Page 1 of 1

21 askari oo xijaabatay 34 kale oo Isbitaalada la dhigay

Posted: Thu Jul 19, 2007 6:39 am
by Hiiraan boy
Dowlada oo la xaqiijiyay inuu jab xoogan ka qabsaday Dagaalkii xalay ee Suuqa Bakaaro,warbixin gaara.

Sweden , Khamiis , July , 19 , 2007 Waagacusub.com


Ciidamada dowlada ee ay kala hogaaminayeen Nuur daqle iyo Cabdiqaadir Beebe ayaa la xaqiijiyay in dagaalkii xalay looga gubay laba gaari oo nuucoodu ahaa Cabdi Bile ayna saarnaayeen qoriga loo yaqaan dhashiika,waxaana sidoo kale qaar ka tirsan Ciidamadaas oo magacooda diiday ay Waagacusub u sheegeen inay ku waayeen 21 askari oo xijaabatay 34 kale oo Isbitaalada la dhigay.

“ Dagaalku wuxuu nagu ahaa afsaar,baasuukayaal iyo bambaanooyin ayaa mar qura dusheena ka qarxay,waxaana isla markiiba nagala gubay laba gaari ,dhimashada iyo dhaawacu way badnaayeen laakiin anigu waan isaga cararay oo waxaan u baqday dhinaca Hoowlwadaag”sidaas Waxaa Waagacusub ugu waramay mid ka mida askarta Dowlada ee ku sugnaa Suuqa Bakaaro qaybta Ganleeyda.

Dagaalka oo biloowday 2 saqda dhexe,waxaa uu gil gilay Magaalada Muqdisho oo dhan,waxaa ayna kooxaha Muqaawimada ku guuleeysteen inay ka saaraan ama ka sifeeyaan degaanka Bakaaro dhan,waxaase la yaab lahayd markii saakay Ciidamada Itoobiyaanka galeen,waxaa la waayay hal qof oo qori sita