Ciidamada dowladda oo ardey iyo macalimiin kala baxay dugsi ku yaala Muqdisho
Mogadishu 25, July 07 ( Sh.M.Network) Ciidamo ka tirsan dowladda KMG ah oo wata gawaarida dagaalka ayaa maanta xoog ku galay dugsi lagu barto culuumta islaamka oo ku yaala magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay ka kaxeysteen qaar ka mid ah ardeydii iyo macalimiintii joogtay dugsigaasi.
Raaxo Max'ed Xuseen oo ka mid ah ardeyda wax ka barta dugsiga Sunna oo maanta ay soo galeen ciidamada dowladda ayaa waxa ay sheegtay in iyagoo wata howlahooda waxbarasho ay mar qura ka war heleen ciidamo xoog ku soo galay xarunta dugsiga, kuna amray in aaneeydhaq dhaqaaq sameyn.
Waxa ay sheegtay in ciidamadaan ay wateen gawaari dagaal, waxaana markii ay soo galeen dugsiga ay gudaha u galeen xafiiska oo ay ka qaateen qaar ka mid ah qalabkii xafiiska.
Waxa ay sheegtay in ilaa 4 macalin oo dugsiga wax ka dhigi jirey iyo 20 ka mid ah ardeydii dugsiga oo cimaamado indhaha looga xiray ay ku kaxeysteen gawaari ay wateen ciidamada dowladda.
Waxa ay sheegtay in aanu ka war heyn halka loola kacay iyo goobta hadda dhab ahaan ay ku sugan yihiin, iyadoo intaasi ku dartay in ciidamada dowladda ay wehliyeen kuwo Ethiopian ah laakiin aanu xarunta soo galin.
Waxa ay ka codsatay dowladda KMG ah in dadkaasi dib loogu soo celiyo xuriyadooda, maadaama aysan laheyn wax dambi ah.
Waxa ay sheegtay in aysan aheyn markii ugu horreysay oo ciidamo ka tirsan dowladda ay soo galaan dugsiga, iyadoo horeyna halkaasi ciidamo ay u soo gaareen isla markaana si nabdoon baaritaano ugu sameeyay iskuulka.
Shabelle Media Network Somalia
E-mail us: info@shabelle.net
_______________________________________________________________________________
Raiding schools, hospitals, mosques and looting markets, what else can the Mbagathi regime accomplish?
Mbagathi Troops Raid A Religious School & Abduct Teachers!
Moderator: Moderators
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 273 Views
-
Last post by Biif Baaf
-
- 5 Replies
- 372 Views
-
Last post by paidmonk
-
- 0 Replies
- 306 Views
-
Last post by Biif Baaf
-
- 4 Replies
- 372 Views
-
Last post by *jr
-
- 4 Replies
- 511 Views
-
Last post by Biif Baaf
-
- 0 Replies
- 325 Views
-
Last post by Biif Baaf
-
- 3 Replies
- 385 Views
-
Last post by *Arabman
-
- 0 Replies
- 241 Views
-
Last post by Biif Baaf
-
- 0 Replies
- 308 Views
-
Last post by Biif Baaf
-
- 0 Replies
- 317 Views
-
Last post by AbdiWahab252