Qaraxyo iyo rasaas culus oo caawa fiidkii ka dhacay agagaarka Shirkole ee Muqdisho
Click here to find this article in English
Mogadishu 20, July 07 ( Sh.M.Network)- Qaraxyo dhowr ah iyo rasaas culus ayaa caawa fiidkii laga maqlay agagaarka Rugtii hore ee saraaakiisha iyo xeradi hore ee guulwadayaasha ee degmada Hodon ee magaalada Muqdisho, iyadoo wali aan la ogeyn qasaaraha ka dhashay qaraxyadaasi.
Sida uu Shabelle u sheegay Goobjooge la yiraahdo Timo Jilac, Ilaa 5 bam gacmeed waxa u eg ayaa lagu weeraray caawa abaaro 6:45 Pm meelo ku dhow xarumaha shirkole iyo Guulwadayaasha, halkaasi oo fariisin ah ciidamada Ethiopia, iyadoo qaraxyada ka dib ay dhacday tacshiirado xoogan oo socday daqiiqado, waxaana tacshiiradaasi ay dhex martay ciidamada Ethiopia iyo kooxii soo weeraray.
Goobjoogaha ayaa intaasi ku daray in dadka deegaanka ay ka walwalsan yihiin waxa dhacay, iyagoo cabsi ka muujiyay in ciidamada Ethiopia ay xaafadaha u soo galaan.
Weerarkaan ayaa qeyb ka ah weerarada ka dhanka ah ciidamada dowladda iyo kuwa Ethiopia ee inta badan ka dhaca caasimadda Somalia, iyadoo horey ay u dhaceen weeraro iyo qaraxyo badan oo la aaminsa yahay in ay ku nafwaayeen in ku dhow 100 ruux oo badan dad rayid ah 30 kii malmood ee la soo dhaafay.
Wixii ku soo kordha kala soco wararkeena dame ama haka dheeraan shabelle.net
Click here to find this article in English
Shabelle Media Network Somalia
E-mail us: info@shabelle.net
BREAKING NEWS Qaraxyo iyo rasaas culus oo caawa fiidkii ka d
Moderator: Moderators
- Hiiraan boy
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 4756
- Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
- Location: California
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 292 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 31 Replies
- 1470 Views
-
Last post by The_Patriot
-
- 4 Replies
- 619 Views
-
Last post by xisaabiye1
-
- 10 Replies
- 645 Views
-
Last post by new-york24
-
- 0 Replies
- 328 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 0 Replies
- 325 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 0 Replies
- 1156 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 0 Replies
- 246 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 0 Replies
- 432 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 2 Replies
- 847 Views
-
Last post by Knight of Wisdom