Mogadishu 21, July 07 ( Sh.M.Network)- Hal qof oo rayid ah ayaa ku dhaawacmay rasaas ay fureen ciidamo ka tirsan dowladda oo dhac ka geystay suuqa Manabolyo ee degmada Shibbis ee mahaalada Muqdisho, iyadoo mid ka mid ah ciidamadasina gacanta lagu dhigay.
Sida uu Shabelle u sheegey Goobjooge la yiraahdo Muxudiin Xasan, ilaa 4 ka mid ah ciidamada dowladda kuwa xiran tuutaha cadka ayaa rasaas la soo beegsaday suuqa Qaadka ee Manabolyo, halkaasi oo ay ka dhaceen Hal Marduuf iyo bar.
Ganacsatada qaadka ayaa durbo ku wargalisay ciidamada booliska, iyadoo ciidamada booliska ay eryadeen ciidamadii kale oo mid ay ka soo qabteen halka 3 kalena ay ka baxsadeen halkaasi.
Warka ayaa waxa uu intaasi ku darayaa in midkii la qabtey macal qorigiisa loo gudbiyay qeybta booliska ee isgoyska Jubba, halkaasi oo lagu xirey.
Waa markii ugu horreysay oo ciidamada booliska dowladda ay soo qabtaan ciidamo Militari ah oo dhac u geystay dad ku ganacsanaya suuq ku yaala Muqdisho.
Shabelle Media Network Somalia
E-mail us: info@shabelle.net
________________________________________________________________________________
Abgaal mooryaan + Majerteen mooryaan= savagery!

Where are the Mbagathi supporters?