Mahad Nuux Muumin — Islamabad, Pakistan — 22 July, 2007
--------------------------------------------------------------------------------
MUJAHIDIINTISNMXOOGBAY KAGA SAREEN FAQASHTA GOBOLADA WAQOOYI WANAA TARIIKH QORAN.
Dhalashada iyo dhawaaqida SNM ay kaga dhawaaqeen mujaahidiintii tirade yarayd waxay ahayd mid shacbigu in badan ku dhololeen kana dhursagayeen dhalashadeeda, tan iyo intii uu dhicisoobay inqilaabkii Allah ha u naxariistee Xasan Keyd Horseedka ka ahaa. Waxay ahayd sannadkii 1981-kii markii dalkan Ingiriiska ay soo gaadheen niman aqoonyahano ah oo reer Somaliland, kuwaas oo intooda badani ay ka soo kicitimeen dalka Sacuudiga. Sababaha ugu waaweyn ee kalifay ragaasna waxay la odhan karaa waxay ahayd dhibaatadii ay dalka ku haysay xukuumadii Siyaad Barre iyo iyagoo ay u cuntami wayday xaalada dalkooda hooyo ka jirtay. Waxa haddaba 6-dii April, 1981kii, isugu yimid magaalada London ilaa 200 oo ruux oo reer Somaliland ah oo isugu jira aqoonyahano, siyaasiyiin, iyo qaybaha kale ee bulshada oo ka kala yimid daafaha dunidu. Kullankaasina waxa uu ka dhacay hoolka shirarka ee Conaut Rooms Hotel oo ku yaallay faras magaalada magalada London. Halkaasi oo dhidibada loogu taagay jabhadii xorreynta ee SNM ee dalka ka xoreyso taliskii nacabka ahaa ee Siyaad Barre.
Haddaba dadka qaar ayaa walaac ka muujiyay sida ay u adag tahay in dagaal hubaysayn lagala hor yimaado dowladii diktaatooriyada ahayd oo lagu tirin jiray waddamada ugu xoogga badan qaarada Afrika. Halka dad badan oo guddaha iyo dibedda dalka ku sugnaaba si aada oo kalsooni badani ka muuqato u soo dhaweeyeen.
Aasaaska SNM wuxuu ahaa mid si aada loogu farxay oo noqday naruuro iyo rajo iftiimaysa oo ay ku soo hirtaan dadka xaq u dirirka ahi. Doc kale haddii aynu ka eegnana ku dhawaqidii SNM waxay ku soo begantay xilli uu marayay meel daran cadaadiskii iyo cabudhintii talisku ku hayay shacbiweynaha reer Somaliland oo dadku si cad uga hor yimaadeen nidaamkiisii. Sidoo kale waxa iyana dalka ka jiray dhibaatooyinka dhinaca dhaqaalaha ah oo waxa xayiraad culus la saaray ganacsiga oo dad reer Somaliland ay xirfad dheeraada u lahaayeen iyagoo ka faa'iideysanaya xidhiidhki maayacmushtari ee ay la lahaayeen dalalka gacanka carbeed.
Shirkan xubnihii miiska fadhiyay ee ku dhawaaqay aasaasaka ururkii xorreynta ee SNM waxay ahaayeen.
1. Axmed Ismaaciil Dikhsi (Allah ha u naxariistee)
2. Xasan Aadan Wadaadiid
3. Maxamed Xuseen Yuusuf
4. Dr. C/Salaam Yaasiin
5. Maxamed Xaashi Cilmi
Abuuritaanka dhaqdhaqaaqa SNM wuxuu naxdin iyo niyad jab weyn ku noqotay kaligii taliyihii Siyaad Barre oo kaga jawaabay xadhig, dil, dhac iyo dulmigii uu dadka reer Somaliland ku hayay inuu sii laban laabo, taasi oo shiidaal u noqotay halgankii xorreynta.
Isla dabayaaqadii sannadkii 1981-kii ayaa waxa shir kale la isugu yimid magaalada London, kaasi oo lagu doortay guddoomiyihii ugu horeeyay ee Jabhadii SNM
Axmed Jimcaale Guuleed (Allaahu Yarxam) Guddoomiye
Axmed Ismaaciil Dikhsi (Xoghaye Guud)
Dr. C/salaam Yaasiin(Xog-arrimaha dibadda)
Xasan Adan Wadaadiid (Xoghayaha arrimaha siyaasadda)
Maxamed Xaashi Cilmi (Xog-arrimaha Guud)
Siciid C/llaahi Guuleed (Xoghayaha arrimaha guddaha)
Waxa iyana durbadiiba u gudbay dhinaca dalka Itoobiya saraakiil sar sare oo ciidanka ka tirsanaa oo ka mid ahaa aasaasayaashii garabkii milatariga ee SNM, kuwaas oo bud dhig u noqday ciidamadii xorreynta ee ugu horeeyay ee jabhadda SNM yeelato. Waxaana ka mid ahaa saraakiishaa Allah u naxariistee Muj. Aadan Sheekh Maxamuud (Aadan Shiine), Muj. Axmed Dhagax, Muj. Maxamed Cali iyo Muj. Maxamed Kaahin. Waxa iyana jirtay in isla sannadkaa lagu lagu toogtay Bariga G/Togdheer (Dharkeyn geeye) Allah u naxariistee Col. C/llaahi Siciid, taasi oo ka cadheysiisay saraakiil badan oo reer Somaliland ah.
