel gaadhka ah.

Togdheer, Sool, iyo Sanaag waxaanu ka dhigaynaa hal STATE................Dabcan inta
soo hadhayna oo ah Hargaysa, Awdal iyo Saaxil waxaan ka dhigaynaa hal STATE. Waxa uu
si toos ah u yidhi oo uu carabka ku dhuftay Mr. Xayir.....Qorshaha Dawladu maaha
mana doonayno in hal beel oo miisan leh ay hal STATE ku wada ekaato ama ka soo wada
jeedo, haddii aad xoog u dhuuxdo qorashan waxa kuu soo baxayaa sida la doonaayo in
loo kala qaybiyo beelaha Somaliland degga, siiba wax uu shiishku toos u hayaa beesha
reer Sheikh Isaxaaq.

HADA SI FIICAN U FAHAM SHAXDAN HOOS QORAN OO KU SALAYSAN QAYBI OO XUKUN.

1-Hal STATE oo laga sameeyey Hagaysa, Awdal iyo saaxil, waxa la doonayaa in la isugu
geeyo Beesha Samaroon iyo Ciise, Beesha Arab, Garxajiska Hargeysa iyo hareeraheeda
oo ka kooban Ciidagale iyo Habaryoonis galbeed. Habarawal (sacad iyo ciise) iyo
habar-jeclada ka soo jeeda Degaanka Saaxil iyo waliba Habaryoonista ka soo jeeda
degaanka Saaxil. Ayuub iyo Toljecle iyo Beesha Gabooye wixii ka dega hargeysa, Awdal
iyo Saaxil.

2-Hal STATE oo laga sameeyey Togdheer, Sool, iyo Sanaag, waxa la doonayaa in la
isugu geeyo Habaryoonis-ta iyo Habarjecla-da Togdheer, sanaag iyo Sool degga.
Ciise-muusa-ha Togdheer dega. Cabdale- Arab iyo Ciidagale....Guuyoobe oo Togdheer
dega. Harti.......Dhulbahate iyo Warsangale iyo Beesha gabooye ciddii ka degta
degaanadaa.

Kala-qaybinta qaabkan u dhisan ee uu Cabdillahi Yussuf ku hamiyayaa waxa ay ka
turjumaysaa xigmada odhanaysa *Mas Madax ayaa laga dilaa* Somaliland Isaaq ka
dil...... taas oo macnaheedu yahay Beesha Isaaq kala qaybi oo cudooda, caqligooda,
Maalkooda iyo Tayadoodu yaanay meel ku midaysnaanin.

Qorshahani waa ka la doonaayo in lagu dumiyo Somaliland, laguna qaybiyo Beelaheeda..
Waxa aan xasuutay markii shalay aan dhegaytay hadalkii Xayir, odhaah uu igu yidhi
nin ka soo jeeda Majeerteenia oo ahayd *Puntland waxa loo sameeyey in lagu Dumiyo
Somaliland* ta labaad.....khudbad xasaasiya oo Cabdillahi Yussuf uu ku
aflagaadaynaayey Cabdi-qaasim xilgii maamulkii Carta la samaynaayey ayaa waxa ku
jiray, hadalo odhanaaya haddii aa reer Puntland tihiin degaankiina haysta oo ku
faro-adayga, mar labaad yaan la idinka soo qaxinin oo la idin ku xasuuqin Xamar iyo
meel u dhaw. Degaanada dadka kalena ku fida oo wax ku yeesha.

Mr. Xayir oo lagu Naanayso *Maareeye* wax uu ka soo jeedaa Abtirsiino ahaan
Somaliland, Degmada Caynaba ee Gobolka Sool, Masuulku wax uu ka mid ahaa dad faro
badan oo laga qaaday xero gargaar oo ku taalay degmada Caynaba ee gobolka Sool
sanadkii 1974-kii. Dadkaas oo ay wax yeelaysay Abaartii banayd ee la odhan jiray
(Dabo-dheer). Mudane Xayir iyo dadkii kale ee laga soo qaday gobolada Togdheer,
Sool iyo Sanaag waxa la kala dejiyey Xerooyin loo bixiyey DANWADAAGAHA oo ku yaala
Tuulooyinka ah Sablaale, Kurtuwaaray iyo Dujuuma oo tirsan shabeelada dhexe iyo
Hoose.

