War deg dega: Villa Somalia oo lagu garaacay gantaalo
Posted: Wed Jul 11, 2007 3:52 pm
War deg dega: Villa Somalia oo lagu garaacay gantaalo aanan hore looga maqal Muqdisho.
Muqdisho , Arbaco, July , 11 , 2007 Waagacusub.com
Ugu yaraan shan gantaal oo la qiyaasay inay yihiin madaafiicda goobta ama laga soo tuuray badweynta ayaa ku dhacay goobo bartilmaameedsan gudaha Villa Somalia sida ay Waagacusub u xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Madaxtooyadda Cabdilahi Yusuf. Madaafiicdaas oo Muqdisho inta badan hareeysay sidoo kalana lagu duqeeyay gurigga Ra'isulwasaarre Geeddi ayaa markii hore looga shakiyay inay tuurayeen Ciidamada Amisom hasse yeeshee markii lala xiriiray waxay tibaaxeen inaysan xagooda wax huba ridin.
Dadka Muqdisho ayaa argagax xoogan helay waxayna Saraakiisha dhinaca madaafiicda ee dowlada federalka shaki badan ka muujiyeen gantaalaha lagu garaacay goobo muhiima oo ay ka mid yihiin, Xarunta shirka loo xaaray, guriga geeddi iyo Madaxtooyada.
Gantaal BM ah oo laga tuuray Madaxtooyada ayaa ku dhacay Towfiiq lamana ogga guud ahaan khasaaraha halka uu gaarsiisan yahay laakiin dhinaca kale dagaalo fool ka foola ayaa ka soconaya Xamar Jadiid iyo Howlwadaag.