Fallo: mareexaan ma daaroodnima lagu maalaa?

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Alta Vista [Bot2]
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 497
Joined: Mon Apr 30, 2001 7:00 pm
Location: Carriga Ingiriisiga

Fallo: mareexaan ma daaroodnima lagu maalaa?

Post by Alta Vista [Bot2] »

Fallo: mareexaan ma daaroodnima lagu maalaa? by:Maxamed Cabdi Shire (Lugafalaar)

Topics Waxaan marka hore salaan u soo gudbinayaa shaqaalaha warsidahan iyo dhammaan shacabka akhrista gedoweb soo booqda. Salaantaa ka bacdi somalidu waxay ka dheregsan tahay ina YEY inuusan Marreexaan jeclayn cuqdad badanna uu u qabo,Reer sade oo ku caan baxay doonitaanka iyo soo celinta qaranida luntay ee somaliyeed ayaa waxay si halhaleel ah u taageereen dawladda kenya lagu soo dhoobdhoobay.

Waxaa cad in cabdullaahi yusuf uusan ahayn madaxweyne somaliyeed ,balse uu yahay guddoomiye jabhad dhiigyacab ah. waxaa is weydiin mudan Beesha Sade ma daaroodnimaa lagu seexiyaa,lagagana adeegtaa oo lagu yiraahdaa wixii la doono.

Arrimaha ka soo kordhay kismaayo ayaa waxay kashifeen rabitaanka iyo ciilka uu Cabdullaahi yusuf u qabo beesha Sade iyo Hogaamiyayaashoodaba,Hadaladii odaga ina YEY ah waxay hor dhac u yihiin nacaybka aysan hartigu u kala harin ee kismaayo lagu wajahayo.

Waxaan ayaan darro u arkaa in shaqsi Sade sheegta uu u shaqeeyo Cabdullaahi yusuf iyo xukun uu madax ka yahayba ,waa gunnimo aan horey weli loo arag in lagu doodo waxaan nahay taageerayaasha dawlada iyadoo dawladda ay sheegayaan ay tahay tan SADE ku tilmaantay argagixiso,tan Sade ku tilmaantay dawlad diid.

Haddii aan soo duubo warkaygan waxaan ku soo koobi lahaa;
1- In beeshu bedesho hab dhaqankeeda siyaasadeed
2-In beesa xubnaha barlamanka ugu jira lalal xisaabtamaa
3-In nin kastoo beesha ka mid ah mowqif cad ka istaagaa dawlad ku sheega YEY madaxda u yahay.
4-In beeshu ka shaqayso wada noolaanshaha shacabka somaliyeed..
5_In beeshu isku tashataa oo ay ka samirtaa dawladda ina YEY.
6-In beeshu ay taageero buuxda siisaa hogaamiyayaasheeda sida Barre hiiraale.
7-In beeshu geed dheer iyo mid gaabanba u fuushaa sidii ay u dhisan lahayd dawlad goboleed iyo maamullo u gaa ah
8-In beeshu xoojisaa xiriirka dalalka jaarka ah iyo beelaha ay wada degaan.
9-In beeshu ku dadaashaa in dib loo furo dekada kismaayo,oo reer puntland ay ugu talo galeen inay xirnaato ,si dhaqaale lagula tartamo aan loo helin (xamar dekadeedi xitaa waa xiran tahay)fiiro gaar ah u yeelo.
10-Ugu dambayn in beeshu qadacdo shirweynaha ina YEY uu ugu baaqay shacabka somaliyeed ee khiyaanada xambaarsan ,qaybna aynaan ka noqon burbur hor leh oo ummadda somaliyeed loo horseedo.

Ugu dambayn waxaan shacabka somaliyeed ilaah uga baryayaa inuu nabad iyo guul siiyo kana qabto qabqablayaasha godka dheer afka uga guray.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”