Mr. Xayir oo la dajiyey Xerooyinkii Danwadaagaha ee kurtuwaaray ku yaalay, wax uu
nasiib u yeeshay in wax barashadiisii uu ka bilaabay Ololihii AF Somaliga ee loo
fidyey dadkii ku soo caydhoobay abaaraha ee la dajiyey koonfurta Somalia. Isaga oo
ahaa nin aad u firfircoon waxa uu ku biiray ciidankii guulwadayaasha ee kacaaankii
Siyaad Bare. Ugu danbayntii waxa uu noqday Waardiyaha khaaska ah ee Maslax Mohamed
Siyaad Bare. Mudane Xayir oo ku kacaamay kuna soo dhaqmay Koonfurta Somalia ayaan
habayaraatee waxba ka aqoon Taariikhda soo jireenka ah ee Somaliland. Xayir ayaa
kalsooni dheeraad ah ka helay Cabdillahi Yussuf, ka dib markii uu Cabdillahi u
adeegsady in uu ku garaaco SIFIR oo ay Xurguf Siyaasi ahi dhex-martay
User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Re: Casho Bijo wants to Divide Somaliland.. East SL and West SL

Post by LiQaaye_TDH »

1-Hal STATE oo laga sameeyey Hagaysa, Awdal iyo saaxil, waxa la doonayaa in la isugu
geeyo Beesha Samaroon iyo Ciise, Beesha Arab, Garxajiska Hargeysa iyo hareeraheeda
oo ka kooban Ciidagale iyo Habaryoonis galbeed. Habarawal (sacad iyo ciise) iyo
habar-jeclada ka soo jeeda Degaanka Saaxil iyo waliba Habaryoonista ka soo jeeda
degaanka Saaxil. Ayuub iyo Toljecle iyo Beesha Gabooye wixii ka dega hargeysa, Awdal
iyo Saaxil.

2-Hal STATE oo laga sameeyey Togdheer, Sool, iyo Sanaag, waxa la doonayaa in la
isugu geeyo Habaryoonis-ta iyo Habarjecla-da Togdheer, sanaag iyo Sool degga.
Ciise-muusa-ha Togdheer dega. Cabdale- Arab iyo Ciidagale....Guuyoobe oo Togdheer
dega. Harti.......Dhulbahate iyo Warsangale iyo Beesha gabooye ciddii ka degta
degaanadaa.
User avatar
Karbaash_killa
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3672
Joined: Thu Mar 10, 2005 3:10 pm
Location: Wisil, Galmudug State of Somalia

Re: Casho Bijo wants to Divide Somaliland.. East SL and West SL

Post by Karbaash_killa »

liiqaye.. sxb is he succeeding? becase if he is, the somaliland nationhood will be like a big joke gone bad and it will fall right back your face...

why do burco use somalia shilling wher as hageysa usse SL shillings?

The division looks to me as if its on curs.. and it heading right towards your people bro. Shocked
User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Re: Casho Bijo wants to Divide Somaliland.. East SL and West SL

Post by LiQaaye_TDH »

The reson why the old somali currency are still being used is, because of this corrupted Riyaale and his 5 bandits.. the somaliland shillings are used in Boorame, Hargeisa, Berbera, and as far as sheikh... Burao also uses the somaliland shillings, but at the same time we use The Old Gimbaar... They gave reer burao fake promises that they were gonna change the currency, but nothing have been done....

Its Atcually Togdheer's fault, because when cigaal wanted to change it in the late 90s, they refused it, because there business were more connected to the Rest of somalia....

And this fake little states aint gonna work for casho bijo, you need to have the peoples support to succed with this, and the people are 97% Pro Somaliland Cool
User avatar
eyes-only
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5652
Joined: Sun Apr 30, 2006 2:30 pm
Location: ** Xamar-Caddey**

Re: Casho Bijo wants to Divide Somaliland.. East SL and West SL

Post by eyes-only »

I think it would be better to have all the land north of Baladweeyne as one huge state....you could call it....daraawiish land/qaldaan land/madarkicis land/dry as hell desert land/totally waste land.... Rolling Eyes
User avatar
Karbaash_killa
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3672
Joined: Thu Mar 10, 2005 3:10 pm
Location: Wisil, Galmudug State of Somalia

Re: Casho Bijo wants to Divide Somaliland.. East SL and West SL

Post by Karbaash_killa »

Eyes soo Naag HG ah ma tahid... doesnt Gobolada dhexe have any meaning to you.. ..i can understood your love for banaadir but goobtaadi inaad iloowdid ma aha Xamarna waa la iskaga daba imaanayaa ee waxba ha ka wal walin.. Laughing
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”