Qaar ka mid ah beelaha SOomaliyeed oo qeylo dhaan xogan ay ka soo yeereyso.
----- Posted to the Web Sunday 15 July, 2007 -----
Qaar ka mid ah beelaha Soomaaliyeed ayaa qeylo dhaan aad u xoog badan ay ka soo yeereysaa, iyada oo beelaha qaarkood ay eedeyn u jeedinayaan guddiga qaban qaabada shirka.
Khadiijo Maxamed Diiriye oo ka mid ah xildhibaanada golaha baarlamaanka federaalka kmg-ka SOomaaliyeed, kuna sugan magaalada Nairobi ayaa sheegtay in guddiga qaban qaabada ay shirka habkii loogu talo galay ka wareejiyeen, iyada oo sheegtay in Beesheeda Yaxar oo ka mid ah point five-ka laga reebay shirka.
Maxamed Cusmaan Maye oo isna xildhibaan kale ah ayaa sheegay in gudoonka shirka uu qabiil ku dhisan yahay, ayagana ay sida ay doonaan ay ka yeelayaan xubnaha ka qeyb galaya shirka.
Beesha Sade ayaa sheegtay in shirka aaney manta ka qeyb galeen, iyaga oo sheegay in xubnihii Sade ee Jubooyinka aan shirka laga qeyb gelin, sidaas darted ay iyaguna qaadaceen shirka.
Beesha Sheekhaal Reer Aw-Xasan oo Ugaaskooda uu la Hadley saxaafada ayaa sheegtay in gudoonka shirka ay wax is daba mariyeen.
Ergadii beelaha digil iyo Mirifle uga qeyb geli lahayd shirka ayaa qaadacdey ka qeyb galka shirka, kadib markii wax laga bedelay xubnihii shirka ay u soo dirsan lahaayeen, inkastoo markii dambe la xaliyay taasi, ayna sheegeen in ay berito haddii gaadiid ay helaan u soo ambabaxayaan xarunta shirka.
Beelaha qaarkood ayaa ka cabanaya gaadiidkii daabuli lahaa oo aan lo soo dirin, halka beelaha kalena ay ku doodayaan in fara gelin lagu sameeyay xubnihii shirka ay u soo dirsan lahaayeen.
Mohamed Ali Madka
Muqdisho-Somalia
Qaar ka mid ah beelaha SOomaliyeed oo qeylo dhaan xogan ay k
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
- Hiiraan boy
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 4756
- Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
- Location: California
- DawladSade
- SomaliNet Super
- Posts: 13940
- Joined: Fri Apr 22, 2005 9:38 pm
- Location: Xornimo
Re: Qaar ka mid ah beelaha SOomaliyeed oo qeylo dhaan xogan ay k
[quote]Beesha Sade ayaa sheegtay in shirka aaney manta ka qeyb galeen, iyaga oo sheegay in xubnihii Sade ee Jubooyinka aan shirka laga qeyb gelin, sidaas darted ay iyaguna qaadaceen shirka.[/quote]
Beesha Sade siyaasad class waa inay soomaali u furto.

Beesha Sade siyaasad class waa inay soomaali u furto.


-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 1 Replies
- 433 Views
-
Last post by highclass
-
- 0 Replies
- 305 Views
-
Last post by IRONm@N
-
- 20 Replies
- 1293 Views
-
Last post by AbdiWahab252
-
- 0 Replies
- 299 Views
-
Last post by SomaliTycoon
-
- 10 Replies
- 1121 Views
-
Last post by ImamAhmed
-
- 3 Replies
- 551 Views
-
Last post by udun
-
- 0 Replies
- 272 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 1 Replies
- 491 Views
-
Last post by GAMES
-
- 5 Replies
- 722 Views
-
Last post by SomaliWarSavage