Habar Gidir is Dead (Special Waagacusub Report)

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
DawladSade
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13940
Joined: Fri Apr 22, 2005 9:38 pm
Location: Xornimo

Habar Gidir is Dead (Special Waagacusub Report)

Post by DawladSade »

habar gidir waking upto what all Darood knew, that in the last 16 years habar gidir lived off of the mistake of a gullible hawiye in 1991 that gave them control of all the tax producing areas to set a cycle for finance. darood always knew it took one chance to make you lose your grip of the tax producing areas to vanquish habar gidir and set them back to raxanweyn power level they had pre-1991 with a wide vigilant and angry abgaal never letting them you use them again Laughing Laughing Laughing Laughing Laughing Laughing

Diiradda WC:- Israaca Mudulood+isnacaybka Madarkicis+Aamusnaanta Murusade+ is iloowsiinta Xawaadle-ilinta tirada yar=0.

Muqdisho , Axad, July , 15 , 2007 Waagacusub.com

Shanta ilmo dahabo toolmoon ee ku abtirsada beesha Madarkicis oo sanado badan miisaan siyaasadeed,mid dhaqaale iyo gaashaandhig ku lahaa masraxa muuqaalka beelaha Soomaaliyeed ayaa labadii sano ee la soo dhaafay u muuqanayay kuwa miisaankooda sii yaraanayo ,iskana indha tirayo iska daweeynta cudurka ay la tiicayaan ee halista badan,waxayse iminka baraarugayaan sida qof hurda ku jiray sanado badan kadib xilli cudurkii ay daweyntiisa ay is hilmaamsiiyeen uu galaaftay unugyadda difaaca jirkooda sida siyaasadda iyo gaashaandhigga oo ka mida sedexda lafdhabarka u ah nolosha beelaha Soomaaliyeed kuwooda dhinaca halganka iyo ilbaxnimada lagu tiriyo.

Beesha ilma dahabo toolmoon ee Madarkicis oo wixii ka dambeeyay markii xukunka laga riday kacaankii 21-ka sano loogu yeeri jiray beesha toban kunleey ( 10.000) safka horena kaga jiri jirtay beelaha ugu gaashaandhigga badan Hawiye ,waxay awoodoodii Melleteri cuntay laba mar oo eedooda loo tiriyo shantooda beelood marka laga reebo beesha Tacab ku nool ee Saruur ,waxaase marka dhan walba laga roga masuuliyada waxa dhacay oo dhan u sababa labada beel ee Sacad iyo Cayr ( Tiro kunool iyo Tayo ku nool)

Inkastoo aysan muhiim ahayn inaan farta ku fiiqno ficilada garasho xumida ee ay ku kaceen hogaamiyaal huwan magaca labada beel hadana waxaan la iska indha tiri Karin in Beesha Cayr oo kaashaneyso labada beel ee Talo ku nool reer Xaaji Saleebaan iyo Tigaad ku nool adeerka afarta Habargidir ee Duduble ay barqo gaashaandhigii Sacad ugu magac dareen qaniimo kuna wareejiyeen Abuu Maansuur RRA iyo Xasan Turki ONLF.

Dabcan tiiraanyo badan lagama muujin in hubkii beesha loo xaraasho Afmadoow iyo Xudur laakiin taasi utun iyo cuqdad ayay gelisay beesha Tayo ku nool Sacad mana jirin garaawshiyo ay ka bixiyeen Ilmo dahabo toolmoon,taasina waxay sababtay in mar kale gaashaandhigii beesha u haray lagu qaniimeeysto magaca argagixiso taas oo sabab looga dhigi karo beesha Tayo ku nool ee Sacad oo Bandiiraadley ka soo horkacday Xabashi.

Isnacaybka dilooday difaaca Madarkicis wuxuu ugu dambeeyn mira dhalay,Xasan Dahir,Indhacadde iyo ragii kale oo maciinsaday kudhaa,Xuseen Caydiid oo markii la isticmaalay kadib loogu yeeray nin aan Normal ahayn,Cabdi Qaybdiid oo ku nool”run ha sheegin beena ha sheegin,waxaad sheegtana ha waayin”( Isdabaalin aan dabaqabashadeeda kalsooni badan lahayn) Jeneral Cali Xaashi Baraale ,Maxamed Deylaaf,Dr Culusow,Cali iimaan Sharmaarke,Xuseen Cirfo iyo Goobaale oo sida Ari’ la isugu xir xiray dabadeedna bulshada la dhex marsiiyay iyadoo aysan jirin dimbi ay galabsadeen. jiid jiidid dheer kadib la dhigay xabsiga.la iskana sii daayay cudur daar la’aan.

