Faarax Sendiko “Shir ma dhici karo inta gumeysigu dalka heys

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

Faarax Sendiko “Shir ma dhici karo inta gumeysigu dalka heys

Post by Hiiraan boy »

Faarax Sendiko “Shir ma dhici karo inta gumeysigu dalka heysto kuwa dhahaya shir ayaan qaban qaabineynaa waa inay faraha kala baxaan”


Siyaasiga Faarax Weheliye Caddow Sendiko oo ka mid ahaa musharixiintii Soomaaliyeed ee u tartantay jagadii madaxweynenimada shirkii Embegati ayaa weeraray gudiga qaban qaabada shirka dib u heshiisiinta Qaran ee Soomaaliyeed, isagoo ku tilmaamay dad aan qabiil iyo qaran midna matalin.
Faarax Sendiko oo ku sugan dalka Masar ayaa sheegay inay wax lala yaabo tahay in nin siyaasi ah oo caan ah uu yiraahdo waxaan qaban qaabinayaa shir dib u heshiisiineed oo beelaha Soomaaliyeed ku heshiinayaan, xilli buu yiri dalka ku jiro gacanta ciidamo Gumeysi ah.
“Shaqsiyaadka siyaasiyiinta ah ee qabiilka u hadlaya oo dhahaya waxaan qabaneynaa shir dib u heshiisineed waa kuwo aan matalin qaran iyo qabiil midna oo gumeysi u adeegaya, waxaana ugu baaqayaa inay faraha kala baxaan arrimahaasi” ayuu yiri Sendiko oo ula jeeday gudiga shirka dib u heshiisiinta Qaranka ee uu hogaamiyaha u yahay mudane Cali Mahdi Max’ed.
Sidoo kale, Faarax Sendiko waxa uu sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay tahay dowlad dib u heshiisiineed oo ay dhismaheeda muddo 2 sano iyo bar ah u fadhiyeen dalka Kenya, wuxuuna ugu baaqay inay wadahadal la furto golihii maxaakiimta islaamiga Soomaaliyeed.
“Dowladdu waa inay siyaasad ahaan ula hadasho qeybaha ka horjeeda, gaar ahaana golihii maxaakiimta islaamiga Soomaaliyeed” ayuu yiri Mr. Sendiko oo xusay in shir dib u heshiisiineed uusan furmi karin tan iyo inta ciidamad gumeysiga ay dalka ka baxayaan.
*Arabman
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2297
Joined: Fri May 04, 2007 2:17 pm

Re: Faarax Sendiko “Shir ma dhici karo inta gumeysigu dalka he

Post by *Arabman »

Faarax Sendiko should also add: "No shir with traitors."
Mrs Musika man
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 621
Joined: Thu Jun 14, 2007 2:53 pm
Location: XAMAR cadey - Musika-Sultan-of-Banadiir, Majerteen-Abgaal Capitalistic Alliance (MACA)

Re: Faarax Sendiko “Shir ma dhici karo inta gumeysigu dalka heys

Post by Mrs Musika man »

Reer Sendiko are tuug

they robbed money that was given to the Somali Sport and football federation
User avatar
*jr
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4992
Joined: Wed Jun 20, 2001 7:00 pm

Re: Faarax Sendiko “Shir ma dhici karo inta gumeysigu dalka heys

Post by *jr »

Faarax Sendiko is irrelevant.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”