One group say they are not forgiving anyone becuase....

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
DawladSade
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13940
Joined: Fri Apr 22, 2005 9:38 pm
Location: Xornimo

One group say they are not forgiving anyone becuase....

Post by DawladSade »

all Somalis attacked them and they said this fact has been one of their greatest motivations in the civil war that helped them turn it around in their favor and stand today stronger and in better position than ever before. Laughing Laughing


Beesha Mareexaan oo maanta Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ka sheegtay in Soomaali oo dhan ay isu baheysteen dhibaateynteeda

Talaado, July 24, 2007(HOL): Iyadoo maanta la soo gebagebeeyay qodobkii ku saabsanaa Xalinta Khilaafaadyada Beelaha ayaa maanta waxaa ka doodista qodobkaas lahaa Beesha Daarood oo ka mid ah Beelaha waa weyn ee Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ka qeybgelaya.

Xubno u hadlay Beelaha Daarood ayaa marka laga reebo Beesha Mareexaan waxay sheegeen in khilaafyada u dhaxeeya Beelaha Soomaaliyeed lagu xalin karo in wixii dhacay xalay dhalay laga noqdo, isla markaana la iska cafiyo, halka Beesha Mareexaan ay sheegtay in ay soo jeedintaas waxba ka qabin, hayeeshee ay dhibaato tirsaneyso.

Nabaddoon Xaaji Cabdi Yare oo ka mid ah Odayaasha Beesha Mareexaan ee ka qeybgelaya Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ayaa sheegay in Beeshiisa ay dhibaato ka tirsaneyso dhamaan beelaha Soomaaliyeed, isagoo carrabka ku adkeeyay in la isugu tegay tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay burburtay Dowladdii hore, isla markaana dhibaato baaxad leh loo geystay. Nabaddoonka waxaa uu sheegay in uusan kaliya u doodeynin ka xaal-marinta dhibka loo geystay balse ay Beeshiisa diyaar la tahay in ay xaal-marin ka bixiso wixii ay geysatay oo dhibaato ah.

Beelaha kale ee Soomaaliyeed oo maalmihii aynu ka soo gudubnay qodobkan fikirkooda ka dhiibtay ayaa waxay isku raaceen in wixii dhacay la iska cafiyo, isla markaana loo soo jeesto sidii Qarannimadii Soomaaliya dib loogu soo celin lahaa.

Beesha Hawiye oo furtay ka doodista Qodobka ayaa Odayaal iyo waxgarad u hadlay waxay sheegeen in ay bixin doonaan wax kasta oo lagu sheegto, inkastoo ay ku talo bixiyeen Dadkii u hadlay in ay soo dhaweynayaan soo jeedinta Beelaha kale ka timid ee ku aadan in la iska cafiyo wixii horay u dhacay.

Ajendayaal kale oo ay ugu culus yihiin qeybsiga Kheyraadka iyo Awoodda Dalka iyo weliba Xag-jirnimada Diimeed ayaa u harsan Ergooyinka Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed oo aan ilaa iyo haatan rasmi ahaan loo shaacin waqtiga uu shirkooda soconayo.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed oo 15-kii bishan ka furmay Xaruntii Gaadiidka Booliska oo ku taala Degmada C/Casiis ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa ka qeybgelaya ergooyin ka badan 1000 Ergay, kuwaasi oo ka kala socda Beelaha Soomaaliya, hayeeshee waxaa qaadacay oo shirkaas in ay ka qeybgalaan diiday Maxkamadihii Islaamka, Qaar ka mid ah Odayaasha Beelaha Hawiye iyo weliba Xubno la baxay Baarlamaanka Xorta ah oo ku sugan magaalada Asmara ee Dalka Eritrea.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia
Last edited by DawladSade on Tue Jul 24, 2007 2:11 pm, edited 2 times in total.
User avatar
DawladSade
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13940
Joined: Fri Apr 22, 2005 9:38 pm
Location: Xornimo

Re: One clan sa they are not forgiving ANYONE but get stronger o

Post by DawladSade »

Ergada Beesha daarood oo maanta si wayn uga hadashay madasha shirka dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed.

Mogadishu, 24 July 2007 (HornAfrik Media)

Ergada beesha daarood ee ka qayb galaysa shirka dib u heshiisiinta qaran ayaa maanta isku raacay in xalka soomaaliya uu kujiro in wixii la soo dhaafay la iska cafiyo marka laga reebo beesha Mareexaan oo sheegtay in soomaaliya dhan ay u tashatay dhibaatayn teeda.

Kulan shirka oo maanta intiisa badan ay qaateen ergada beesha daarood oo ka hadlay fikirkooda ku aadan sida khilaafka soomaaliya uu u noqon karo mid laga guul gaaro ayaa waxaa ay shaaca ka qaadeen in dadntu ay ku jirto in dhamaan wixii soomaalida ka dhex dhacay meesha laga saaro.

Xaaji cabdi yare oo ka mid ah beesha daarood kana yimid Jubbooyinka ayaa muujiyey sida xog ugaal ugu yahay inuusan jirin qoos soomaaliyeed oo ceeb ka saliin ka ah wixii ka dhacay dalka oo dhan.

Islaam Bashiir cabdi oo ka mid ah beesha daarood kana yimid gobolada Puntland ayaa qeexay in shirkaan uu noqdo mid ka wanaagsan shirarkii horay loo qabtay islamarkaana ay haboon tahay in muqdisho ay noqoto xudunta dadka soomaaliyeed.

Maxamed Mirre oo ah gudoomiyaha beesha Maareexaan ayaa waxaa uu sheegay in ay beel ahaan tirsanayaan dhibaato gooni ah oo dhamaan qabaa'ilka soomaaliyeed ay u gaysteen falal aad u qaraar balse iminka loo baahan yahay in la is cafiyo.

Qodobka maanta looga hadlayey shirka ayaa waxaa uu ahaa sida lagu xalin karo khilaafaadka beelaha soomaaliya,iyadoo ay ahayd maalintii ugu dambaysay ee qodobkaan laga doodayey.
User avatar
zackabdul
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3313
Joined: Tue May 01, 2007 4:22 pm
Location: The Canadian Artic

Re: One group say they are not forgiving anyone becuase....

Post by zackabdul »

Beesha Darood.. Laughing funny isn't it?
User avatar
Luq_Ganane
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7849
Joined: Tue May 22, 2007 10:17 am

Re: One group say they are not forgiving anyone becuase....

Post by Luq_Ganane »

[quote="zackabdul"]Beesha Darood.. Laughing funny isn't it?[/quote]

Laughing Laughing Laughing Laughing Laughing Laughing , actually Zack its pretty feasible once you take away Ogaden. But Caghdeers are like that piece of the puzzle in Darood that just doesn't fit. Laughing Laughing Laughing Laughing
User avatar
Karbaash_killa
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3672
Joined: Thu Mar 10, 2005 3:10 pm
Location: Wisil, Galmudug State of Somalia

Re: One group say they are not forgiving anyone becuase....

Post by Karbaash_killa »

sxb... ceebtaada waa la qarsadaa.. ee lama baafiyo...in this fashion Laughing
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”