ugaaska murusade imaamka hiraab ugaaska xawaadle n digil boy

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

ugaaska murusade imaamka hiraab ugaaska xawaadle n digil boy

Post by Hiiraan boy »

(Muqdisho) Hoggaamiyeyaashii uga Caansanaa Dhaqanka Soomaalida oo aysan ka soo qeybgalin shirweynaha Beelaha Soomaalida



Inta badan Madaxda dhaqanka Soomaalida raga uga caansan ayaa ka baaqday ka qeybgalka shirka dib u heshiisiinta Beelaha Soomaalida ee shalay ka furmay Magaalada Muqdisho.

Imaam Maxamud Imaan Omar oo ah Imaamka Beelaha Hiraab ayaan ka soo qeybgalin furitaankii shirka, Ugaaska Beesha Ceyr ayaa isna imaan furitaankii shirka, Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif ayaa isna ka maqnaa madasha shirka.

Waxaa ka mid ah raga ilaa iyo hadda imaan madasha shirka Ugaaska Beesha Murusade, lamana oga sababta keentay in hoggaamiyeyaasha dhaqanka Beelaha Soomaalida uga mid noqon waayeen ergooyinka.

Mar aan arrrintaas wax laga weydiiyay Cali Mahdi Maxamed waa uu ka gaabsaday, balse Afhayeenka shirka C/raxmaan Shifti ayaa xaqiijiyay in ugaas kasta ama Imaam kasta uu soo dirsaday Wakiilo.

Marka aad eegto ergooyinka fadhiyay shirka kama aysan muuqan hoggaamiyaal dhaqan oo can ku ah Bulshada Soomaalida dhexdeeda.

Sidoo kale Malaaqyada Beelaha Digil iyo Mirifle raggii ugu caansanaa sida Malaaq Mukhtaar oo kale laguma arkin shirkan.

Dhinaca kale Ergooyinka ka yimid Puntland kama aysan dhex muuqan hoggaamiyeyaashii dhaqanka ee caanka ahaa.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”