Mogadishu 18, July 07 ( Sh.M.Network)- Qaar ka mid ah sariflayaasha suuqa Bakaaraha ayaa ciidamada dowladda KMG ah ku eedeeyay in ay lacago ka qaateen, iyagoo dhinaca kale ka codsaday maamulka gobolka Banadir in ay ka shaqeeyaan amaanka suuqa.
Abshir Warsame Cali oo sheegay in uu ka mid yahay sariflayaal ciidamada dowladda ay lacago ka dhaceen ayaa waxa uu tilmaamay in shalay 4tii galabnimo ay ciidamo ka tirsan dowladda ugu yimaadeen goobtiisa isla markaana ay rasaas ku fureen dhamaan goobihii ganacsi.
Waxa uu sheegay in ciidamadaasi oo watay gaari ay ka qaateen 12 Million oo sh.som ah, isla markaana rasaastii ay fureen ay dhaawac u geysatay dad kale oo halkaasi ku sugnaa.
Waxaa isi soo taraya cabashada ka soo yeereysa ganacsatada suuqa Bakaaraha labadii todobaad ee la soo dhaafay oo suuqa ay fowdo ka wadaan ciidamada dowladda.
Shabelle Media Network Somalia
E-mail us: info@shabelle.net
________________________________________________________________________________
A mooryaan will always be a mooryaan. Rather than restore peace & stability, the Mbagathi mooryaan rob working people in Mogadishu, including women at suuqa sarifka
Is this the "government" everybody has been saying will restore order and bring back Somalia?
