Ciidamo aad u fara badan oo kulaalaya magaalada Kismaayo
Posted: Wed Jul 11, 2007 9:29 am
Ciidamo aad u fara badan oo kulaalaya magaalada Kismaayo
Kismaayo:- Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Ciidamo aad u fara badan oo ku hubeysan hubka culus iyo midka fudud ay ku sii jeedaan magaalada Kismaayo oo la sheegay inay haatan nawaxiga magaaladaasi kulaalayaan, isla markaana ay aad u buux dhaafiyeen.
Sida wararka na soo gaaraya ay sheegayaan ciidamada haatan sii kulaalaya Kismaayo ee doonaya inay dagaal ku qaadaan magaaladaasi ayaa waxaa hoggaaminaya Guddoomiyaha Gobolka Jubbada Hoose Ilyaas Badal Gabboose iyo qaar ka mid ah xubnihii maamulka Gobolka Jubbada Hoose ee horey dagaalka looga adkaaday kadib markii maleeshiyo beesha Sade ka tirsan ay dagaal foodda is dareen.
Sida warku sheegayo Ciidamadaas ku wajahan Kismaayo ayaa qaarkood laga diray magaalada Muqdisho iyadoo ay ku jiraan kuwa degaannada Puntland laga keenay iyo kuwo kale oo dhawaan tababar ugu dhammaaday xerooyinka Laantabuuro iyo Balidoogle ee gobolka Shabeellada Hoose, kuwaasoo loogu talo galay inay Kismaayo dib u hantaan kuna soo celiyaan gacanta dowladda KMG.
Madaxweynaha Soomaliya ayaa horey u sheegay in Kismaayo ay heystaan kooxo dowlad diid ah, haddii ay diidaan si waanwaan ah inay Kismaayo gacanta dowladda ugu soo wareejiyaana weerar lagu qaadayo, isagoo xusay in kooxo argagixisada taageera ay yihiin kooxaha Kismaayo heysta.