Ururka xorreynta ee SNM wuxuu isla markiiba ku tallaabsaday horumar mug leh oo dhinaca kasta ah waxaanu fajaciso iyo amakaag ku riday ciidamadii ka amar qaadan jiray xukuumadii Siyaad Barre. Waxa haddaba xusid mudan marka laga tago mahadhooyinkii mujaahidiinta SNM ka geysteyn goobihii dagaalka ee la isku haleelay, hawgaladii guddaha dalka ay ka fulliyeen sida Jabintii jeelka Mandheera, furashadii Muj. C/llaahi Askar, dilkii taliyihii nabadsugida ee gobollka W/galbeed iyo kuwo kale oo badan. Hawgaladaasina waxay ku dhaliyeen ciidamdii Afweyne qalbi jab, argagax iyo in ayna u babac dhigi Karin xabadda xaq u dirirka, taasi oo dhinaca kalena kor u qaaday niyadii dagaalyahanka SNM.
Jabhadii SNM iyadoo ka duulaysa heshiiskii Itoobiya iyo Soomaaliya dhex maray ayaa waxay qaateen go'aan adag oo hal adaygnimo iyo kalsooni leh, waxayna weeraro ku eekeeyeen ciidamadii cadowga ee ku sugnaa Somaliland, halkaasna waxa ka bilowday dagaalkii guddo galka dalka 27kii May 1988kii, oo ugu danbayntii horseeday gobanimada iyo xorriyada dadka reer Somaliland maanta haysto.
Taariikhda ururka SNM maaha mid maqaalo lagu soo koobi karo balse waxay u baahan tahay in buugaaga iyo filimo badan laga sameeyo inta ay nool yihiin mujaahidiintii ka qayb qaatay halgankii xorreynta dalku.
Guud ahaanba intii SNM jirtay waxay yeelatay 5 guddoomiye oo si xor ah loo soo doortay, oo kala ahaa:
Muj. Axmed Jimcaale Guuleed (Allah Yarxam)
Muj. Sh Yuusuf Sh Cali Sh Madar (Allah Yarxam)
Muj C/qaadir Koosaar (Allaah Yarxam)
Muj. Axmed Maxamed Siilaanyo
Muj. C/raxmaan Axmed Cali (Alah ha naxariisto).
Dimuqraadiyada ururka SNM dhex diisa taallay ayaa ahayd mida gogol dhig u ahayd horumarkii, cududii milatari iyo guulihii mudda yar ururku sida dhakhsaha ah u gaadhay. Taasi oo ahayd mid cajiib ah oo lagu faani karo, waxay ahayd mid aan ka suurtagalin jabhadihii kale ee taariikhda dunida soo maray. Waxayna markii danbena tiirar iyo sal ay ku is taagto u noqotay Jamhuuriyada Somaliland.
Ururkii xorreynta ee SNM isagoo tixgalinaya distoorkii u yaallay ayuu markiii uu muddo 2sanno ah tallada dalka hayay dib ugu celiyay gacanta shacbiga reer Somaliland si ay aayahooda uga tashadaan. Jabhadii SNM waxay gadh wadeen ka ahayd nabadayntii beelaha reer Somaliland dhex martay iyo geedis socodkii nabada Somaliland ka hana qaaday. Maantana waxa laga rabaa dowladda talada dalka haysa haddii lagaga guuleysto doorashada madaxtinimada ee inagu soo foolka leh in ay sidaa si la mid ah yeelaan.
Maalinta xuska 23 guurada SNM awgeed waxaynu xasuusan doonaa qaar ka mid ah Allah ha u naxariistee Mujaahidiintii horseedka ka ahaa dagaalkii hubeysnaa ee geeriyooday.
Muj. C/qaadir Koosaar
Muj. Aadam Sh. Maxamuud (Aadan Shiine)
Muj. Aadan Saleebaan
Muj. Axmed Dhagax
Muj. Dayib Gurey
Muj. Gacma Dheere
Muj. Aadan Dhamac
Muj. Mahdi Cali
Muj. Dhuxul
Muj. Ibraahim Koodbuur
Muj. Maxamed Xaashi Lixle
Muj. Ina Macalin Haaruun
Muj. Maxamed Mooge Liibaan
Muj. Cali Xuseen
muj xasan ciise jaamac
muj cabdulaahi imaan darawal
muj werar
muj cabdi calimahdi
iyoqaar kaloobadan oo aaynaan halkan kusookoobo karin waa ragiisomaliland ama gobolda waaqooyinaftooda iyo maalkoodaba uhuraay hadaba snm waa mujahidiin waana tariikh qoraan diwaankanalagu dhigaay ninkiikanxaaya ama kufaraxayaa Somaliland waay jirayasaa cid ka hor istaagikarta jiritaankeedana majirto ragaba ka diido usoo cabaay.
guusha yaaleh snm maxaayku gaadhay garasha eebe.
mahad nuux muumin
pakistan islamabad
