There was a meeting in Villa Somalia between the TFG and Ethiopia where three members from all those clans were invited and 6 reps from Mareexaan.
[quote]saraakiisha Ethiopianku waxay kuu sheegayaan in la isla qiray in Maamulkii hore ee uu Madaxweynuhu Jubbada-Hoose u magacaabay uusan ahayn mid Beesha Sade la siiyay wixii ay xaqa u laheyd marka la eego dhinaca awoodda Beelaha Kismaanyo dega, taana ay sababtay dagaalkii kala jabshay Ciidankii qaranka.
Ayadoo uu kulankaasi qadada ah uu shalay ka dhacay HOTEL HAPPY ayaa hada waxaa saaka saacadan qudheeda uu kulan xasaasi ah uga socdaa Madaxtooyada Qaranka Wufuudii Beesha Sade ee shalay iyo Maaxweynaha Jamhuriyadda Mudane Yuusuf.
Waxaa kulankan saaka ergada Mareexaan ee lixda ah ku wehliya G/le Sare C/nuur Maxamed Faarax (Ananaati), Cabdi yare Garabroor, Bashiir Xassan Maxamed (Bashiir Calooley) iyo Dr. Qasim C/karim Cilmi Seed - wakiilka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee W. Ameerika oo isugu dhawaanba ku hawlanaa isku dubaridka iyo agaasimka shirka beelaha Jubbada-hoose si dhawna xiriir hufan ula lahaa madaxweynaha Jamhuuriyadda.
Waxaa sidoo kale manta furmay Shirka Beelaha Jubbada-Hoose ee ay dawladu sadex-sadexda ruux ka keentay beelaha deegaanka marka laga reebo Beesha Sade oo lix ruux laga keenay.[/quote]



