Ammaanka Hargeysa ee Habeenkii soo Xumaanaya
Posted: Thu Jul 19, 2007 1:24 pm
Ammaanka Hargeysa ee Habeenkii soo Xumaanaya
Hargeysa (Jam)- Xaaladda ammaanka caasimadda Hargeysa ee xilliyada habeenkii, ayaa muddooyinkan dambe waxa aad ugu soo badanaya falalka budhcadnimada ah ee loo geysto dadka guryahooda u hoyanaya, falalkaas oo ay fuliyaan kooxo budhcad ah oo ku hubaysan mindiyo iyo budhadh, kuwaas oo koox-koox isu taaga jidadka xaafadaha dhexdooda iyo qaar ka mid ah laamiyada magaalada oo dadka lugaynaya u geysto dhaawacyo iyo baadhasho.
Ciidammada ammaanka ee ayaa inta badan ku eg goobo cayiman habeenkii, iyada dadka falalka budhcadnimada ah caadaystay oo dhallinyaro ay ka ugaadhsadaan meelo kala duwan oo ka mid ah caasimadda Hargeysa, gaar ahaan saacadaha socodka dadku yaraado iyo fiid-horaadka saxmaddu badan tahay, iyada oo inta badan falalkaasi dhacaan wixii ka dambeeye 9:00 cawaysnimo.
Inkasta oo magaalada Hargeysa ammaankeedu aad u fiicnaa, balse ay hore u jireen falal tuugo qarsoon ah oo inta badan lagu bartilmaameedsado lacagaha, alaabooyinka iyo telefoonnada gacanta lagu qaato ee mobile-ka, falalkaas oo u muuqda kuwo isa soo tarayey, ayaa waxa haatan ku soo biiray falalka budhcadda hubaysan ah ee ay kooxaha dhallinyarada ahi kaga ugaadhsadaan jidadka xaafadaha magaalada, kuwaas oo ah khatar culus oo soo foodsaartay xaaladda ammaanka Hargeysa, isla markaana shacbiga ku beeray werwer iyo cabsi xoog leh oo ay ka qabaan socodka habeenkii.
Kooxaha budhcadda ah ee habeenkii dadka baadha oo jidadka isu taaga koox-koox, ayaa ah kuwo aan inaba wax dareen cabsiyeed ah ka qabin ciidammada ammaanka, gaar ahaan marka la eego meelaha ay ka fuliyaan falalka baadhashada ah oo intooda badani aan ka durugsanayn xarumaha ciidanka boolisku ku leeyihiin xaafadaha magaalada.
Sida oo kale, waxa kooxahaas budhcadda hubaysan ee habeenkii dadka baadha ku soo biiray tuugo ay fuliyaan qaar ka xirfad, farsamo iyo khibradba kaga horreeya noocyadii tuugada ee hore Somaliland loogu arki jiray, kuwaas oo intooda badani ka yimi Itoobiya iyo Soomaaliya, isla markaana u xada lacagaha iyo alaabooyinka ay ka mid yihiin mobile-ka oo si xawli ah ugu fiday guud ahaan dadka reer Hargeysa, arrintaas oo sababtay in si weyn suuqyada loogu arko iibka mobile-da baaliga oo ah kuwo intooda badan la soo xaday, kana jaban kuwa cusub.
Tuugooyinka fudud ee maantii suuqyada ka dhaca, ayaa lagu bartilmaameedsadaa haweenka magaalada ka soo adeeganaya, meheradaha ganacsiga iyo dadka baabuurta wata oo mid ka mid ah tuugtu daaqadda kala hadlo qofka gaadhiga wata, mid kalena daaqadda kale ka qaato shaygii indhiha tuugadu ku maqnaayeen. Sida oo kale, meheradaha qaarkood ayey tuugtaasi intay alaab ka baayacaan, isla markaana qofka meherada iibinaya u diraan alaab shalafka sare saaran, ayaa marka qofku jeesto kala cararaan shay ama dhawr shay oo ka mid ah alaabtii dukaanku iibinayey, taas oo inta badan ku dhacda meheradaha mashquulka ah ama qof keli ahi joogo. Waxa kale oo jira tuugo casri ah oo ay xaafadaha dhexdooda ka fuliyaan, iyaga oo inta ay guryaha is-hortaagaan dadka guriga deggan ku yidhaahda dhibaato ayaa igu dhacday ee ii dhiiba mobile aan cid ugu qayshado, kadibna inta uu qofku run ka moodo u dhiibo, dabadeedna uu la baxsado.
Sida oo kale, waxa iyaguna beryahan dambe soo badanaya tuugta habeenkii guryaha u dhaca, gaar ahaan xilliyada la hurdo, fiidadkii iyo subaxnimada marka guryaha laga baxo.
Inkasta oo ciidammada ammaanka oo duruufo badan oo nololeed haystaan itaalkooda dadaalaan, haddana arrimahan ayaa ah kuwo u baahan hawlgallo muhiim ah oo ay xukuumadda Somaliland oo kaashanaysa shacbigeedu ku qaadaan la-dagaallanka iyo ka-hortagga falalka budhcadda iyo tuugada ah ee ku soo badanaya caasimadda Hargeysa, kuwaas oo horseedi kara xaalad nabadgelyo-darro culus ah oo ku baahda guud ahaan magaalada.
Meelaha ugu daran ee ay budhcadda hubaysani habeenkii dadka ku baadhaan waxa ka mid ah agagaarka suuqa Gobonimo, xaafadaha Daruuraha, Idaacadda, Cabbaaye iyo Jigjiga-yar, iyada oo ay jiraan meelo kale oo ay kooxaha budhcadda ahi ka fuliyaan falalka baadhashada ah.
Inkasta oo marar badan xabsiga loo taxaabo shaqsiyaad caadaystay falalka tuugada iyo budhcadda ah, haddana waxa badi ku soo baxaan saamaxaadda ciidaha ee Madaxweynuhu u fidiyo maxaabiista ku jirta jeelasha dalka, markasta oo saamaxaadi dhacdana badi magaalooyinka waaweyn ee Somaliland waxa aafeeya falalka jebinta guryaha, meheradaha ganacsiga iyo baadhashada badheedhka ah ee dadka lugta ah, sidaa darteed waxa loo baahan yahay in dadka la cafiska loo fidinayo aan lagu darin maxaabiista u xidhan falalka tuugada ah.
Jamhuuriya Online
walaahay imikay meeshu magaalo noqotay, ku-wiinan summer time kii holiday hrg to tagaya lol, idinkoo 21 stiches le baydun soo noqon lol