Page 1 of 1

HAYBAD WAXAAD KO LEEDAHAY DHULKAAGA......

Posted: Sat Jul 21, 2007 5:00 am
by HELWAA
calankaagu waa hibo
sharaf kugu hagoogane
ciidaadu waa hodan
aad ku haqab beesho
waa haleelo dihinoo
hor weyn kuu irmaano
aad ku hiiranaysee
haybad waxaad ku leedahay
dhulkaaga hooyo
waana lama huraane
hagar li wax ugu qabo
hantiyeey macaan
waa midaan hoy
lagaa odhane helayoo

hanfiyo kulayliyo
baraf maleh dhulkeeniyu
inagaa haleynoo
soomaliyeey hoy
hoodaale weeyaan
deegaankiisa hodanka ah
loo wada hamuumee
haybad waxaad ku leedahay
dhulkaaga hooyo
waana lama huraane
hagar li wax ugu qabo
hantiyeey macaan
waa midaan hoy
lagaa odhane helayoo

Sad WALLE WAA RUN DHULKAAGA AYAAD HAYBAD IYO SHARAF KO LEEDAHAY.

Re: HAYBAD WAXAAD KO LEEDAHAY DHULKAAGA......

Posted: Sat Jul 21, 2007 5:13 am
by ciyaal_warta
dammn rite..thnx for sharin the lyrics Cool

Re: HAYBAD WAXAAD KO LEEDAHAY DHULKAAGA......

Posted: Sat Jul 21, 2007 5:24 am
by Qumanyoo
my soonnggg! .. cheers rose