Garoowe: Madaxweynaha Puntland oo la dardaarmay xubnaha Puntland ugu qeybgalaya shirka dib u heshiisiinta
8. July 2007
Garoowe(AllPuntland)- Kulan ay isugu yimaadeen 200-ergo oo matalaya degaanada maamul goboleedka Puntland kuwaasoo isu diyaarinaya ka qeyb galka shirka dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed ee la filayo inuu bartamaha bishan ka furmo magaalada Muqdisho ayaa maanta ka dhacay xarunta cilmi baarista iyo wadatashiga ee PDRC.
Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Jan. Cadde Muuse Xersi oo kulankaasi kula hadlayay ergooyinkaas ayaa ugu baaqay xubnahaasi inay si buuxda u matalaan degaanada hoos yimaada maamul goboleedka Puntland isla markaana ay walaalahooda Soomaaliyeed u tusaan una horseedaan tanaasul iyo sidii nabadgelyo ay u heli lahaayeen dadka Soomaaliyeed.
Sidoo kale Madaxweyne K/xigeenka Puntland Md.Xasan Daahir Afqurac oo ka hadlayay kulankaas ayaa ergooyinkaasi u rajeeyay inay noqdaan kuwo ka soo baxa waajibaadka culus ee ah matalidda beelaha Puntland.
Ergadaasi ayaa la filayaa inay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo gaaraan magaalada Muqdisho oo ka socota qaban qaabada shirka iyo soo dhoweynta ergada ka kala imaanaya gobolada dalka
Cali Muxiyaddiin Cali
AllPuntland, Muqdisho
Puntlanders flying out to Mogdishu including Puntland Leader
Moderator: Moderators
- Somalian_Boqor
- SomaliNet Super

- Posts: 10847
- Joined: Thu Feb 15, 2007 2:56 am
- Location: Fuck Faroole & His Supporters
- Somalian_Boqor
- SomaliNet Super

- Posts: 10847
- Joined: Thu Feb 15, 2007 2:56 am
- Location: Fuck Faroole & His Supporters
Re: Puntlanders flying out to Mogdishu including Puntland Leader
Ergada Puntland ee shirka Dib u heshiisiinta oo Shir uga furmay Garowe
Last Updated::2007-07-08 15:44:49
Garowe:- Wafdiga gobalada Puntland uga qeyb geli doona shirka Dib u heshiisiinta Qaran ayaa maanta ku kulmay magaalada Garowe.
Ergo gaareysa 200 oo ka kala timid gobalada Puntland kuwaasi oo ka qeyb geli doona shirka Dib u heshiisiinta Qaran ee lagu wado inuu ka dhaco Muqdisho ayaa maanta kulankoodii ugu horeeyey ku yeeshay magaalada Garowe.
Shirkan ayaa saaka ka furmay Xarunta cilmi baarista Puntland ee magaalada Garowe PDRC.
Kulankan oo ah mid wadatashi ayaa waxaa kasoo qeyb galay mas'uuliyiinta Dowlada Puntland oo ay hogaaminayaan Madaxweynaha Md.Cadde Musse iyo M/kuxigeenka Puntland Md.Xassan Daahir.
Kulankan ayey mas'uuliyiinta Dowlada Gobaleedka Puntland khudbado ay kasoo jeediyeen kula dardaarmeen ergada Puntland in ay qeyb libaax ka geystaan sidii dib la isugu soo dhaweyn lahaa shacabka Soomaaliyeed, iyo qabsoomida shirka dib u heshiisiinta.
Madaxweynaha Puntland Md.Cadde Musse ayaa sheegay in loo baahan yahay in ergada Puntland ay si weyn uga shaqeeyaan sidii dib u heshiisiinta Soomaaliya u noqon lahayd mid hirgasha, isla markaana ka hortagaan wixii caqabad ku noqon kara wadahadalka, ayna muujiyaan dulqaad badan wixii caqabooyin ah oo ay kala kulmaan.
Shirka dib u heshiisiinta Soomaaliya oo labo goor oo hore dib loo dhigay ayaa hada loo balansan yahay inuu furmo 16ka bishan July/Luulyo.
Shirkan ayaa ka furmi doona sida loo qorsheeyey magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya, halkaasi oo ay hada ka socdaan diyaar garow, walow ay jiraan shaki weyn oo laga qabo dhinaca Amniga ayadoo aysan weli joogsan weerarada ka dhaca magaaladaasi.
C/risaaq Shiino
HorseedNet.com

-
paidmonk
- SomaliNet Super

- Posts: 11989
- Joined: Wed Dec 31, 1969 7:00 pm
- Location: http://majerteen.blogspot.com/
Re: Puntlanders flying out to Mogdishu including Puntland Leader
Our nationwide Kingdom is being forged as we see it. 
Re: Puntlanders flying out to Mogdishu including Puntland Leader
Wallahi, Dhabayaco faan wax loo adkeysan karo ma'aha.
.......
This is NOT Padishah.
.......
This is NOT Padishah.
Re: Puntlanders flying out to Mogdishu including Puntland Leader
Ignore the above, guys. Ilkoyar calacaal.
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 21 Replies
- 1373 Views
-
Last post by sadeboi
-
- 50 Replies
- 3617 Views
-
Last post by barakaboy10
-
- 0 Replies
- 504 Views
-
Last post by newsbot
-
- 29 Replies
- 4704 Views
-
Last post by oldenglish
-
- 0 Replies
- 490 Views
-
Last post by THE_TRUTH1
-
- 2 Replies
- 653 Views
-
Last post by whitehartlane
-
- 13 Replies
- 991 Views
-
Last post by abdisamad3
-
- 30 Replies
- 1409 Views
-
Last post by Heidi_
-
- 32 Replies
- 1936 Views
-
Last post by dhuusa_deer