Top secret Meeting Between Kulmiye and Qaran !!!!!!!!!!!!!!!
Posted: Mon Jul 23, 2007 5:13 am
hadhwanaag 2007-07-21 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):- Hogaanada Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE iyo Urur Siyaasadeedka Qaran ayaa maanta shir-albaabadu u xidh-naayeen ku yeeshay Xarunta Xisbiga Kulmiye ee Magaalada Hargeysa.
Sida waxa shabakada Hadhwanaag u xaqiijiyey ilo u dhuun-daloola Xisbiga Kulmiye, waxaana la sheegay inay shirkaas kaga wadahadleen sadex qodob oo ay kaga tashanayeen aayahooda Siyaasadeed ee wakhtigan iyo kan fog-ba.
Kulankaa ay labada dhinac yeesheen Waxa Xisbiga Mucaaarid ah ee KULMIYE goob-joog ka ahaa Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo], oo ay wehelinayeen Masuuliyiin sar sare oo ka tirsan Xisbiga oo uu ka mid yahay Mohamed Cabdi Adan [Iskeerse, Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, Xaaji Cali Cabdi Saayiq, Mohamoud Dhool Dahable, Cismaan Cabdilaahi Cigaal iyo Mohamed Kaahin Ahmed.
Dhinaca Urur Siyaasadeedka Qaran waxa Shir-kaa albaabadu u xidhnaayeen madasha fadhiyey Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka Qaranka Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, oo ay wehelinayaan Gudoomiye ku-xigeenka kowaad Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, iyo Gudoomiye kuxigeenka labaad Jamaal Caydiid.
Waxaana la sheegay in shirkaas albaabadu u xidhnaayeen ay labada dhinac is-la soo qaadeen sadex qodob oo la sheegay inay kala yihiin:-
1. In danta Xisbiga iyo danta Shakhsiga ah mar-walba laga horaysiiyo tan guud.
2. In marka hore Mucaaridku is-weydiiyo, kana baraan dego in Doorashooyinka soo socdaa ku qabsoomayaan xiliyadoodii.
3. Sidii ay Mucaaridku iskugu duubnaan lahaayeen, maadaama Mucaaridku dhamaantii doonaayo is-bedel maamul oo kan hadda jira ka wanaagsan.
Sida ay tibaxayaan warar lagu kal-soon yahay inuu qorshuhu ahaa inay shirkaas mucaaridku u siman yihiin, oo labada Xisbi Mucaarid KULMIYE,UCID iyo Urur siyaasadeedka Qaran,laakin nasiib-daro waxa kulankaas ka soo xaadirin ayaa la sheegay Xisbiga Mucaaridka ee UCID lama sheegin sababta ay shirkaas uga baaqdeen.
Dhinaca kale, warar aan lagu kal-soonayn ayaa sheegaya sababta uu shirkaas uga baaq-day Xisbiga Mucaaridka ee UCID ay tahay iyaga oo aan isku wanaag-sanayn Urur Siyaasadeedka Qaraan maadama uu kulankaas qeyb ka yahay.