Cabdi Qaasim Salaad Xasan oo soo maray Madaxweyne heer Qaran ayaa gurigiisii la baartay,Cismaan Caato oo mar la tiriyay inuusan jirin siyaasi isku dimida iyo kala daadinta kaga horeeya ayaa la fagtay dabadeedna ,xabsi guri lagu geliyay Baydhabo .

Way garwaaqsadeen dhab ahaantii beesha Madarkicis inaysan awood gaashaandhig lahayn balse hadana way yaqiinsadeen inaysan awood siyaasadeed lahayn oo ugu dambeeyn waxay arkayaan shaxda cusub ee kala dilka sedexda debi ee midka Cad,Madoow,Cas.

Dabinka Ciribtirka jiritaanka Hawiye iyo Aargoosiga qorsheeysan waxaa ka laab xaaran hogaamiyaasha Beesha Mudulood oo israac lagu farxay sameeyay si ay u cirib tiraan Habargidirta ,waxaa ka jaajuus iyo nacaba, far ama laba far oo huwan magaca beesha Sacad,laguna seexiyo wada dhalasho Mudug iyo Isbahaysi Mudug oo aargoosi astaan looga dhigay,waxaa ka aamusan beesha Murursade oo talanka toowfiiqsigeeda wali soo tufi la,waxaa is iloowsiinaya beesha Xawaadle oo sambuuskii afar geeska ee Cali Cabdilahi Cosoble u diray Cabdilahi Yusuf wali la wada baadi goobaya.

Beesha Madarkicis way aragtaa in Gaashaandhigii iyo Siyaasadii lagala wareegay,wayna arkaan in loo socdo dhaqaalahooda Bakaaro oo noqonaya unugii ugu dambeeyay ee difaaca jirkooda sidaas daraadeed waxay iswaydiintu noqoneysaa Ilmo dahabo toolmoon ma waxay ku mashquulayaan Jagooyinka iyo raaca tixan ee Beesha Mudulood ,mise waxay ku hoowlgalayaan Cilmiga halaguu dhigee,caqliga kaashabaa la yiri”

Dhab ahaantii way jirtaa buun buunin barabagaan huwan oo ku badan beelaha Sacad iyo Cayr,ujeedkeeduna yahay isku soofeeyn lagu sheego inay colaad gaamurtay tahay laakiin marka dhinac kale laga eego waxaa wax kama jiraan noqonaya kuwa qaba inay colaadi dhexmartay Sacad iyo Cayr waayoo marka sida ay tahay loo tilmaamo Madarkicis baa dawaqsan ee Cayr Xasan Dahir maaha Sacadna Cabdi qaybdiid maaha ee labada iyagaa Sacad iyo Cayr ah,waxaase muhiima inay beesha toban kunleey fahamto qatarta iyo boowdyaheeda qaawan ee sanadka la saaxiibka noqday.

Xeeldheerayaal badan ayaa xalka beesha Madarkicis u arko iyaga oo caqligooda isugu geeyo si ay maamul la mida kaga sameeystaan degaanka ay gaarka u leeyihiin laga soo bilaabo koofurta,Gaalkacyo,Hobyo,Dhuusomareeb.Xarardheere,Cadaado,Matabaan,Guriceel iyo inta kale ee ciida ka badan,xitaa waa doow sida la aaminsan yahay hadii ay taageeraan oo ku toowfiiqsadaan Maamul goboleedka uu hogaamiye diblomaasiga beeshinkaa ee aamusnaanta badan Maxamed Warsame Kiimiko.

Fariinta ilinta tirada yar ee beesha Ilmo Dahabo toolmoon waxay leedahay ,isnacaybka aan micnaha badan lahayn ee Cayr iyo Sacad halka uu taagan yahay halooga hortago oo hogaan mideeysan u duubta,hadii kale waxaad horseedi kartaan halaag Hawiye,hadaba mar hadaan hore lixda Xaraf ee Hawiye ku sheegnay,Halgan Joogtaa,Aargoosi joogtaa,Weerar joogtaa,isnacayb joogtaa,yaab joogtaa eber joogtaa,waa inaan qormadeena xigto ku soo qaadano beesha toban kunleey iyo tafsiirkeeda sanadka. Waxaanse qaar ka mida Jaaliyadaha dibada jeclaan lahaa inaan waydiiyo ma fahamteen micnaha beesha toban kunleey,hadey jawaabtu haa tahay bal cabiroo shanta ilmo dahabo toolmoon beeshee la gudboon inay googol wada tashi iyo is cafin dhigto oo googol xaarto.

