Page 1 of 1

Jabhaddi looga dhawaaqay Eritrea oo Ciidamo tababar soo qaat

Posted: Tue Jul 10, 2007 9:04 am
by Hiiraan boy
Jabhaddi looga dhawaaqay Eritrea oo Ciidamo tababar soo qaatay soo galinaya Somaliya.

Ilo wareedyo gaar ah ayaa sheegaya in Ciidamada fara badan oo kusoo tababartay dalka Eritrea ay soo galayaan Somaliya si ay ugula dagaalamaan ciidmada Itoobiya iyo kuwa dowladda FS ee dalka ku sugan.

Ilo wareedka ayaa intaasi ku daraya in Ciidadaasi oo kumanaan gaaraya ay si toos ah uga amar qaadan doonaan hogaanada Jabhadda ONLF iyo gudoomiyaha golaha Maxaakimta Islaamka Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Ciidamadaasi tababarka soo qaatay ayaa ah inta badan Ciidamada Maxaakimta ee dalka isaga cararay markii looga awood roonaday dagaaladii ay la galeen Ciidamada Itoobiya,kuwaasi oo ku sugnaa dalalka Sudan,Kenya iyo Eritrea.

Wararku waxaa ay sheegayaan in Ciidamadaasi ay kusoo gali doonaan dalka iyagoo rayid ah isla markaana si kotorobaan ah loogu soo daabuli doono hubkooda,waxaana la doonayaa Ciidamadaasi in dagaalo toos ah ay la galaan Itoobiyaanka.

Isbaheysigii hore looga dhawaaqay dalkaasi Eritrea ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku jiray howlgallo baaxad leh oo ay ku diyaarsanayaan Ciidamadii kaga dagaalami lahaa dalka Somaliya,waxaa la sheegayaa in mudo bil ka yar ay Ciidamadaasi tababaro

Re: Jabhaddi looga dhawaaqay Eritrea oo Ciidamo tababar soo qaat

Posted: Tue Jul 10, 2007 9:37 am
by Biif Baaf
It's about time.