Waxaa jirta Maahmaah oraneysa,(Walaakay ha i qadiyee may i hadal hayey,) taasoo micnaheedu Yahay xaalada Jubooyinka iyo Kismaayo gaar ahaan, marka ay dagaalo ka socdaan, dareenka dadweynaha P/land aad buu u kacsanaan jiray, waxaana la abaabuli jiray, in loo gurmado oo banaan baxyo iyo wixii la mid ah la sameeyo, haddase Xaalkii waa is bedelay. Miyaa la ilaaway?
Waagii hore, waxaa ka jiri jiray degmo walba iyo gobol walba, dareen midaysan oo ku saabsan xaalada Kismaayo oo wax loo qaban jiray, iyadoo la dhisi jiray gudiyo isugu jira, Guurti iyo Ganacsato, oo Habeyn jiray Barnaamijyo Taakulayn iyo Gargaar dadka ku tabaalaysan Halkaas, go,aamada ay soo saaraan gudiyadaasi; si wada-jir ah ayaa loo fulin jiray, marka Hadii dhibtiii weli taagan tahay oo la Xasuuqayo dadka Hartiga ah oo u badan degaankaas oo la barakicinayo, oo duulaan Hubaysan lagu Hayo, iyagoo la boobayo Hantidoodii, dadkii la laynayo, Maxaa loo Joojiyay Taageeradii iyo Taakulayntii Dadweyne oo soo Jireenka ahayd??
Ma qadiyadii baa wax iska bedeleen, mise dadkii baa Isbedelay??
Dadka wax laynaya,Barakicinaya,Hantida Boobayo Waxay isugu jiraan wax alle Wixii Dowlada Federaalka ka soo horjeeday, oo ku daba faylay Beesha Mareexaan (Sade) oo shirqoolka fulinaysa, iyagoo Huwan Shaarkii Isbahaysiga Dooxada Juba oo Barre Hiiraale hoggaaminayo.
Dowlada F/somalia, dad shaarkeedii Huwaday ayaa dhibaatada Taagan oo dhan Hurinaya, dadkana Barakicinaya, iyadoo dagaaladaasi ay leeyihiin Weji siyaasadeed oo lagaga soo Horjeedo D/Federaalka Somalia, ayaan Misana la doonayn in runta laga sheego oo la badbaadsho dadka la gumaadayo, shacab weynaha Reer Kismaayo oo la doonayo in laga barakiciyo Degaamadooda si ay u bedelaan dad laga soo daadgureeyay gobolada Galguduud iyo Gedo oo dantu tahay in aanay Degaankaas gorgortan ka gelin, Qiimo kasta ha ugu fariisatee, dadka la leynayaana maba oga, oo arrintu waa la fudud tahay inkastoo Xaaladoodu aad u adag tahay, dhinac walba,Bulsho ahaan Degaan ahaan,dhaqaale ahaan iyo Nabad gelyo ahaanba, Misana D/Federaalka iyo Puntland midna Taageero kama haystaan, sidaas daraadeed waxaan u soo jeedinaynaa D/federaalka, Maamulka P/land iyo Dadweynahaba in Xaaladaas Qalafsan Hoos loo eego oo ku saabsan shacabka Kismaayo,iyadoo arrintu tahay Degaan Riix. La mid ah kii lagu Sameeyay Dadkii Maraykanka iyo Australia loogu Tagay oo la Gumaaday.
Laga Bilaabo 1991-dii Markii D/somalia burburtay; Arrinta Kismaayo waa Taagnayd, loolankuna Waa jiray, waxaana ku herdamayey USC oo Hawiye ku Midaysnaa,SPM dhinacyada Kale ku Midaysnaayeen.
Bishii april,1991-dii, waxaa qabsaday USC. 26 June 1992-dii ayaa laga qabsaday, isla bishii May SNA ayaa Qabsatay, 22 Jannaayo 1993 ayaa dib looga qabsaday, mudona waxaa haysatay SPM, hase yeeshee 1999kii waxaa ka qabsaday Is-bahaysigii dooxada Juba, oo wixii ka danbeeyay ka Arriminayay ilaa Maxkamadihii Muqdisho ay ka qabsadeen 2006. Jannaayo 2007 ayaa D/federaalku Qabsatay, waxaana dib looga qabsaday April 2007, oo ay qabsadeen Maleeshiyooyin Mareexaan Oo Barre Hogaaminayo, kuwaaso ka saaray Maamulkii iyo Madaxdii Dowladu soo magacowday, waxayna maraysaa Heerkii ugu xumaa Mudo 17 sano ah. Markaa Maxaa u Diiday Dadweynaha Reer P/land Oo Iyagu isu Jeeda in ay Yeeshaan Dareen Wadaninimo??
Calaacalka Kab iyo Lax Part (2)
Moderators: Moderators, Junior Moderators
-
Hidden_Treasure
- Posts: 248
- Joined: Tue Aug 22, 2006 10:18 am
- Location: Brag
- Contact:
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 801 Views
-
Last post by Hidden_Treasure
-
- 0 Replies
- 459 Views
-
Last post by Hidden_Treasure
-
- 0 Replies
- 343 Views
-
Last post by Hidden_Treasure
-
- 3 Replies
- 448 Views
-
Last post by Skippa
-
- 3 Replies
- 386 Views
-
Last post by galia
-
- 10 Replies
- 1014 Views
-
Last post by LiquidHYDROGEN
-
- 0 Replies
- 255 Views
-
Last post by Bohol iyo karaman
-
- 0 Replies
- 212 Views
-
Last post by Diyeeshaha_Tolka
-
- 43 Replies
- 31916 Views
-
Last post by American-Suufi
-
- 5 Replies
- 2618 Views
-
Last post by Voltage