Ku soo dir fikirkaada Waagacusubonline@yahoo.com hadii aad ka mid tahay Ilmo dahabo toolmoon si taladaada loo baahiyo.

Fiiro gaara,waxaanu soo qaadan doonaa,.israaca Mudulood sida uu muhiim u yahay iyo shakiga ku xeeran ee dhinac kale tiiraanyo sababi kara.
User avatar
AbdiWahab252
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 56715
Joined: Mon Jul 14, 2003 7:00 pm
Location: Unity. Strength. Capital.

Re: Habar Gidir is Dead (Special Waagacusub Report)

Post by AbdiWahab252 »

DS,

You are not HG so it shouldn't concern u.

Just keep an eye on the Col. Cigaal and his proMajeerten Wargadhac Laughing
User avatar
DawladSade
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13940
Joined: Fri Apr 22, 2005 9:38 pm
Location: Xornimo

Re: Habar Gidir is Dead (Special Waagacusub Report)

Post by DawladSade »

Abdihutu you would love to know inter-Mareexaan business. Keep saying Abdi Cigaal is pro-Hawiye once, and pro-Majeerteen next. Laughing Cabdi Cigal got his ass whupped by Barre Hiiraale but nigga is always pro-Marehan. Laughing


But this is a serious discussion don't you say? Mr. Green
User avatar
AbdiWahab252
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 56715
Joined: Mon Jul 14, 2003 7:00 pm
Location: Unity. Strength. Capital.

Re: Habar Gidir is Dead (Special Waagacusub Report)

Post by AbdiWahab252 »

Nah,

Cabdi Cigaal is a wise man.

Wargadhac needs to stand up to Rer Dalal oppression.
User avatar
DawladSade
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13940
Joined: Fri Apr 22, 2005 9:38 pm
Location: Xornimo

Re: Habar Gidir is Dead (Special Waagacusub Report)

Post by DawladSade »

Who is reer Dalal? Laughing Laughing Laughing
xoogSADE14
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 14602
Joined: Wed Oct 27, 2004 4:08 pm
Location: Praying for peace in the south.

Re: Habar Gidir is Dead (Special Waagacusub Report)

Post by xoogSADE14 »

looooooooooooooool

DS

war ninyahow ileen meel walba ummada waad ku jiidaa?
User avatar
Voltage
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 29214
Joined: Tue Oct 23, 2007 11:33 pm
Location: Sheikh Voltage ibn Guleid-Shire al-Garbaharawi, Oil Baron

Re: Habar Gidir is Dead (Special Waagacusub Report)

Post by Voltage »

Xoogsade, tooshka meel kastaan ku shidaa baaruudkana meel an kala baqo majirto ina adeer Laughing Laughing
User avatar
Dr.Galbeyte.
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 866
Joined: Fri Oct 05, 2007 2:19 pm
Location: Sitting next to the grave of abwaan Jimcaale Jaamac Lugeey(AUN) in Wisil. ..wondering Why he did it.

Re: Habar Gidir is Dead (Special Waagacusub Report)

Post by Dr.Galbeyte. »

Bakhti baa tahay yaroow Laughing Laughing
User avatar
Voltage
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 29214
Joined: Tue Oct 23, 2007 11:33 pm
Location: Sheikh Voltage ibn Guleid-Shire al-Garbaharawi, Oil Baron

Re: Habar Gidir is Dead (Special Waagacusub Report)

Post by Voltage »

KK, heestaan ila qaad "meedeey Habar Gidir, meeeeedeeeeeey" Confused Laughing
User avatar
ultratribalism
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 596
Joined: Sat Feb 23, 2008 11:43 am
Location: Alshabab Khawaarij=The Dogs of Hellfire.
Contact:

Re: Habar Gidir is Dead (Special Waagacusub Report)

Post by ultratribalism »

Voltage wrote:KK, heestaan ila qaad "meedeey Habar Gidir, meeeeedeeeeeey" :? :lol:
:lol:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Mudug”