Mbagathi Militia & Tigre Troops Abduct People From A Hospita

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
Biif Baaf
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 463
Joined: Thu Oct 12, 2006 10:42 pm

Mbagathi Militia & Tigre Troops Abduct People From A Hospita

Post by Biif Baaf »

Last Updated Sun, July, 22 2007, 11:20 am--Mogadishu Somalia
Ciidamada Dowladda iyo kuwa Ethiopia oo saakay dad dhaawac ah kala baxay Isbitalka Shiffo.

Mogadishu 22, July 07 ( Sh.M.Network) Ciidamada Ethiopia oo ay wehliyaan kuwa dowladda ayaa maanta kala baxay isbitalka Shifo qaar ka mid ah dhaawacyadii yaalay Isbitalka iyo dadkii kale oo la joogay dhaawacyada.

Dadka dhaawaca ah oo ay ka xeysteen ciidamada Ethiopia iyo kuwa dowladda ayaa tiradooda gaareysaa ilaa 10 ruux oo 5 mid ah ay ahaayeen dad caawinayay dhaawacyada sida uu shabelle u xaqiijiyay Goobjooge magiciisa ku soo koobay Xuseen.

Goobgjoogaha ayaa waxa uu sheegay in uu ku sugnaa meel Isbitalka dhowr talaabo u jirta markii ay imaanayeen ciidamada Ethiopia iyo kuwa dowladda, ka dibna ay isku gadaameen Isbitalka, deetana halkaasi ay isaga kala carareen dhamaan dadkii ku sugnaa.

" Waxaa ii muuqanayay ciidamada Ethiopia iyo kuwa dowladda oo garbaha ka haya ilaa dhowr qof oo aan ku qiyaasay 5 ruux oo ay sii saarayaan gaari" ayuu yiri Goobjoogaha.

Waxaa kale oo uu sheegay in mid kamid ah ciidamada dowladda oo uu wax ka weydiiyay arintaasi uu u sheegay in dadka ay wateen ay yihiin dhaawacayda kuwii la dagaalamayay ciidamada dowladda sida uu yiri Goobjoogaha.

Ciidamada Ethiopia iyo kuwa dowladda ayaa wali ku gadaaman goobtaasi oo ay ka wadaan baaritaano, iyadoo dadka iyo gaadiidka loo diiday in ay isticmaalaan wadada Isbitalka ee agagaarka Labo Dhagax ee magaalada Muqdisho.

Qaar ka mid ah dadka deegaankaasi oo uu la kulmay Wariye ka tirsan shabelle ayaa waxa ay sheegeen in ay ku adag tahay in ay u gudbaan xaafadahooda oo ay ka soo baxeen inta aaneey imaan ciidamadaan.

Click here to find this article in English

Shabelle Media Network Somalia
E-mail us: info@shabelle.net
________________________________________________________________________________

First it was mosques that they were kidnapping people from, now its hospitals, walee these mooryaan are getting desparate!
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”