
Cabdulahi Yusuf oo ku guldaraystay Helidda ciidamo Punland ah oo Kismayo weerara
Posted by Abu-raas
Wednesday, July 04 @ 19:41:41 PDT
Col Cabdullahi Yusuf ayaa u xilsaaray wasiir ku xigeenkiisa Gaashaandhiga Salaad Cali Jeelle inuu la xaajoodo dowlada goboleedka Puntland si ay ciidamo weerara Kismaayo uu uga helo. Dowlada goboleedka Puntland ayaa ka caga jiiday inay ciidamo u soo diraan magaalada Muranka badan ka taagan yahay ee Kismaayo.
Waxay reer puntland ku cudurdaateen inay jiraan ciidamo reer Somali Land ah inay soo dhoobteen xadka u dhexeeya labada gobol aysanna haynin ciidamo u kala qaybsamo Kismaayo iyo difaacidda Puntland. Waxay u soo jeediyeen C/laahi Yuusuf in ciidamo isku dhaf ah oo wata magaca Federaalka ee ku sugan Muqdisho inuu u diro Kismaayo.
Ilaa iyo 650 askari oo reer Puntland ah ayaa iminka ku sugan gudaha magaalada Muqdisho kuwaasoo ilaaliya nabadgelyada C/laahi Yuusuf. C.laahi Yuusuf waxaa uu ku wargaliyey wasiirk ku xigeenkiisa Gashaandhiga inuu keeno ciidamo ay isku hayb yihiin oo lagu wajaho Kismaayo, laakiin waa uu ka diiday sida aanu ka soo xiganay ilo aad ugu dhow mas'uuliyiintaan.
Ciidamada gacanta ku haya Kismaayo ayaa ah kuwo aad u diyaargaraysan sida ay noo xaqiijiyeen mas'uuliyiinta gobolka J/hose.
Nabadgelyada Kismaayo ayaa ah mid iminka wanaagsan, uuna joogsaday dhicii faraha badnaa ee ay magaaladu la ildarnayd.
Abu-raas
Nairobi
Gedoweb Online