BREAKING NEWS Iraq sais we captured 4 somali mujahids fighti

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

BREAKING NEWS Iraq sais we captured 4 somali mujahids fighti

Post by Hiiraan boy »

Dowladda Ciraaq oo sheegtay inay qabteen Rag Soomaali ah oo ka barbar-dagaalamayey Dagaalyahaannadda Al-qaacidada Ciraaq

Mugadisho, Isniin, Julaay 16, 2007 SMC

Dowladda Ciraaq, ayaa sheegtay inay gacanta ku hayaan Rag Soomaali ah oo qeyb ka ah in ka badan 2,000 – oo dagaalyahanno shisheeye ah oo xubno ka ah Kooxaha Argagixisadda ee dagaalladda ka wada gudaha dalka Ciraaq,

Wargeyska Asabaax ee ka soo baxa dalka Ciraaq, ayaa waxa uu maanta qoray inay Wasaaradda Arrimaha Gudaha shaacisay inay gacanta ku hayaan 2,489-qof oo Jinsiyaddo kala duwan u dhashay, kuwaasi oo xubno ka ahaa kooxo Argagixiso ah oo hawlgallo ka waday gudaha dalka Ciraaq.

Agaasimaha Taliska Waddaniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalka Ciraaq, Jeneral C/kariim Al-khalaf oo Wareysi siiyey Wargeyska Asabaax, ayaa sheegay in Kooxaha Argagixisadda shisheeyaha lagu fulin doono xukunno caadil ah, wuxuuna sheegay inay Ciraaqiyiintu handadaadyo kala kulmayaan Kooxaha tiradda badan ee hubeysan, oo uu sheegay inay taabacsan yihiin Ururka Al-qaaacida.

Jeneral Al-khalaf oo Shalay Suxufiyiinta kula hadlay Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee magaalladda Baqdaad, ayaa sheegay inay hayaan tiro badan oo Dagaalyahanno Carab ah, oo qaarkood la maxkamadeeyey, halka kuwa kalena ay Xukun-sugayaal yihiin, wuxuuna soo bandhigay Liiska magacyadda dadka la hayo iyo dalalka ay ka soo kala jeedaan.

Mar uu ka hadlayey Dagaalyahannadda Soomaalida ee lagu qabtay iyagoo ka barbar-dagaalamyo Kooxaha hubeysan ee ka dagaalamayo gudaha dalka Ciraaq, waxa uu sheegay inay gacanta ku hayaan 4-nin oo u dhalatay dalka Somalia, iyadoo saddex ka mid ah la maxkamadeeyey, halka midka kalena uu weli Xukun-suge yahay, laguna hayo Xabsiyadda qarsoon ee Wasaaradda Arrimaha gudaha ee dalka Ciraaq..

Sarkaalka, wax faahfaahin ah kama bixinin magacyadda raggaasi iyo Xukunka lagu riday iyo qaabkii ay ku soo galeen dalka Ciraaq, mana kala cadda inay raggaasi xubno ka yihiin Kooxaha la safan Ururka Al-qaacida ee ka dagaalamayo gudaha dalka Ciraaq iyo inay qeyb ka yihiin Jaalliyadda Soomaalida ee fara-ku-tiriska ah ee ku go’doomay dalka Ciraaq, markii Dowladdii Saddaam Xuseen xilka laga tuuray sannadkii 2004-tii.

Dhinaca kale, Agaasimaha Taliska Waddaniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalka Ciraaq, Jeneral C/kariim Al-khalaf, waxa uu sheegay in guud ahaan Dagaalyahannadda Ajnabiga ee ay gacanta ku hayaan ay u kala dhasheen dalalka Urdun. Suurya, Masar, Algeria, Sacuudiga, Moroko, Yeman, Somalia, Falastiin, Liibiya, Suudaan, Imaaraadka Carabta, Lubnaan, Kenya, Eriteria, Afganistan, Iiraan iyo Pakistan.

Jeneral C/kariim Al-khalaf, waxa kaloo uu sheegay inay jiraan Dagaalyahanno kale oo la xukumay iyo kuwo aan la xukumin oo u kala dhashay dalalka Holland, Faransiiska, Britain, oo asalkoodu yahay Carab iyo kuwo kale oo u kala dhashay dalalka Tanzania, Sri Lanka iyo Nepal.

Warbixinta ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalka Ciraaq, waxaa kaloo lagu sheegay in 4,500-dagaalyahanno shisheeye ah lagu dilay hawlgalladda ay Ciiddamadda Dowladda Ciraaq iyo kuwa Isbahaysiga shisheeyaha ee ku sugan gudaha dalka Ciraaq, wuxuuna dhinaca kale sheegay in in ka badan 1,000-dagaalyahanno Ajnabi ah ay ku geeriyoodeen hawlgallo Is-miidaamin oo ay isku qarxiyeen.

Somaliweyn Media Center (SMC)
Muqdisho Somalia
User avatar
Biif Baaf
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 463
Joined: Thu Oct 12, 2006 10:42 pm

Re: BREAKING NEWS Iraq sais we captured 4 somali mujahids fighti

Post by Biif Baaf »

I can bet you...these guys they supposedly captured are either refugees or migrant workers in Iraq, who were caught up in the violence.

Every dabadhilif government is leaning backwards to please America even by capturing foreign refugees as "terrorists".

Iraq is focked anyways...the Congress voted to pull out American troops by May 2008.

The dabadhilif government will be destroyed in a matter of hours...can't wait!
User avatar
Brav3Heart
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 668
Joined: Sat Jul 14, 2007 10:30 pm

Re: BREAKING NEWS Iraq sais we captured 4 somali mujahids fighti

Post by Brav3Heart »

Somali the dumbest people on this planet

They're own country in a mess and they go to Iraq to fight.

Since they like traveling I hope they enjoy their stay at Guantanamo Laughing
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”