Page 1 of 1

TFG Minstery of Health in SOOL and South Togdheer

Posted: Mon Jul 16, 2007 1:08 pm
by Executive
Xamar is in a mess and so are TFG priorities, If they want to do good, they should help those who need it the most at the moment

_________________________________________________________________

http://www.jidbaale.com/fullpage.php?ss ... c615c4a30f

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Caafimaadka DFKS Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Yimi Magaalada Laascaanood.



Jul 16, 2007 By: Jidbaale.com

Laascaanood(Jidbaale.com);-Waxaa saaka yimi magaalada Laascaanood wefti uu hor kacayo Agaasimaha Wasaaradda Caafimaadka ee DFKG, Maxamed Xirsi Ducaale,kuwaasi oo kormeero ku tagay xarunaha Caafimaadka ee Degmada.



Agaasimaha guud ee wasaaradda Caafimadka ee Dawlada Federaalka waxaa uu sidoo kale warbixino kala duwan ka dhagaystey y mas'uuliyiinta Caafimaadka ee Goobolka oo uu ugu horeeyo Dr Muuse Geelle.

Masuuliyiinta Caafimaadka ee Gobolka Sool ayaa warbixin waafiya ka siiyey waftiga xaalka guud ee Gobolka gaar ahaan dhinaca Caafimaadka,iyagoo u sheegay waftiga in guud ahaan Gobolka Sool aysan joogin wax Hay'ado ah..

Agaasimaha guud iyo waftigii uu hogaaminayey ayaa galabta u gudbay dhinaca Buuhoodle,halkaasi oo ay iyadana warbixino la xidhiidha dhinaca Caafimaadka ka soo qaadan doonaan.

Waftigan ayaa noqonaya kuwii ugu horeeyey ee ka socda DFKS oo booqasho hawleed ku yimaada Gobollada Sool iyo Cayn.



Jidbaale.com